Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo wafdi sare ku soo dhoweeyay Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa wafdi heer sare ah ku soo dhoweeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Galkacyo, oo ay maamusho Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Wafdigaan oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Jarmalka, iyo hay’adaha UNICEF iyo WFP, ayaa u kuurgalay adeegyada caafimaad ee isbitaalka, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta adeegyada nafaqada, daryeelka hooyada iyo carruurta, iyo tayeynta guud ee adeeg bixinta caafimaadka.

Wafdiga ayaa booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka, oo ay ka mid yihiin silsiladda qaboojinta tallaalka, qeybta tallaalka, bukaan-socodka, farmashiyaha, sheybaarka, iyo qeybta bukaan jiifka, iyagoo qiimeyn ku sameeyay tayada adeegyada la bixiyo, xaaladda bukaanada, iyo waxqabadka xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala xarunta.

ugu dambeyn Agaasime Abdiwali ayaa warbixin guud ka siiyay adeegyada uu bixiyo isbitaalka, mashaariicda horumarineed ee ka socda, iyo baahiyaha mudnaanta leh ee u baahan in wax laga qabto si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...