In ka badan 100-Qof oo ku dhimatay Markab ku dagay xeebtaTansaaniya

Date:

Jimco 21, September 2018 Muqdisho (SNTV) In ka badan 100 ruux ayaa ku dhimatay, tiro intaa ka badanna waa lagu la’yahay kadib markii uu markab siday rakaab ku rogmaday Harada Lake Victoria, ee dalka Tansaaniya , sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha degaankaas.

Shilkan ayaa dhacay Maqribnimadii Xalay, waxaana la filayaa inuu qasaaraha bato, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka oo illaa iyo Maanta ku guda jira howlaha baarista meydadka Dadkii halkaasi ku dhintay.

Guddoomiyaha Gobolka Harada Fiktooriya, John Mongella, ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in 37 Qof lasoo badbaadiyay habeenimadii xalay, qaar badan oo ka mid ah Dadkaasina ay xaaladdoodu aad u liidato.

Doonida MV Nyerere, oo ku qallibantay meel ku dhow Jasiiradda Ukara Island, ayaanan la ogeyn tirada dhabta ah ee saarnayd, maaddaama diiwaan geliyahii rakaabka laftiisa uu ku jiro Dadka shilkaasi ku geeriyooday.

Qiyaas ay Saraakiisha Dowladda Tansaaniya samaysay ayaa lagu sheegay in shilkaas uu sababaty tirada rakaabka oo aad ugu badnayd inta loogu tala galay, tirada guud ee dadka saarnaa markabka ayaa lagu sheegay inta u dhexeysa 400 illaa 500 oo Qof.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...