Home Blog Page 1210

Ciidamada Jubaland oo cagta mariyay Alshabaab ku sugnaa Jannaay Cabdalla

0

Ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab Jubaland ayaa cagta mariyay labo aag oo ay Al-Shabaab fariisin ku lahayeen oo ku yaala deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Ilaa 18 kamid ah Kooxda Al-Sabaab oo sarakiil ay ku jiraan ayaa lagu dilay howlgalkan iyadoo laga furtay hub kala duwan.

Ciidamada  ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ay ka sameeyeen Jubbada Hoose ka gaaray guulo waa weyn.

Ciidammada ayaa  howlgalkooday ku soo furtay hub  fara badan oo ay maleeshiyada  Alshabaab ka carareen.

 

Ka dhageyso Barnaamijka Wadajir + Sawirro

0

Jimco 21 September 2018 Muqdisho (SNTV) Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka waxaa uu diirada saarayaa todobaadkan halka ay marayso Diyaarinta Hannaanka Qaran ee Dib u heshiiisinta, Shirka Madasha Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose iyo Muhiimadda Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya qaadatay macne noocee ah ayuu ugu fadhiyaa mujtamaca Soomaaliyeed.

Ku dhufo link-gan hoose:-

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + sawirro

In ka badan 100-Qof oo ku dhimatay Markab ku dagay xeebtaTansaaniya

0

Jimco 21, September 2018 Muqdisho (SNTV) In ka badan 100 ruux ayaa ku dhimatay, tiro intaa ka badanna waa lagu la’yahay kadib markii uu markab siday rakaab ku rogmaday Harada Lake Victoria, ee dalka Tansaaniya , sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha degaankaas.

Shilkan ayaa dhacay Maqribnimadii Xalay, waxaana la filayaa inuu qasaaraha bato, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka oo illaa iyo Maanta ku guda jira howlaha baarista meydadka Dadkii halkaasi ku dhintay.

Guddoomiyaha Gobolka Harada Fiktooriya, John Mongella, ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in 37 Qof lasoo badbaadiyay habeenimadii xalay, qaar badan oo ka mid ah Dadkaasina ay xaaladdoodu aad u liidato.

Doonida MV Nyerere, oo ku qallibantay meel ku dhow Jasiiradda Ukara Island, ayaanan la ogeyn tirada dhabta ah ee saarnayd, maaddaama diiwaan geliyahii rakaabka laftiisa uu ku jiro Dadka shilkaasi ku geeriyooday.

Qiyaas ay Saraakiisha Dowladda Tansaaniya samaysay ayaa lagu sheegay in shilkaas uu sababaty tirada rakaabka oo aad ugu badnayd inta loogu tala galay, tirada guud ee dadka saarnaa markabka ayaa lagu sheegay inta u dhexeysa 400 illaa 500 oo Qof.

 

Wafdiga Aqalka sare oo Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka kula kulmay magaalada Kismaayo. ‘Sawirro’

0

Jimco 21, September 2018 Muqdisho (SNTV) Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland,waxayna kala  hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan.

Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kormeer kutagtay ispitaalka keysaney halkaasoo ay kujiraan dumar isku furmay

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiiradda, oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee  (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.

“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.

Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.

Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.

Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar.

Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in Gabdhaha bukaanka ah ee la Il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira Isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’ yar, isla markaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxanay ku cel-celisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.

Guddigii golaha Aqalka sare uu u diray Galmudug oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Guddi ka kooban xubnaha Aqalka sare ee kasoo jeeda maamul Goboleedka Galmudug oo dhawaan gaaray Dhuusa-mareeb ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degaannadaas.

Xubnahan oo kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Bulshada Galmudug ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha asaasiga ah ee ay qabaan Shacabka halkaa ku dhaqan.

Guddigan ayaa sidoo kale wax garadka ka xog-wareeystay wixii ismaan-dhaaf ah ee halkaasi ka jira iyo sida lagu xallin karo Khilaafaadka gudaha ee ka dhex taagan xubnaha maamulka sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Wafdi ka socda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay wasiirka qorsheynta Dalka Qadar

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka qorsheynta, horumarinta iyo Tirakoobka Dalka Qadar Dr, Salah Bin Mohamed, ayaa qaabilay wafdi ka socoda wasaaradda Qorsheynta ,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Somalia oo hadda booqasho ku jooga Dalkaasi Qadar.

Kulankaasi dhex maray Labada geesood ayaa waxa ay iskula soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Labada Dal iyo qorshaha Soomaaliya ee Sanadka 2040, iyo sidii ay Soomaaliya uga faaii’deysaan lahayd waaya aragnimada Qadar ee ku wajahan israaraatiijiyadda xoogagga dhanka arrimaha Bulshada.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sharraxaad ka dhageystay dhiggooda Dalka Qadar barnaamijyada horumarinta Dalkaasi iyo habka fulinta Qorshayaasha Wasaaradaha iyo ka gudubka caqabadaha hor yaalla.

