Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Asmara

Date:

Muqdisho, Sebtembar 5, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Soomaaliya waxa ay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah.

Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga mashaariicda Shiinaha.

 

–DHAMMAAD–


 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...