Home Blog Page 1209

Maxkamadda Ciidamada oo xukuna kula duwan ku riday lix eedeysane oo midi maqan yahay.

0

Beledweyn (SNTV)- Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacab  ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayay  Mahad Xuseen Shiidow oo maalin ka hor wada bajaajle ku dilay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.

Khubarro baarayaal ah oo Muqdisho kaga yimid dhacdadan, wakiilna ka ahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana sii baaray dhacdadan,  waxa ayna baaristooda ku ogaadeen  kaalimihii  ay  kulahaayeen  wixii dhacay eedaysanayaasha loo soo xiray dacwada  iyagoo khubaradu u gudbiyay gabagabada baaristooda  xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa u gudbiyay maxkamadda eedda ka dhanka ah lixda eedaysane iyagoo  soo bandhigay cadaymo laga qoray  eedeysanayaasha, wuxuu sidoo kale Maxkamadda horgeeyay xafiiska xeer ilaalinta  Markaatiyaal deegaanka ah ee goobjoogga u ahaa dhacdada ay ku dhinteen Laba ruux midna uu ku dhaawacmay.

Maxkamadda oo ka duuleysa arrimahaasi ayaa ugu dambeyn go’aan kasoo saartay Lixda eedeysane oo mid maqan yahay.

Cabdisamad Maxamed Cusmaan (Af-dheere)  oo ka tirsanaa guutada Shanaad,  qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayay Maxkamaddu ku heshay in uu ahaa shaqsiga dilka  geystay waxa ayna  ku xukuntay Dil toogasha  halka Aadan cali cilmi,  Burhaan  yusuf nuur, Cabdifitaax bedel qoofiyow iyo  Maxamed cali cilmi ay kuwada xukuntay Min Shan (5)-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda ayaa  sidoo kale amartay in xabsiga laga sii  daayo Maxamed yuusuf tifow  hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu u sheegay Warbaahinta Dowladda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale  hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Marwo Fowziyo Abiikar Nuur” Annagoo la kaashaneyneyo bahda caafimaadka waxaan soo celineynaa nidaamkii Wasaaradda Caafimaadka,”

0

Muqdisho September 22 (SNTV);-Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay Xaflad lagu caleema saarayay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf,waxaana ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur,Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka “WHO”bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka.

Ugu horeyn,Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo xafladda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf,wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi aqoon buuxda u leh howsha uu bulshada u hayo.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa marka hore soo dhoweeysay Prof: Maxamed Yuusuf Ibraahim Guuleed oo mar labaad loo doortay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed,waxayna hoosta ka xariiqay in Wasaaradda caafimaadka go’aankeeda uu yahay in si dhow ula shaqeyso Guddiga Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa inaan soo celino systemkii Wasaaradda caafimaadka,annagoo la kaashaneyno dhaqaatiirta iyo dhammaan bahda caafimaadka,Cisbitaalada inaan la wareegno waa qeyb ka mid ah horumarka Dowladda si aan ugu helno dhaqaatiirka meel ay ku tababartaan,” ayay tiri Marwo Fowziyo Abiikar Nuur.

Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo amray in magacyadii dugsiyada hore dib loosoo celiyo magacyadii

0

Muqdisho September 22 (SNTV);-Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in muddo 30 cisho gudaheed looga baahan yahay cid kasta oo gacanta ku heysa dugsi ay dib ugu soo celiso magacii uu lahaan jiray ka hor 1-1-199o-kii.

“Markaan aragnay go’aankii ka soo baxay shirkii Dhuusa-mareeb ee Wasaaradda Waxbarashada Federaalka iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada taariikhdu markey ahayd  17 April,2018,”

“Markaan aragnay: Talo soo jeedinta Waxgaradka Soomaaliyeed iyo bahda Tacliinta ayaa waxaa la farayaa dhammaan cid kasta oo gacanta ku heyso Dugsi laga badalay magacii uu horay u lahaa 01.01.1990 iney dib ugu soo celiyaan magacii hore dugsigaasi u lahaa mudo 30-maalmood gudahood laga bilaabo waqti ku taariikheysan wareegtadaan,”ayaa lagu yiri Wareegto uu saaray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale,waregtada uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney xusid mudan tahay in magacyada ku sharfan Dugsiyada Dowladda ay magaca weyn iyo taariikh ugu fadhiyaan Qaranka Soomaaliyeed.

