Home Blog Page 1221

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo si rasmi ah Xilka ula wareegay

Muqdisho (SNTV), Wasiir dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo dhowaan loo magacabay Xilkaasi, ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Marwo Aamino Saciid Cali iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad celiyey Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin nuur mudadii uu kasoo shaqeeyey Madaxtooyada iyo shaqadii uu soo qabtay dalka.

Sidoo kale waxuu soo dhaweeyey Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyadda, isaggoona sheegay in shaqooyin adag ay horyaalaan, Allana uga baryey inuu u fudeeyeyo.

Wasiir dawlaha Madaxtooyadda C/qaadir Shiikh Cali Baqdaadi ayaa u mahad naqay masuuliyiinta madasha ku sugnaa, waxaana uu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil ka yimid Puntland

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil ka tirsan Booliska, kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada dawlad goboleedka Puntland.

Saraakiishaan ayaa la baray Sharciga xaquuqul iinsaanka, Baarista kufsiga iyo Maareynta dambiyada, waxaana tababarka bixinayey Macalimiinta Booliska oo kaashanayo Hay’adda Bancroft global development iyo Hay’adda international narcotics and law.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha maanta tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ku dhaqma casharada kala duwan ee la baray.

S/gaas Bashiir ayaa xusay in Taliska ciidanka Booliska ay ka go’an tahay sare u qaadida aqoonta ciidanka, waxaana uu tilmaamay in la kordhin doono tababarada kala duwan ee ciidanka la siinayo.

 

Taliyaha ciidanka Xoogga oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday dawladda Mareykanka

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday dawladda Mareykanka, waxaana ay kawada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen siddii dawladda Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri laheyd xoreynta dalka,  Tababarka Ciidanka , is dhaafsiga qibadaha dhanka ciidanka iyo qodobo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa waxa uu dawladda Mareykanka ugu mahadceliyay taageerida iyo tababarada ay siinayaan ciidanka Xoogga dalka.

Dawladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV), September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Farmaajo oo tagay Masjidkii, Dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada Hawlwadaag ee ay qarxiyeen Argagixisada Alshabaab

0

Muqdisho, Sebteembar 06, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib Madashii Shiinaha iyo Afrika ee uu kaga qayb galay Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee uu Asmara kula yeeshay Hoggaamiyeyaasha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa isla markii uu soo gaaray Muqdisho waxa uu tagay Masjidkii iyo Dugsi Quraankii iyo xaruntii Degmada Hawlwadaag ee kooxda argagixisada Alshabaab ay qaraxa la beegsadeen, maalinnimadii Axadda ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay qaar ka mid ah ehellada carruurtii dhiganaysey Dugsi Quraanka ee ku geeriyooday qaraxan, isagoona ku bogaadiyey bulshada degmada Hawlwadaag garab istaagga iyo taakuleynta ay u muujiyeen ardaydii ku dhaawacantay goobtaas.

“In la qarxiyo Masjidkaas ay dadka Islaamka ah ku tukanayeen iyo Dugsi Quraankan ay wax ka baranayeen caruurtii ay qaarkood ku naf waayeen qaraxaas, waxa ay muujinaysaa in ujeedka dhagar-qabayaasha Alshabaab uu yahay gumaadka qofka kasta oo Soomaali ah, carruur iyo cirrooleba.”

Madaxweynaha ayaa bulshada Hawlwadaag iyo guud ahaan degmooyinka Caasimadda ugu baaqay in ay si deg deg ah uga qayb qaataan Barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha bulsho ee ku burburiay weerarkan ay soo maleegeen kooxdan arxan-laawayaasha ah.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyaha Ururka ONLF kala hadlay xoojinta nabadda iyo hormarka

0

Muqdisho(SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Casmara ee dalka Eretria kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF admiral Maxamed Cumar Cusmaan.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii ONLF ay uga qeyb qaadan lahayd dadaalka loogu jiro nabadda iyo hormarka, waxa uuna intaas ku daray Madaxweynuhu in la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.

Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Admiral Cumar in ONLF qaadato door horumarineed oo xoojinaya dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar u ah dadka Soomaaliyeed.

30-kii bishii July ee sanadkan ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar kulankii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Casmara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Safiirka Sweden U Fadhiya Soomaaliya oo kulmay

0

Muqdisho (SNTV)- Kulankan ay wada qaateen labada masuul ayaa waxaa uu ku saabsanaa xiriirka iskaashiga labadda dowladood Ee Soomaaliya Iyo Sweden

Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb Andres Uon Unexkull ayaa uga tacsiyadeeyey guddoomiyaha golaha shacabka oo bartamihii todabaadkan hooyadii dhashay ku geeriyootay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arrimaha loo baahanyahay in iskaashi laga wada Sameeyo iyo sidii Xiriir wada shaqeeneed ay u wada sameyn lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sweden.

Xiriirka Diplomasiyadeed ee ka dhexeeya labada dowladood ayaa ah mid wanaagsan waxaana uu kulankan maanta gudoomiye Mursal la qaatay safiirka Sweden uu yahay mid lagu sii xoojinayo wada shaqeynta labada dawladood.

Baaq wadajir ah oo ay ku heshiiyeen waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya

0

Asmara, Sebtembar 06, 2018: Iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;

Iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta;

Iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-

1.Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2.Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3.Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4.Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

DHAMMAAD

Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan midowga Yurub

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda  horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa  xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane  Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah  xaaladda waxbarashada dalka, iyo tageerada uu midowga Yurub ka geysto horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi  Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday midowga Yurub u sheegay in guullo badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare.

“Waxaan bogaadinaya wada shaqeynta iyo tageerada midowga Yurub u la garab taagan yahay Soomaaliya,wana uga mahad celinayaa,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha Maarso ee sannadka 2019-ka dalka Kuwit lagu qaban doono shir looga hadlayo,waxbarashada dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera waxbarashada Soomaaliya.

Madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta manhajka cusub.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa malmihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay hay’adaha Soomaaliya ka tageera waxbarashada dalka kuwaasoo dhamaantood ballan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada.

Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea oo ku wajahan Jabuuti

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea ayaa la filayaa in ay dhawaan kulan Saddex Geesood ah ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Xog ay heshay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegaysa In masuuliyiintan ay ku wajahan yihiin Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa xurgufta dhex taalla Jabuuti iyo Eretrea.

Kulankan ay Jabuuti ku yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ayaa waxa uu qayb ka yahay shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Waddamada Saddexdan Dal, kaasoo ku qotoma in la dhammeeyo mad-madoowga siyaasadeed ee ka dhex jira Waddamada Bariga Afrika, laguna beddelo nabad , horumar iyo wada noolaasho.