Home Blog Page 12

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray kulan heer sare ah oo uu yeeshay Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta. Kulankaas ayaa lagu qiimeynayay horumarka barnaamijka sannadka 2025.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Caddaaladda ee Dowlad-Goboleedyada, mas’uuliyiin ka tirsan Garsoorka, iyo hay’adaha caalamiga ah sida UNDP, UNODC, UNSOM, Midowga Yurub iyo bah-wadaagta kale ee taageera dib-u-habeynta caddaaladda.

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in kulanka uu yahay fursad lagu falanqeeyo guulaha la gaaray, caqabadaha taagan iyo dejinta jihada istiraatiijiga ah ee sannadka 2026.

Waxaa lagu soo bandhigay horumarro ay ka mid yihiin:

– Kordhinta adeegyada caddaaladda ee dowlad-goboleedyada

– Dib-u-habeynta siyaasadda xallinta khilaafaadka dhaqanka iyo shareecada.

– Tababbarro lagu tayeynayo garsoorayaasha.

– Horumar lagu sameeyay maamulka xabsiyada iyo adeegyada daryeelka maxaabiistaWasiirku wuxuu ammaanay bah-wadaagta gudaha iyo caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caddaaladda, isagoo adkeeyay in dib-u-habeynta caddaaladda ay tahay tiir muhiim u ah dowladnimada iyo xaqiijinta cadaalad loo siman yahay.

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.

0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala duwan oo ku saabsan kaalinta dowlad-wanaagga ee xasilloonida iyo horumarinta bulshada. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay dooddo gaar ah oo lagaga hadlayo horumarka amniga dalka iyo Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed.  guulaha ciidamada Xoogga Dalka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Shirweynaha waxaa maanta ka qeyb galaya Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Sheekh Mukhtaar Roobow, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, culumaa’udiin ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.

Ka qeyb-galayaasha ayaa sidoo kale qeyb ka ah doodaha, iyagoo su’aalo weydiinaya culimada, borofasoorada iyo aqoonyahanada ka qeyb qaadanaya dooda.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar. Safarkiisa ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta dalalka Jaamacadda Carabta.

Inta uu joogo Qaahira, Wasiirka ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Carbeed, wuxuuna diiradda saari doonaa sidii Soomaaliya uga heli lahayd kaalmooyin dhanka horumarinta warbaahinta iyo iskaashiga warfaafineed ee dalalka Carabta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay, waxaana kusoo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, Danjire Cali Cabdi Awaare.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

1. Shirweynaha 2aad ee Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya ee ay qabatay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa lagu qabtay Muqdisho 24–25 Noofembar. Waxaa si rasmi ah u soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre. Waxaa ka qayb galay madaxda sare ee Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, safiiro, saaxiibada caalamiga ah, bulshada rayidka, jaamacadaha, ganacsatada, iyo warbaahinta.

2. Ka-qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen dadaalka Dowladda Federaalka iyo Hay’adda NIRA ee hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Dhijitaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo xusay doorka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee hirgelinta qorshaha NIRA.

3. Shirku wuxuu aqoonsaday guulaha NIRA ay gaartay 2-dii sano ee la soo dhaafay, sida dhismaha hay’adda, kobcinta kaabayaasha Aqoonsiga Dhijitaalka ah, iyo diiwaangelinta in ka badan 1 milyan oo Soomaali ah.

4. Waxaa la soo dhoweeyey xiriirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada muhiimka ah sida bangiyada, waxbarashada, ganacsiga, baasaboorka, iyo maamulka dowladda, taasoo sahlaysa adeegyada “e-KYC” iyo maamulka hufan.

5. Shirku wuxuu adkeeyey in nidaamka Aqoonsiga Qaranka lala xiriiriyo diiwaan-gelinta dadka danyarta ah, adeegyada bulshada, iyo sugidda nabadgelyada, isagoo muhiim u ah qorsheyaasha horumarinta iyo dowlad wanaagga.