Sidaasi daraateed,wareegtadaan waxay dhaqan galeysaa laga bilaabo marka uu saxiixo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo tacliinta sare Xildhibaan C/llaahi  Goodax Barre.

Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg ah isugu yeeray madaxda Galmudug

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda.

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka Tanzania

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Dowladda Federaalka Soomaaliya war qoraal ah oo ka soo baxay ayaa Tacsi iyo garabgal loogu diray Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa u qoranaa sidan:-

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria shalay oo khamiis ahayd, kuna beegnayd (20 September), iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.

【• Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn•】

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Soomaaliya u matalaya Fadhiga guud ee Qaramada Midaabay

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Dalka Mareykanka.

Wasiirka iyio wafdiga uu hogaaminayo ayaa halkaasi uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha JFS, isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Hay’adda (IMF) oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay buuxisay dhammaan 27-kii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF)  ku xiray iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo Soomaaliya.

Kadib shir dhowr ciiho uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socday Wasiirka Maaliyadda iyo IMF ayaa qeyb ka ahaa shir sedexdii biloodba mar la qabto,kaasi oo lagu qiimeeyo waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya gaar ahaan qorshaha horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka iyo dadaalka deyn cafinta iyo daabacaadda lacago cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbadan uga qabsoomeen talaabooyinkii lagu qiimeynayay,islamarkaana ay deeq bixiyaasha caalamku ay soo dhaweynayaan,sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya in ay sii wadaan dadaalkeeda ku aadan arrimaha horumarinta maamulka iyo siyaasadda dhaqaalaha dalka.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay dhisteen rikoodh wanaagsan oo siyaasadeed iyo dib-u-habeyn lagu sameeynayo,Hawlaha dhaqaalaha ayaa si tartiib ah dib uga soo kabanaya mudadii u dhaxeysey 2016-17-kii .

“Sannadka 2018, kobaca ayaa la saadaalinayaa inuu soo kabsado 3.1 boqolkiiba 2.3 boqolkiiba iyo sicir bararka si loo yareeyo 3.5 boqolkiiba, hoos udhaca 5.3 boqolkiiba sannadka 2017,Waxqabadka maaliyadeed illaa July wuxuu ahaa mid xooggan,Tani waxay keentay uruurinta dakhliga gudaha taas oo inta badan ka dhigtay lacag bixinta qadarka ah ee deeqda”. Ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF).

Sidoo kale Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qoraalkan ay ka soo saartay shirka lagu qiimeynayay dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri.

“Inta lagu guda jiray booqashada, kooxda(IMF) ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Mudane Bashir Issa Cali iyo mas’uuliyiin kale.

“Kooxdu waxay sidoo kale la kulantay wakiillo ka socda deeq bixiyeyaasha labada dhinac iyo kuwo badan oo ka socda Nairobi si ay u taageeraan dadaallada xukuumadda ee ah in ay kor u qaadaan maalgelinta Wajiga I ee dib-u-habeynta lacagaha, iyaga oo cusbooneysiinaya waxqabadka hoosta SMP, iyo in ay isku duwayaan dadaallada waxqabadka dhismaha”.

“sidoo kale Kooxda ka socotay(IMF)  waxay ka mahadcelineysaa wadahadalka furan oo cad oo lala yeesho mas’uuliyiintan,waxayna mahadnaq u tahay macluumaadka loo diyaariyay shaqaalaha, Wadahadaladu waxay sidoo kale xoojiyeen,Qodobka IV-aad ee Wadatashiga kaas oo lagu darayo dib-u-eegista ugu horreysa ee hoos timaada SMP III, oo la qorsheeyey November / December 2018”. Ayaa lagu yiri sidoo kale qoraalkani.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay xooga saaraysay arrimo ay kamid yihiin horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,qorshaha deymaha looga cafinayo Soomaaliya iyo sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo shilin Soomaali ah,iyadoo dhowr jeer oo hore ay dowladdu buuxisay shuruudo ay ku xireen Deeq bixiyaasha caalamka.

Wasiir Beyle oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii lacag cusub loo soo daabici lahaa

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Dowladda Soomaaliya aya buuxisay dhammaan 27-dii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xiray iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxa uu uga warramay kulamo ay maalmahan iyaga iyo IMF ku lahaayeen magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay in kulanka uu socday Toddoba maalmood.

