Home Blog Page 11

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda 21 xarumood oo warbaahineed oo ka hawlgala Muqdisho.

Ujeeddada aqoon-isweydaarsigan ayaa ah xoojinta fahamka saxafiyiinta ee doorkooda ku aaddan tabinta masuuliyadda leh inta lagu jiro geeddi-socodka doorashooyinka, gaar ahaan ka hortagga faafinta wararka khaldan, marin-habaabinta iyo hadallada naceybka ee saameyn kara kalsoonida dadweynaha iyo xasilloonida bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo furitaanka tababarka ka hadal ayaa sheegay in warbaahintu kaalin xooggan ka qaadan karto xoojinta xasilloonida doorashooyinka iyo ka hortagga hadallada naceybka ee abuuri kara xasaradaha dhasha xilliyada doorashooyinka.

“Warbaahintu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta hufnaanta macluumaadka doorashooyinka. Waxaa lagama maarmaan ah in saxafiyiintu ay tabintooda ku saleeyaan xog sax ah, dheellitirnaan iyo mas’uuliyad xirfadeed si loo xoojiyo kalsoonida dadweynaha ee geeddi-socodka doorashooyinka.”

Wasiir Daa’uud ayaa ku booriyey suxufiyiinta inay xoojiyaan tabinta dheellitiran ee ururrada iyo dhinacyada siyaasadda, isla markaana mar walba kor u qaadaan codka u hiilinaya nabadda iyo dowlad-dhiska.

Intii uu socday aqoon-isweydaarsigan oo uu taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ka-qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa casharro ku saabsan fahamka nidaamka doorashooyinka qaranka, ilaalinta hufnaanta macluumaadka doorashooyinka, xaqiijinta xogta, iyo ka hortagga hadallada naceybka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay sii wadidda tababarrada kor loogu qaadayo xirfadaha saxafiyiinta iyo horumarinta anshaxa warbaahinta, si loo taageero qabsoomidda doorashooyin hufan, nabdoon, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq, ayaa maanta guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo bulshada.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo waxqabadka guud ee dowladda. Agaasimaha Guud ayaa Agaasimiyaasha ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, wada-shaqeyn dhow, iyo hubinta in qorshayaasha dowladda si hufan loo fuliyo.

Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq ayaa sidoo kale ku boorriyey Agaasimiyaasha inay labanlaabaan dadaalkooda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed. Kulanka waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sharmarke Maxamed Kuulow.

Xujeyda Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad gaaraya Magaalada Madiina

0

Magaalada Madiina waxaa maalintii saddexaad soo gaaraya xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1447 Hijriya.

Howl-wadeennada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa halkaas ka wada soo dhoweynta xujeyda Soomaaliyeed ee ka kala ambabaxay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa. Qaar ka mid ah xujeyda ku sugan magaalada Madiina oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay.

Xujeyda ayaa la filayaa inay muddo saddex maalmood ah ku sugnaadaan Madiina, ka hor inta aysan u sii gudbin magaalada barakeysan ee Makka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

0

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in la isugu yeero Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay tallaabo waqtigeeda ku habboon oo loo qaaday wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee Qaranka.

War qoraal ah oo ka soo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in kulanku uu siinayo fursad muhiim ah oo si wadajir ah loo jaan-gooyo dariiqa loo marayo arrimaha muhiimka ah ee qaranka. Ergadu waxa ay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay si hufan oo niyad sami ah uga qayb-qaataan, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday in danta Soomaalida oo dhan ay tahay in mudnaanta koowaad la siiyo.

Sidoo kale Danjiraha Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si diirran u soo dhaweeyay casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council).

Danjiraha ayaa tilmaamay in xilligan xasaasiga ah ee uu dalku marayo, wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu wajahayo mudnaanta qaranka, lagu xoojinayo xasilloonida, isla markaana lagu taageerayo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka caasimadda

0

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi, ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda inay ka taxaddaraan qashinka iyo wasakhda xilliga roobabka da’aya, isla markaana aysan ku sii dayn waddooyinka iyo biyo-mareennada.

Agaasimaha ayaa xusay in roobabka marka ay da’aan ay qashinka qaadaan, taasoo keenta in ay xirmaan biyo-mareennada, isla markaana ay ka dhashaan fatahaado iyo dhibaatooyin caafimaad oo bulshada saameeya.

Wuxuu shacabka ku boorriyay inay qashinka geeyaan meelaha loogu talagalay, si loo ilaaliyo nadaafadda caasimadda loogana hortago waxyeellada ka dhalan karta wasakhda la dayacay.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta bulshada iyo maamulka, si loo helo magaalo nadiif ah oo caafimaad qabta.

