Musuq maasuqa waa caqabadda ugu wayn ee dawladinmada iyo horumarka

Date:

Muqdisho September 4 (SNTV):- Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa(corruption),Carabigana waa(fasaad) Macno ahaanna waa: sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba marin  noocya badan leh(transgression).dhanka kale haddii loo dhigo Musuqmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne, wuxuuna ka dhici karaa hayadaha dowladda(Public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private sector).

Noocyada Musuqa:- Qaybaha uu Musuq maasuqu u kala baxo iyagoo fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa:

1-Musuqa Laaluushka,qaraabo-kiil wax isdaba marinta,

2-Musuqa Xatooyada xoolaha dadwaynaha

3-Musuqa ku takrifalka awoodda

4-Musuq maasuqa Doorashada

5-Musuqa duudsinta xaq Qof  leeyahay

6-Musuqa siinta cid kale xaq aysan lahayn

7-Musuqa sheegashada aqoon ama qibrad uusan qofku lahayn.

8-Musuqa  gudasha la’aanta waajibaad qofka loo igmaday,

9-Musuqa Qofku si qayaano ah ugu gurto miro cid kale beertay.

10- Musuqa Been abuurka

Sidee Musuqu noo Saameeyay?. Mudadii ka danbaysay burburkii dalka, Somaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah uu u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore ka gashay wadamada musuq maasuqu ragaadiyey,

Musuqa waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa haayadaha dawladda
iyadoo dad xilal lagu aaminay ay caado ka dhigtaan in ay dhunsadaan hantida dadwaynaha ee loogu talagalay in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida  dhismaha waddooyinka, iskuullada iyo isbitaallada.
Dhanka kale musuqa sida wayn noo saameeyey waxa ka mid ah laaluushka  oo saamayn wayn ku yeeshay qaar ka mid ah hayadaha dowladda gaar ahaan wuxuu si aan qorsoodi lahayn u ragaadiyay hayadaha garsoorka ee dalka.

Maxaa laga dhaxlaa Musuqa?. 
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada wuxuuna horseedaa nolol xumo isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee horumarka iyo dawladinmada

Tan iyo mudadii ka danbaysay 8dii feberuary oo ahayd markii uu dalka ka dhacay isbadalkii maamul ee  shacbiga Soomaaliyeed sida wayn u soo dhaweeyeen waxaa Madaxwayne Max’ed C/llaahi farmaajo iyo Ra’iisalwasare Khayre durbadiiba bilaabeen in ay shacbiga soomaaliyeed ku wacyi galiyeen la dagaallanka Musuqa oo ah dilaaga dowladnimada iyo rajada shacabka, waxayna fagaarayaal badan si aan leex leexad lahayn kaga cadeeyeen in ay muhiimadda koowaad siinayaan ciribtirka musuqa.

Ra’iisalwasaare Khayre oo ka hadlayay dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto baabi’inta iyo xididdo siibidda  musuqa meel kasta uu ka jiro ayaa yiri

“Soomaaliya waxay la dagaalamaysaa Musuqa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaaraha waxayna diyaar u yihiin in wadankaan lagu maamulo cadaalad ,Musuqmaasuqana lagu jihaado,Waxaan idinka codsanayaa in aad nagala qayb qaadataan jihaadkaas,Musuqmaasuqu waa cudurka ugu xun ee ku dhaca nidaam dowladeed,Meel uu Musuq ka jiro Caddaalad kama jirto meel Musuq ka jiro horumar ka ma jiri karo,Meel uu Musuq maasuq ka jiro nabadgalyo ma imaan karto,Meel uu musuq maasuq ka jiro isku kalsooni ma jirto, Meel uu Musuq maasuq ka jirana  Alle ka cabsiga waa ku yar yahay”.

Dhaqan doorsoonkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato lahayn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban, tallaabadaas oo Ra’iisalwasaare Khayr horay u qaaday.
3-in sidoo kale dib loo hubiyo loona tira kobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

.4-in Xukuumaddu hubiso  qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay,xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.
5-in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta haydaha dawladda lagu xulo xirfad  lagana hortago qof jaclaysi iyo qaraabakiil.

5-in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qaybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad wayn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Maxaa Tallaabo ah oo laga qaaday la dagaallanka Musmaasuqa? Waxaa la xiray  Sarakiil lagu eedeeyay in ay gargaar Musuqmaasuqeen, Waxaa xilka laga qaaday Masuuliyiin la sheegay in ay xadeen hantida dadwaynaha,qaar kalana shaqada laga fadhiisiyay, Madaxdii Kastamka Dekedda ayaa xabsiga loo taxaabay, oo loo haysto lunsasho hanti dadwayne.

Hawlgalka la dagaallanka Musuqmaasuqa wuxuu gaaray Safaaradaha, waxaana  Ra’iisalwasaare Khayre ku amray dhamaan shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaanta waqooyi in ay dalka soo galaan si loola xisaabtamo.

Waxaa la badalay Garsoorayal maxkamadeed,kuwa kalana shaqada ayaa laga joojiyay. Sidoo kalana waxaa xabsiga la dhigay Saraakiil ciidan.

Gabagabadii Qormada Musuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah,waxaana  jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka dowladnimada Soomaaliya.

Qallinka:- Gobdoon

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...