Kulankana uu yahay mid seddexdi biloodba la qabto laguna qiimeeyo muddadaasi waxa u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

IMF-tu waxaa ay noo sheegtay ayuu yiri iney Soomaaliya wax badan u qabsoomeen beesha caalamkana ay aad u soo dhaweynayaan loona baahan yahay iney Soomaaliya geeddiga sii wado.

Lacagta cusub ee Soomaaliya goormaa la soo daabacayaa?

Sida aynu ogsoonnahay lacagtu waxay ka mid tahay astaanta dowladnimo ee lagu garto qaran kasta oo jira oo xor ah.

Dowladda Soomaaliyana waxay dadaal ugu jirtaa sidii dhawaan loo soo daabici lahaa lacagta cusub oo uu dalku yeelanayo, iyada oo ay horay wasaaradda Maaliyaddu u shaacisay lacagtu nooca ay noqoneyso.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle mar uu arrintan ka hadlayey ayaa wuxuu sheegay “iney IMF isku afgarteen isla-markaana ay isla-meel dhigeen sidi ay isaga kaashan lahaayeen balse loo baahan yahay lacagti lagu soo daabici lahaa lacagta cusub oo muddo 3o sano kaddib uu yeelanayo dalku.”

Daabacadda, maamulidda, meel geyenta, xafididda iyo marka ay xumaatana hagaajinteeda waxay u baahan tahay ayuu yiri lacag, lacagtaas oo aan beesha caalamka ka sugeyno. Daabacadda oo keli ah waxay u baahan tahay 41 milyan oo doolar.

Waxaanna rajeeyneynaa ayuu yiri “lacagtaasi iney Soomaaliya ka heli doonta beesha caalamka.

Deymihi Soomaaliya lagu lahaa cafintooda halkeey marayaan?

Soomaaliya sida aan Ogsoonnahay waxaa lagu leeyahay deymo badan si deymahaasi faraha badan looga cafiyana waxaa jiro shuruudo looga baahanyahay iney buuxiso dowladihi iyo hay’adihi deymaha ku lahaa laftooda iney waafaqaan qorshaha aan damacsannahay.

Ka dowlad ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarahaba dowlado iyo hay’do badan ayay arrinta deynta kala hadleen ballan qaadyana Soomaaliya wey haysataa marka waxaan rajeeynayaa iney wax badan inoo qabsoomi doonaa.

Xigasho BBC

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shirguddoominayay kullanka maanta,waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

144 -xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray, waxaana xildhibaanada loo qeybiyay warbixin ku saabsaneyd dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, Xasaanada iyo daryeelka xildhibaanada ayaa Xildhibaanada u aqriyay warbixinta dib u eegista xeer hoosaadka Golaha iyo meelaha guddiga ay dib u eegista ku sameynayaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday iney talooyinkooda ku biiriyaan dib u eegista lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha.

 

 

Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo diray Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib kullamo ay magaaladda Baydhabo kula soo yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee loo diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed maantana dibna ugu soo laabtay Muqdisho ayaa SONNA u sheegay in Golaha Aqalka sare dowr muhiim ah ka qaadanayo isku dhoweeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro.

“Runtii kullamadii Baydhabo ee aan la soo yeelanay Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed,Ururada Bulshada rayidka sida Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed waxaana kala soo noqonay wada shaqeyn iyo tallooyin wax ku ool ah oo aan ka helnay dadkii aan la kulanay,waxayna ahaayeen dad u baahan wada shaqeynta iyo Dowladnimada,” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshadda,Warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” in ujeedka magaalada Baydhabo u tageen ay ahayd sidii ay ku heli lahaayeen xog dhammeystiran oo ku aadan khilaafka jira iyo wadada ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo,isagoona carabta ku adkeeyay in nasiib wanaag ay xogtii soo heleen guulna kala soo laabteen safarkoodii Baydhabo.

Ugu danbeyntii,Senator Axmed Nadiir ayaa uga mahad celiyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed soo dhoweynta diiran ay magaalada Baydhabo ugu sameeyeen,waxaana ka hor inta aysan wafdiga ka soo ambabixin magaalada Baydhabo kullan sagootin u soo sameeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.