Home Blog Page 11

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO) oo ka socda magaalada London, ayaa kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO, Mudane Arsenio Dominguez, isagoo ku wareejiyay waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO. kaas oo xoojinaayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi. Waxaa looga hadlay kulankaan sidii iskaashigan cusub uu gacan uga geysan lahaa amniga badda Soomaaliyeed iyo dadaallada dowladdu ay ku doonayso in lagu casriyeeyo hay’adaha badda, lana xoojiyo sharciyada iyo ilaalinta xeebaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka ee la Cusbooneysiiyay ee Soomaaliya (RWVLS).

Barnaamijkan ay maanta furtay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa muhiimad gaar ah u leh Haweenka Soomaaliyeed ayadoo Mashruucaan uu qeyb ka yahay dadaallada xooggan ee ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto hormarinta Haweenka Soomaaliyeed.

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ay Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ka jeedisay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Codka iyo Hoggaaminta Haweenka ee la Cusbooneysiiyay ee Soomaaliya (RWVLS) ayey kaga hadashay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska waday mudooyinkii ugu dambeeyey iyo muhiimadda uu mashruucaan u leeyahay Haweenka Soomaaliyeed.

“Hindisahan wuxuu ku soo beegmayaa waqti muhiim u ah dalkeenna -mid lagu calaamadeeyay isbeddelka qaranka, fursadaha la ballaariyay, iyo xoojinta hay’adaha, haddana weli lagu garto caqabado si aan sinnayn u saameeya nolosha Haweenka iyo Gabdhaha” ayey khudbadeeda ku tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi .

Furitaanka mashruucaan ayaa qeyb ka ah dadaallo xooggan oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya waday , dadaalladaas oo lagu dhiiri gelinayo islamarkaana lagu hormarinayo Haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Morooko, ayaa magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhiggiisa Morocco la wadaagay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo sidoo kale warbixin ka siiyay guulaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka laga hirgelinayo.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Morocco, Mudane Casiis Akhannuuj, ayaa si faahfaahsan u sharaxay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka guud ee labada waddan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Dalka Malaysia, Datuk Suhaimi Sulaiman, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha warbaahinta dalkaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta warbaahinta Malaysia (Menara Angkasapuri), ayaa Agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale si qoto dheer uga warbixiyey shaqada iyo horumarka Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, sida SNTV, Radio Muqdisho, SONNA, Wakaaladda Filimada iyo Wargeyska Dalka.

Agaasimuhu wuxuu sidoo kale iftiimiyey doorka muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliya ay ka qaadato dhismaha dowladnimo, wacyigelinta bulshada, doorashooyinka, la-dagaallanka argagixisada, iyo la-tacaalidda wararka been abuurka ah.

Dhankiisa, Agaasimaha Warbaahinta Malaysia ayaa muujiyey diyaar u ahaanshaha iskaashi buuxa, isagoo xusay in ay soo dhoweynayaan wada-shaqeyn dhanka tababarada, khibrad is-weydaarsiga iyo horumarinta warbaahinta labada dal.

Ugu dambeyn, Agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa saxiixay buugga martida xarunta warbaahinta Malaysia, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dhinac, si gaar ah warbaahinta, baahinta dijitalka iyo dhaqanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee Guddiga Joogtada, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa furitaanka kulanka ku bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka dadaalladooda ku aaddan diyaariyeynta shuruucda iyo kulamada la xisaabtanka ah ee lala yeesho wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu warbixin ka siiyey Guddiga Joogtada shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala, Uganda, halkaas oo lagu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Ururkaasi. Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyey in Soomaaliya martigeliso shir sanadeedka bartamaha 2026.

Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa guddi kasta ka dhageystay warbixinno la xiriira shuruucda horyaalla, waxaana lagu sameeyay ajendeyn iyo jadwaleyn rasmi ah kulamada Golaha ee toddobaadka soo socda.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu dambeyn ku dardaarmay guddiyada in ay dardargeliyaan shaqada sharci dejinta si waajibaadka Golaha Shacabku u noqdo mid si buuxda u shaqeeya.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood cilmiyeedyo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo mowduucyada la xiriira dowlad-wanaagga, la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah, iyo saameynta taban ee dagaallada qabaa’ilka ku leeyihiin midnimada bulshada iyo amniga dalka.

