Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Muscat kulan kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Cumaan Said bin Hamoud Al Maawali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta, iyo tiknoolajiyadda macluumaadka (ICT) si loo horumariyo isku xirnaanta labada dal, loona taageero isbeddelka dhijitaal ah ee Soomaaliya, isla markaana loo dardargeliyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada wasiir waxay isla qaateen in la sii xoojiyo loona qoto dheereeyo iskaashiga hay’adaha, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay fududeynta ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xoojinta wada shaqeynta farsamo, taas oo lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo la jaanqaadaya himilada Soomaaliya ee ah inay noqoto xarun ganacsi, isku xirnaan iyo hal-abuur dhijitaal ah oo gobolkaa.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...