Home Blog Page 1223

Kulan looga hadlay Wada shaqeynta Booliska iyo Bulshadda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Kulan looga hadlay wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, Saraakiil ka socday AMISOM, Taliyeyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha kala ee duwan C.B.S.

Kulankaasi, ayaa aad waxaa looga hadlay sida ay wada shaqeyn karaan Bulshadda iyo Booliska, waxaana Saraakiil ka hadashay kulanka ay soo jeediyeen Talooyin iyo aragtiyo kala duwan, waxaana ay sheegeyn in Booliska uusan shaqeyn Karin kaligiis, haddii uusan helin la shaqeyn iyo garab istaag ka imaanayo Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa kulankaasi ka sheegay Muhiimadda ay leedahahay in Bulshadda inay la shaqeeyaan Booliska, isaggoo tilmaamay in xoogga ay saari doonaan siddii Shacabka ay u kasban lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , oo gabogabada kulanka hadlay, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hadda laga darreemayo inay sameynayaan Horumar si xowli ah ku socda, waxaana isna dhankiisa uu soo bandhigay sida u wanaagsan ee ay uwada shaqeyn karaan Booliska iyo Bulshadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka

0

Muqdisho (SNTV), Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sidoo kalena uu goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey,waxa uu guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu la qaatay guddiga madaxa banaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddiga ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka u soo bandhigayay warbixin ku saabsan waxqabadka guddiga iyo intii la aas aasay qaabka ay u shaqeynayeen iyo kulamadii shaqo oo ay yeesheen, sidoo kale guddiga faah faahin ka bixiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Dalka sida uu sheegay guddooomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegisa iyo hirgelinta dastuurka Dr Maxamed Daahir Afrax.

Xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulanka ka dhiibtay aragtiyadooda, waxyaabaha ay aadka uga hadleena waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira cutubyada dastuurka ee guddiga ilaa hadDa uu kasoo shaqeeyay iyo arrimaha miisaaniyada.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay in kan guddoon ahaan ay la socon doonaan arrimaha dib u eegisa iyo hir gelinta dastuurka siddii loo dar dar geliyo.

Guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hir gelinta dastuurka warbixinta kooban oo ay guddiga siiyeen, isaggoo sheegay in golaha shacabka ay sii joogteyn doonaan kulamada ay la qaadanayaan guddiyada madaxa banaan si loola socdo howlaha ay haayaan.

Madaxweynaha oo Garsooreyaal cusub u magacaabay Maxkamadda sare

Muqdisho, Ogoosto 9, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

–      Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

–      Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

–      Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

–      Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

–      Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo  ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

–      Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

–      Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

–      Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

–      Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

–      Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

–      Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Midowga Yurub ay ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya,isagoona dhanka kale tilmaamay iney ka go’an tahay iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka.

‘Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo aan ka wada hadalnay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana naga go,an inaan ka wada shaqeyno horumar ka Dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

gudoomiyaha gobolka banaadir oo bogaadiyey Doorka aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka.

0

Muqdisho Khamiis August 9 (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayey sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jaamacadda Muqdisho ayaa ku boogaadiyey dadaallada ay ku bixiyeen aqoonyahannada Soomaaliyeed badbaadinta mustaqbalka da’yarta iyo hirgelinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dhabar adayggii iyo hal abuurkii bahda waxbarashadu ay ku samata bixiyeen waxbarashada dalka wakhtiyadii burburka, isagoona sheegay in dhammaan hawlwadeennadii wakhtigooda iyo maalkoodaba u horay barbaarinta iyo kobcinta aqoonta jiilasha maanta ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

“Iyadoo dalka ay ka jirto xaalad adag, qofkastana ay nolashu ku culustahay ayaa waxaa horumarinta waxbarashada dhexda u guntaday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aan helin taageero dowladeed, maantana waxa ay ina gaarsiiyeen in aan ku faani karno heerka waxbarasho ee ka jirta dalka.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in dib u kabashada dalka, dowladnimada iyo kobaca wacyiga bulshada ay xoojinayaan nidaamka waxbarashada dalka, culayskana ay ka fududeysay, gaar ahaan mideynta manhajka,isku xirka bahda waxbarashada, taakuleynta iyo tayeynta macalimiinta, dalladaha iyo xarumaha waxbarashada.

“Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay udub dhexaad u noqdaan qorshayaasha lagu wajahayo caqabadaha dib u dhigay himilooyinka shacabkeenna oo ay ugu horreyso qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sababtoo ah aqoontu ayaa lagu daaweeyaa dhibaatooyinka soo food saara ummadaha.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu hambalyeeyay maamulka,macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaska Jaamacaddan,waxa uuna kula dardaarmay in qoondo waxbarasho loo sameeyo dadka barakacayaasha ah, maadaama aysan dhaqaale ahaan inta badan awoodi karin ku biirista Jaamacadaha

.

 

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Somalia oo dhagax dhigtay dhismaha Xarunta dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee degmada Cabadi Casiis

0

Muqdisho, Khamiis August 9 (SNTV);- Xaruntii hore ee Dabaasha iyo Teeniska Miiska ee degmada Cabdi Casiis ayaa waxaa maanta Mashruurca dhismaha Wajiga Koowaad ee xarunta dhalinyarada iyo Ciyaaraha dhagax dhigtay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhagax dhiga ayaa waxaa Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir,madaxda Xiriirada Ciyaaraha Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Cabdi Casiis ee Maamulka Gobolka Banaadir Sharmarke Maxamed Ladane ayaa sheegay in Maamulka degmada aad ugu farxsan yihiin dib u dhiska xarumaha degmada lagu sameynayo,isagoona soo dhoweeyay tallaabadan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti ayaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ku ammaantay dowrka ay ka qaadaneyso fursadaha lagu dhiira gelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Mashruucaan lagu dhisayo xarunta dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee degmada Cabdi Casiis ay tahay balan qaad horay ay u sameeyeen,islamarkaana fulintiisa hadda suurta gashay.

