Ciidanka Xoogga dalka oo Magaaladda Marko kusoo bandhigay Horjoogeyaal Kooxda Alshabaab ka tirsan

Date:

Muqdisho September 5 (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha Magaaladda Marko ee Xarunta gobolka Sh/Hoose waxay kusoo qabteen Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ka tirsan Kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Howlgalkaasi,  ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 maleeshiyaad iyo horjogayaal isugu jira, kuwaasi oo dhammaantood qirtay kamid ahaanshaha Nabad diidka, Waxaana qaarkood Ciidanka Xoogga ay soo qabteen iyaggoo ku hoolan falal amniga lidi ku ah.

goobta lagu soo bandhigay maleyshiyaadka iyo horjogayaasha lasoo qabtay, ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage  oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,  ayaa sheegay in Maleeshiyada argagixisada ka tirsan ee lasoo qabtay ay qirteen kamid ahaanshaha Kooxda Alshabaab, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida lasoo taagayo.

Ragga lasoo qabtay, ayaa waxaa ku jira Horjooge sare oo Argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaaladda Marko, kaasi oo lagu magacaabo Horjooge C/casiis Jamaal, waxaana uu qirtay inuu ka dambeeyey dilal badan oo loo geeystay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...