Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Date:

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaadatay masuuliyiinta Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Shiinaha (China Geological Survey), oo ah hay’ad qaran oo hormuud ka ah daraasaadka dhulka, xogta juqraafiyeed iyo maamulka khayraadka dabiiciga ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, kobcinta xirfadaha, is-dhaafsiga aqoonta farsamo iyo dhismaha awoodda hay’adaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka.

Hay’adda China Geological Survey ayaa door muhiim ah ku leh taageeridda dalalka Afrika, iyada oo ka gacan siisa maaraynta dhulka, qorsheynta magaalooyinka, sugnaanta biyaha dhulka hoostiisa mara, la tacaalidda abaaraha soo noqnoqda iyo yaraynta khataraha dabiiciga ah. Sidoo kale, hay’addu waxay qayb ka tahay hirgelinta hindisaha Belt and Road Initiative, oo lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga horumarineed ee caalamiga ah.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay Soomaaliya siinayso dhismaha hay’ado awood leh iyo diyaarinta khubaro Soomaaliyeed oo leh xirfado sare, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha horumarineed ee caalamka. Waxay sidoo kale muujisay baahida loo qabo iskaashi wax ku ool ah oo ka taageera Soomaaliya maamulka dhulka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo kor u qaadidda tayada adeegyada dowladeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee lagu ballaarinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo xoogga la saarayo aqoonta, farsamada iyo horumar waara

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...