6. Aqoonsiga Qaranka oo ammaan ah ayaa muhiim u ah dhismaha dowladnimada, adeegyada iyo isku xirka bulshada.

7.Waxaa la adkeeyay baahinta adeega aqoonsiga si cid walba uga faa’iideyso, gaar ahaan dadka nugul sida barakacayaasha, haweenka iyo naafada.

8.La xoojiyay muhiimadda ilaalinta xogta iyo amniga internetka iyadoo sharciyo iyo siyaasado la raacayo.

9.Bandhig tiknoolajiyadeed oo lagu soo bandhigay hal-abuurka shirkadaha iyo hay’adaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

10. Waxaa la soo jeediyay in la dhiso koox farsamo oo isku xirta nidaamyada dowladeed iyo kuwa gargaarka si looga fogaado is barbar yaac.

11.Waxaa la mahadceliyay dhammaan taageerayaashii hirgelinta nidaamka aqoonsiga, gaar ahaan hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, NADRA, UNDP, IOM iwm.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha 16-ka Maalmood ee la Dagaallanka Tacadiyada loo geysto Haweenka, Ololahan ayaa 16-ka cisho ee soo socota si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.

Munaasabadda daah-furka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, wakiilo ka socda Ururrada Haweenka, Bulshada Rayidka ah, iyo Saaxiibada Caalamka.

Wasiir Khadiija ayaa khudbaddeeda furitaanka kula wadaagtay kasoo qeyb-galayaasha dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ugu jirto sidii loola dagaallami lahaa tacadiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiija ayaa si gaar ah u xustay in dadaallada Wasaaradda ay ugu muhiimsan yihiin diyaarinta iyo meel-marinta shuruucda lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, kuwaas oo ay kamid yihiin:

1. Hindise-Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada.

2. Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga (FGM).

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka waxay ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan ololahan qaran, si loo xaqiijiyo badqabka iyo sharafka haweenka Soomaaliyeed.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

0

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad ee Culimada, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 300 oo culimo Soomaaliyeed, oo ka kala yimid gobollada dalka, dalalka Afrika, Yurub iyo Mareykanka.

Maalinta labaad ee shirweynaha waxaa diiradda lagu saarayaa horumarka dalka, amniga Caasimadda, guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta iyo fidnada ka dhalan karta colaadaha Qabaa’ilka.

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay NIRA gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhismaha iyo hormarinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay doodo iyo cilmi-baarisyo muhiim u ah horumarinta adeegyada aqoonsiga iyo casriyeynta nidaamka maamulka xogta muwaadiniinta.

Shirka waxaa ka qeyb galaya hay’adaha dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay, wakiillo caalami ah iyo marti sharaf kale. Maanta ayaa lagu wadaa in shirku si rasmi ah u soo gabagaboobo, waxaana soo xiraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.

Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, is lamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo dowladnimada.

MEdays oo sanadkan la qabanayo Shirkiisii 17-aad, ayaa waxa uu diiradda saaraya isbeddellada xawliga ku socda ee siyaasadda caalamka, mustaqbalka amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka adduunka.

 

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Ambasador Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha horumarinta, socdaalka, iyo sare u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed, iyadoo sidoo kale la xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo 60 sano jirsaday.

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka Qaranka (Lr. 26/2024) iyo Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada (Lt. 27/2024), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2025 kulan ku yeeshay xarunta dhaxe ee Guddigu uu shir-gudoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga waxaa ay soo saareen go’an ku saabsan muddada soo gudbinta liisaska murashaxiinta Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii uu tixgeliyay:-

1. Guddigu oo ka jawaabaya codsiyo rasmi ah oo kaga yimid qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda oo dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku soo gudbiyaan liisaskooda murashaxiinta.

2. In la hubiyo in liisaska murashaxiintu nogdaan kuwo dhammaystiran oo shuruudaha sharciga waafaqsan.

Guddigu waxaa uu go’aamiyay in lagu daro muddo laba todobaad ah oo ka bilaabaneyso 26-Nofeember oo ku eg 10-Diseember. Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ururrada Siyaasadda in liisaska Murashaxiinta kama dambaysta ah lagu soo gudbiyo ugu dambeyn mudada loo qabtay.