Guddigii golaha Aqalka sare uu u diray Galmudug oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Guddi ka kooban xubnaha Aqalka sare ee kasoo jeeda maamul Goboleedka Galmudug oo dhawaan gaaray Dhuusa-mareeb ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degaannadaas.

Xubnahan oo kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Bulshada Galmudug ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha asaasiga ah ee ay qabaan Shacabka halkaa ku dhaqan.

Guddigan ayaa sidoo kale wax garadka ka xog-wareeystay wixii ismaan-dhaaf ah ee halkaasi ka jira iyo sida lagu xallin karo Khilaafaadka gudaha ee ka dhex taagan xubnaha maamulka sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...