Wasiirka waxbarashada Xukuumada Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan hay’addaha deeq bixiyaasha

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaatay xubno ka socda hay’addaha deeq bixiyaasha.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulanka hore la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxana ay ka wada hadleen , sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada.

“ Waxaan kulan la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxaan ka wada hadalnay, sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada,waxaan si gaar ah uga wada hadalnay mashruuc waxbarasho oo ku saabsan xoolo dhaqatada iyo meelaha miyiga ah kana socda gobolada sida Gedo, Bay iyo Bakool oo ay maalgalisay USAID ayna hirgelinayso UNICEF, mashruucan oo  ah  mid tijaabo ah  ayaan qorsheyneynaa inaan ka hirgelino gobollada dalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa  sheegay in bisha October magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir  lagu lafa guri doono waxqabadka iyo waxa uu soo kordhiyey mashruuca tijaabada ah ee hirgelinta waxbarashada xoolo dhaqatada iyo reer miyiga, kadibna laga fuliyo dhamaan gobolada dalka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa kulmay  Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF  ee Soomaaliya, waxana ay ka wada arinsadeen , mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda.

“Waxaan la kulmay Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF Soomaaliya, waxaan  ka arinsanay, mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan warmurtiyeedkii shirkii Brussels lagu qabtay ee golaha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) July 16 -17, Iyadoo lagu go’aamiyay in bisha November ee sanadka la qabto shir looga hadlayo waxbarashada Soomaaliya, waxaan isla garanay in wasaaradda waxbarashada iyo UNICEF inay u diyaar garooban shirkan ka faa’ideystan fursadaha jira” ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulamo kula qaatay xubno ka socda Bangiga Adduunka kuwaasoo uu hogaaminayay Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxana labada dhinac ka wada hadleen fulinta mashaariicda waxbarashada.

“Waxaa sidoo kale Nairobi kula kulmay xubno ka socda Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayo Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxaan ka wada hadalnay, Mashruuca RCRFka oo ka taageera dawlada dhanka mushaarka shaqaalaha dawlada sidoo kalana waxbarashada iyo caafimaadka ka taageera dhanka bixinta gunooyin macalimiinta iyo xirfadle yaasha caafimadka,mashruucan waxa uu taageeraa in kabadan 2,000 oo macalin oo ku kala sugan Puntland, 300 ,Jubaland, 300 Banaadir iyo 900 oo kale oo u qorshaysan sadexda dawlad goboleed ee kale, sidoo kale waxa uu ka shaqayn doonaa taakulaynta gunada macalinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mushaarkooda iyada oo macalimiinta la qiimeyn doono,  iyo dhanka xogta waxbarashada sidii loo hagaajin lahaa”ayuu intaasi raaciyay wasiir Goodax.

Ugu dambeyn  Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa la kulmay madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID.

“Waxaan la kulmay  madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID,arrimaha aan xooga saarnay waxaa ka mid ah  Halka uu marayo fulinta mashruuca GPE ga oo dhan USD 17.9 million, Fulinta mashruuca oo bilaabatay bishan September 2018-ka waxana uu ku eegyahay September 2021, waxaa la samayn doonaa daahfur balaaran bisha Octoober oo lagu qaban doono Muqdisho kana soo qayb gali doonaan wufuud ka socota GPE, Midowga Yurub, USAID iyo Dowlada heerarkeeda kala duwan”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay qaabka looga faaiidaysanayo qoondada cusub ee GPE ga oo dhan USD 27.9 million, wasiirka waxbarashada ayaa u  sheegay xubnaha deeq bixiyaasha in wasaaradda ay dadaal ugu jirto sidii ahmiyadda koowad loo siin lahaa waxbarashada islamarkana  la kordhiyo miisaaniyada dowlada ee dhanka waxbarashada lana gaarsiin doon inta udhaxaysa 7% ilaa 10% sandka 2019-ka.

Ciidamada ammaanka oo Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan markii ay heleen xog ku aaddan xubnahan la qabtay.

Howlgalka lagu soo qabanayay Labadan xubnood ee ka tirsan kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ayaa ahaa mid qorsheysan, kaas oo aysan cidina wax ku noqon, waxanay hay’addu fartay Bulsho weynta Soomaaliyeed inay ku Garab istaagaan difaaca Shacabka.

“ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa indhawaalaba ku howlanaa sidii ay u Laba laabi lahaayeen sugidda ammaanka Dalka, iyagoo Bulshada qaybaheeda kala duwanna ku boorrinayo inay Garab istaagaan layskana kaashado cadawga Ummadda iyo Qarannimada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed  ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha  Arrimaha Ciiidamada Ee Safaarada Talyaaniga oo Dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga Soo Magacowday .

kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga Dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib  udhiska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.