Waxay sheegtay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye muhiimada ay ka leeyihiin dhismaha xaruntaan iney tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Cabdi Casiis ay helaan goob ay ku ciyaaraan si jirkooda u dhistaan una soo saaraan feker ka shaqeynaya horumarka dalka,waxayna Bulshada reer Cabdi Casiis ay ka dalbaday iney ka shaqeeyaan sidii xaruntaan u ilaashan lahaayeen.

Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibedda oo shaqadii laga joojiyey

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta Qaranka ka akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka

Markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

 

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay arrimaha xuduudaha Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)- Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku  aaddan is-waafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira  arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya, Khalliif C/kariin Maxamed, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada Dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka Biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyna ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen Dad Shacab ah, taasoo ah mid u baahan in Labada Dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada Xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda Dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha Dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maaul Goboleedyada Dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.

Rag dhac isku baheystay oo ay Maxkamadda Ciidamadu xukuntay

Muqdisho (SNTV)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Min Shan-sano oo xabsi Ciidan ah kaddib markii ay dhac u geysteen Shirkadda Hormuud xarumaheeda ku kala yaal kaawo godey  degmada Wadajir  iyo Tree-Disha oo ah halka loo yaqaan  (KM13).

Goor hore oo maanta ah ayaa xukunka Maxkamadda waxaa ku dhawaaqay guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Halkan Hoose  ka dhageyso Codka Guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Mashaariic lagu horumarinayo Warshiikh oo Degmadaas laga bilaabay.

0

Warsheekh, Arbaca, August 8 (SNTV):-Gobolka shabeelaha Dhexe  ee Maamulka  Hirshabeele waxaa  ka soconaya  Horumar aad u Balaaran  oo lagu Hergalinayo  Deegaanada Hoostaga  Degmada Warshiikh  oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe  waxaana kamid ah  Mashaariic Lagu Dhisayo Goobo Caafimaad,  Iskuulo  ay wax ku Bartaan Dadka  Degan Degmada Warshiikh Tuulooyinka Hoos taga iyo Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo warshiikh waxaana mahaariicdaas wadda  hay’adda Critical  Hope  Foundation oo fadhigoodu yahay wadanka koonfur afrika.

Dhawaan Wafdiga  ka socda Wadanka Koofur Africa  oo wado mashaariic kala duwan ee  lagu hormarinayo gobolka shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada warshiikh,   iyo maamulka gobolka shabeelaha  dhexe kan degmada warshiiq wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleed hir shabeele ayaa waxay  kormeer ku tageen, deegaano uu ka midyahay  deegaanka qeyla weyne oo ka tirsan degmada warshiikh  kaasi  oo horay looga her galiyay  iskuul hoose dhexe  iyo M C H oo  ay ka dhistay hey’adda givt of  givers ee laga leeyahay wadanka koofur africa   waxaana munaasabad  lagu soo dhaweynayay mashaariicdaasi  lagu hormarinayo degmada warshiikh gaar ahaan  gobolka shabeelaha dhexe lagu qabtay xarunta degmada warshiikh.

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  Axmed Xuseen Axmed [Axmed shiidka ] oo munaasada ka hadlay  ayaa ugu  mahadceliyay  masuuliyiinta ka socday  wadanka koofur afrika ee deegaanka  hir galinayo  howlaha hormarineed ,

‘Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar, waa in loo diraa carruurta iskuulada oo la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah’ ayuu yuru gudoomiyaha degmada warsheekh.

Mrs Nxumalo louisa oo ka socotay  Hay’adda critical hope foundation  ee wadanka koofur afrika  ayaa sheegtay in ay ka hirgalinayaa  mashaariic lagu hormarinayo Degmada Warshiiq  iyo Guud ahaan Gobolka shabeelaha dhexe.

‘waxaan soo arkay barwaaqo aad u ballaar oo kajirta Wadankaan soomaaliya, taasoo aan laga helin wadanka koonfurka afrika, laakiin idinku ma dareemeysaann, warsheekhna waa meel aad u qurxoon, waxaana isku afgaranay aniga iyo maamulka inaan iska kaashano dhanka horumarka ee degmada iyo guud ahaan gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in loo baahanyahay shacabka ku nool gobolka shabeelaha dhexe ay ka qeyb qaataan howlaha  horumarineed ee ka soconaya  gobolka  .

‘waxaan ugu baaqayaa bulshada kudhaqan gobolka shabeelaha dhexe inay ka shaqeeyaan horumarka gobolka gobolkooda oo ay horumariyaan adeegyada aasaasiga ee gobolkooda.

Wasiirka Wasaaradda  Kaluumeysiga iyo kheyraadka  Badda  ee Dowlad Goboleedka  Hirshabeele  C/llaahi Macalin  Mustaf  ayaa  ka hadlay muhiimada howlaha mashaariicda ee lagu hormarinayo  degmada warshiiq  iyo guud ahaan gobolka

’ Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar,m waa in loo diraa carruurta iskuulaad,m waana inm la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah. ‘ ayuu  yiri wasiirka.

Muuse Cusmaan Abtow.

Warbaahinta Qaranka.