Wasiirka waxbarashada Xukuumada Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan hay’addaha deeq bixiyaasha

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaatay xubno ka socda hay’addaha deeq bixiyaasha.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulanka hore la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxana ay ka wada hadleen , sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada.

“ Waxaan kulan la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxaan ka wada hadalnay, sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada,waxaan si gaar ah uga wada hadalnay mashruuc waxbarasho oo ku saabsan xoolo dhaqatada iyo meelaha miyiga ah kana socda gobolada sida Gedo, Bay iyo Bakool oo ay maalgalisay USAID ayna hirgelinayso UNICEF, mashruucan oo  ah  mid tijaabo ah  ayaan qorsheyneynaa inaan ka hirgelino gobollada dalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa  sheegay in bisha October magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir  lagu lafa guri doono waxqabadka iyo waxa uu soo kordhiyey mashruuca tijaabada ah ee hirgelinta waxbarashada xoolo dhaqatada iyo reer miyiga, kadibna laga fuliyo dhamaan gobolada dalka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa kulmay  Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF  ee Soomaaliya, waxana ay ka wada arinsadeen , mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda.

“Waxaan la kulmay Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF Soomaaliya, waxaan  ka arinsanay, mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan warmurtiyeedkii shirkii Brussels lagu qabtay ee golaha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) July 16 -17, Iyadoo lagu go’aamiyay in bisha November ee sanadka la qabto shir looga hadlayo waxbarashada Soomaaliya, waxaan isla garanay in wasaaradda waxbarashada iyo UNICEF inay u diyaar garooban shirkan ka faa’ideystan fursadaha jira” ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulamo kula qaatay xubno ka socda Bangiga Adduunka kuwaasoo uu hogaaminayay Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxana labada dhinac ka wada hadleen fulinta mashaariicda waxbarashada.

“Waxaa sidoo kale Nairobi kula kulmay xubno ka socda Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayo Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxaan ka wada hadalnay, Mashruuca RCRFka oo ka taageera dawlada dhanka mushaarka shaqaalaha dawlada sidoo kalana waxbarashada iyo caafimaadka ka taageera dhanka bixinta gunooyin macalimiinta iyo xirfadle yaasha caafimadka,mashruucan waxa uu taageeraa in kabadan 2,000 oo macalin oo ku kala sugan Puntland, 300 ,Jubaland, 300 Banaadir iyo 900 oo kale oo u qorshaysan sadexda dawlad goboleed ee kale, sidoo kale waxa uu ka shaqayn doonaa taakulaynta gunada macalinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mushaarkooda iyada oo macalimiinta la qiimeyn doono,  iyo dhanka xogta waxbarashada sidii loo hagaajin lahaa”ayuu intaasi raaciyay wasiir Goodax.

Ugu dambeyn  Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa la kulmay madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID.

“Waxaan la kulmay  madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID,arrimaha aan xooga saarnay waxaa ka mid ah  Halka uu marayo fulinta mashruuca GPE ga oo dhan USD 17.9 million, Fulinta mashruuca oo bilaabatay bishan September 2018-ka waxana uu ku eegyahay September 2021, waxaa la samayn doonaa daahfur balaaran bisha Octoober oo lagu qaban doono Muqdisho kana soo qayb gali doonaan wufuud ka socota GPE, Midowga Yurub, USAID iyo Dowlada heerarkeeda kala duwan”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay qaabka looga faaiidaysanayo qoondada cusub ee GPE ga oo dhan USD 27.9 million, wasiirka waxbarashada ayaa u  sheegay xubnaha deeq bixiyaasha in wasaaradda ay dadaal ugu jirto sidii ahmiyadda koowad loo siin lahaa waxbarashada islamarkana  la kordhiyo miisaaniyada dowlada ee dhanka waxbarashada lana gaarsiin doon inta udhaxaysa 7% ilaa 10% sandka 2019-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim...