Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Date:

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda UN Women, oo ay hoggaaminaysay Marwo Anna Mutavati, Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee UN Women.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo UN Women, gaar ahaan horumarinta doorka haweenka ee hoggaaminta, ka qeybgalka siyaasadda, iyo kobcinta barnaamijyada taageera xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey UN Women dadaallada ay ku taageerayaan haweenka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii laba jibbaaro taageerada la xiriirta horumarinta haweenka, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha dowladnimo iyo nabadda dalka.

Dhankeeda, Marwo Anna Mutavati, ayaa bogaadisey horumarka ay dowladdu ka sameyneyso arrimaha haweenka, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojinayaan wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Isku-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Marwo Aminakeyf Ahmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...