Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed  ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha  Arrimaha Ciiidamada Ee Safaarada Talyaaniga oo Dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga Soo Magacowday .

kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga Dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib  udhiska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...