Wafdiga Aqalka sare oo Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka kula kulmay magaalada Kismaayo. ‘Sawirro’

Date:

Jimco 21, September 2018 Muqdisho (SNTV) Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland,waxayna kala  hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan.

Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...