Madaxweynaha JFS oo kulan ku casuumay Golaha Mustaqbalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.

Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu xusayay Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May).

Munaasabaddan oo sanadkan ku beegnayd maalinta Jimcaha, balse si rasmi ah loo qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da May 2026, ayaa diiradda lagu saaray qiimaha iyo doorka ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka dalka. Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ahaa: “Xoojinta shaqaalaha Soomaaliyeed iyada oo loo marayo shaqo hufan iyo kor u qaadidda xirfadaha.” Xafladda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin agaasimayaal ka socday wasaaradaha dowladda, wakiillo ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, ururrada shaqaalaha, iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed. Dhammaan ka qeybgalayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta suuqa shaqada iyo tayeynta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Saney Dalmar, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo ururrada shaqaalaha. Wuxuu xusay in wada-shaqeyn noocaas ah ay muhiim u tahay xaqiijinta shaqo hufan oo cadaalad ah, isla markaana kor u qaadda xirfadaha iyo wax-soo-saarka shaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo ku boorisay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa amar ku bixiyay in dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay si degdeg ah uga guuraan.

Wasiirka oo ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga casriyeynta Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan qeybta Gaheyr, ayaa sheegay in dhulkaasi uu yahay hanti qaran oo loogu talagalay adeegga bulshada.

“Dhulka Jaamacadda Ummadda waa dhul dan guud ah, dadka deggenna waa in ay si degdeg ah uga guuraan si dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, oo isna munaasabadda ka hadlay, ayaa si diirran u soo dhaweeyay dhagax-dhigga dib u dhiska jaamacadda.

Guddoomiyuhu wuxuu Wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ku bixinayso horumarinta waxbarashada dalka, isagoo yiri: “Waxaan uga mahadcelinaynaa Wasaaradda Waxbarashada sida ay ahmiyad weyn u siinayso dib u dhiska iyo tayeynta xarumaha Jaamacadda Ummadda.”

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur-galidda habsami u socodka adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Madiina, iyadoo safiirku uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta xafiiska Arrimaha Xajka.

Safiirka ayaa bogaadiyey dadaallada lagu daryeelayo xujeyda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay fududeynta iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta gudanaya waajibaadka Xajka.

“Waxaan aad u bogaadinayaa sida wanaagsan ee loogu adeegayo xujeyda Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya na waxaa ka go’an inay u fududeyso dhammaan baahiyaha ay qabaan,” ayuu yiri Safiirka JFS ee dalka Sacuudiga

Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashada uu ku yimid xafiiska, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay kormeerka noocan ah.

Sidoo kale, qaybtii ugu horreysay ee xujeyda Soomaaliyeed oo ka kala ambabaxday Muqdisho iyo Hargeysa ayaa gaaray magaalada Madiina, halkaas oo ay ka bilaabayaan gudashada acmaasha Xajka.

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dalku galay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta, kaas oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu soo xirmay kulankii heerka sare ahaa ee looga hadlayay Xoogga la saarayo Afrika (29–30 Abriil 2026), halkaas oo Soomaaliya looga aqoonsaday inay tahay waddan u taagan casriyeynta iyo hoggaaminta isbeddelka duulista ee Gobolka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta nidaamkan lacag-bixineed ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay qaranka, isagoo yiri: “Tani waxay marag u tahay dadaalka dowladda ee ku aaddan dib u dhiska iyo casriyeynta qalabka iyo adeegyada duulista hawada.

Waxay fure u tahay in shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed iyo wakiillada socdaalka ay helaan nidaam lacag-bixineed oo hufan, ammaan ah, isla markaana la jaanqaadaya xeerarka ugu sarreeya ee caalamka.

“Dhinaca kale, Kamil Alawadhi, Madaxweyne Ku-xigeenka Gobolka Afrika iyo Bariga Dhexe ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka, ayaa bogaadiyay go’aanka geesinimada leh ee Wasiirka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay hadda qayb ka tahay dadaalka diiradda lagu saarayo Afrika oo ujeeddadiisu tahay:Xoojinta isku xirka duulimaadyada dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha ee ka dhasha socdaalka cirka.Yaraynta caqabadaha canshuuraha iyo kharashaadka hawlgalka ee ragaadiyay duulista Afrika.

Nidaamkan xisaab-xirka ayaa la filayaa in si buuxda looga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya dhammaadka bisha Maajo 2026, taas oo fududeyn doonta in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si fudud oo ammaan ah u goostaan tigidhada diyaaradaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo kor loo qaadayo badbaadada iyo amniga duulista ee waafaqsan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Hawada Rayidka ah.