Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Date:

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Musharax Madaxweyne Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Kulankan ayaa ahaa wadatashi siyaasadeed iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee siyaasadeed, geeddi-socodka doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadajirka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa soo dhoweeyay musharaxa, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi hufan, cadaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.

Musharax Madaxweyne Mudane Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran, wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada horumarinta dowladnimada, nabadda, iyo dib-u-dhiska Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee hogaamiye Jibriil ku xoojinayo wadatashiyada siyaasadeed iyo diyaar garowga doorashooyinka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...