Ololaha is-xilqaan oo si dar-dar leh uga socda Muqdisho

Date:

Muqdisho September 4 (SNTV):-Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo nadaafadeed ka billoowday Maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cadde International Airport.

Agaasimaha waaxda nadaafadda Dowladda hoose ee Xamar ayaa sharraxay ololahaani nadaafadeed ee Maanta la fuliyay.

Taliyaha saldhiga Boliiska ee Garoonka Aadan Cadde , G/Sare Axmed Maxamed Cali (Gaalkacayo) ayaa Dowlada hoose ku ammaanay dar-dargelinta barnmaajika is-xilqaan.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, waxa ay sheegtay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta bilicda Caasimadda.

Ololahan nadaafadeed oo qeyb ka ah Barnaamijka is-xilqaan ayaa si xowli ah ugu socda Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo markii ay Madaxda Dowladda dhexe ku dhowaaqday dhawaan

.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...