Kulanka maanta waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo culumo ka kala yimid dalka iyo dibadda.

Doodaha cilmiyeedka ayaa ujeedkoodu yahay sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada Soomaaliyeed loona horumarin lahaa doorka culimada ee ku aaddan wacyigelinta, ka hortagga xagjirnimada, iyo dhiirrigelinta nabadda. Waxaa sidoo kale xoogga la saarayaa kaalinta diinta Islaamka ay ku leedahay nabadeynta iyo garsoorka caddaaladda ku dhisan.

Shirweynahan ayaa noqonaya mid gogol xaar u ah isu-duwidda dadaallada culimada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb qaadashada nabadeynta iyo horumarinta dalka.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

0

War-saxaafadeedka.

Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaano ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhagar-qabeyaashan ayaa Khawaarijtu u soo diyaarisay in ay fuliyaan shirqoollo argagixiso, falal basaasnimo, iyo in ay isku dhex qariyaan shacabka. Hase yeeshee, Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay, iyadoo qaar ay gacanta kula jireen falal argagixiso xilligii la qabtay.

Xubnahan Khawaarijta ah waxaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh si loo marsiiyo sharciga.

Fadlan Muwaadin Wixii khatar amni ah ama xog la xiriirta Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA adigoo wacaya.

199 / 0770747474 / 0620545454.

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka qaybgalay shir fogaan-arag ah oo lagu dooranayay Xoghayaha Guud ee Ururka Magaalooyinka Carabta.

Ururkan oo u taagan horumarinta wada-shaqeynta, is-dhaafsiga khibradaha iyo isku xirka maamullada magaalooyinka Carabta, ayaa doorashada Xoghayaha Guud ku qabtay shir ay ka qeyb galeen madaxda caasimadaha xubnaha ka ah ururkaas.

Mudane Badr Waill Bad Al-Ijail Al-Askar ayaa loo doortay Xoghayaha Guud, isaga oo xilkaasi u hayn doona muddo-xileedka cusub, waxaana isla shirkaas lagu ansixiyay barnaamijyo horumarineed oo uu hoggaamin doono.

Dr. Muungaab ayaa ku biiray madaxda kale ee hambalyeysay Xoghayaha cusub, wuxuuna ballanqaaday in Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ay si dhow ula shaqeyn doonaan hoggaanka cusub ee ururka.

Ururka Magaalooyinka Carabta ayaa la aasaasay 1967, xaruntiisana waxay tahay dalka Kuwait. Waxa uu yahay madal horumarineed oo u taagan kobcinta magaalooyinka Carabta.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

0

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinya Qaranka SoDMA.

Xubnaha Guddiga oo uu halkaas ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ugu horrayn wax ay ka dhegeystay warbixin guud oo la xiriirta howlaha iyo waajibaadka Hay’adda caqabadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadamnimo ee ka jira dhammaan dalka ama la filan karo xilliyada dhow.

Intaas kadib xubnaha Guddiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, ayaa ku bogaadiyay madaxda hay’adda shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan iyo kaalintooda wax ku oolka ah, isagoo sheegay in ka guddi ahaan aya kala shaqeyn doonaan waxyaabaha kaga aaddan caqabadaha ay ka dhageysteen iyo talooyinka kale ee ay u soo jeediyeen.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ku furmay 140 Xildhibaan, ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca Dalka, kaasoo hore akhrinta koowaad usoo maray islamarkaana uu kasoo shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo su’aalo ku saabsan muhiimada iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska weydiiyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga oo kulanka joogay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay soo diyaariyaan akhrinta sedaxaad ee heshiiskan islamarkaana dib ugu soo celiyaan golaha si cod loogu qaado.

Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.