Home Blog Page 13

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ka daah-furay tababar loogu talagalay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo in ay ka qabsoomaan degmadaasi.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta aqoonta iyo xirfadaha howl-wadeennada, iyadoo la barayo habraacyada muhiimka ah ee doorashooyinka, sida diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maareynta goobaha codbixinta, habka tirinta codadka iyo ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horey u shaaciyay in dhawaan ay si isku xiran uga bilaaban doonaan doorashooyin ka dhaca dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Tom Fletcher Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Soo dhoweyntan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle. Wafdigan ayaa ka qeyb galaya wadahadallo ku saabsan baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, hormarinta gargaarka iyo maalgelinta.

Mudane Tom Fletcher booqashadiisa Soomaaliya waxay socon doontaa ilaa iyo 27-ka Abriil ilaa 1-da May, waxaana lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Baydhabo, isaga oo u kuurgalaya xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira halkaas.

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

0

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo hore ugu dagaallamay gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin, isimada dhaqanka, cuqaal, saraakiil ciidan, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo haween ka kala socday beelaha Leelkase iyo Sacad.

Shirkan oo muhiim ah ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo gogosha uu dhigay Xildhibaan/Wasiir Maxamed Faarax Nuux.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, xoojinta wada noolaanshaha bulshada, iyo horumarinta deegaanada ay wada degaan labada beelood. Sidoo kale, kulanka ayaa xoogga lagu saaray dardargelinta iskaashiga bulshada, xoojinta amniga, ka hortagga colaadaha soo noqnoqda, iyo kor u qaadidda wada shaqeynta dhinacyada dhaqanka, siyaasadda iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda labada beelood ayaa door muuqda ka qaatay kulanka, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda, lana xoojiyo midnimada iyo is-aaminaadda bulshada.

Dhankooda, isimada dhaqanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada hadal iyo isfaham joogto ah, halka saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga ay ballanqaadeen inay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga iyo taageeridda dadaallada nabadeed.

Gabagabadii, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka ayaa isla qaatay is-afgarad buuxa iyo qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni, iskaashi bulsho iyo horumar ka hirgala deegaanada ay wada degaan beelaha Leelkase iyo Sacad.

Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha XFS oo soo gebogebeysay wejiga 2-aad ee wadatashiga Qaran

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Wejigan labaad waxaa lagu qabtay magaalada Laascaanood ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, iyo magaalada Gaalkacyo.

Soo gabagabeynta, wejigan waxay tallaabo muhiim ah u tahay sidii ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, oo saldhiggiisu yahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2250, loogu turjumi lahaa waaqica Soomaaliya iyo baahiyaha dhabta ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wadatashiyadani waxay muujiyeen in dhallinyaradu aysan ahayn oo keliya ka faa’iideystayaal, balse ay yihiin go’aan curiyayaal muhiim ah oo kaalin muuqata ka qaadan kara ka hortagga colaadaha, nabadeynta, dib u heshiisiinta, ka qaybgalka bulshada, wada noolaanshaha, soo kabashada, iyo xasilloonida dalka iyaga oo aragtidooda iyo soo jeedimahooda lagu dhisayo Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Wadatashiyadan ayaa isu keenay dhallinyaro iyo daneeyayaal muhiim ah si looga doodo doorka dhallinyarada ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, xasilloonida deegaanka, shaqo abuurka, ka qaybgalka bulshada, isdhexgalka, amniga bulshada, iyo dowlad wanaagga heer deegaan iyo mid qaranba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muscat Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Cumaan, Said bin Hamoud Al Maawali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta, iyo ICT-ga, si loo horumariyo isku xirnaanta, laguna taageero isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya, loona dardargeliyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Labada wasiir waxay isla qaateen sida ay uga go’an tahay inay sii qoto dheereeyaan wada-shaqeynta hay’adaha, isla markaana ay ballaariyaan iskaashiga.

Arrimaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa fududeynta ka-qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xoojinta isku-duwidda hay’adaha farsamada si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah.

Tallaabadan waxay la jaanqaadaysaa himilada ballaaran ee Soomaaliya ee ah inay noqoto xarun gobolka u ah ganacsiga, isku xirnaanta, iyo hal-abuurka dijitaalka ah.

 

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, cuqaasha, saraakiisha ciidamada, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo haween ka kala socday beelaha Leelkase iyo Sacad, si loo xoojiyo dadaallada nabadda iyo wadajirka bulshada.

Shirkan muhiimka ah oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, isla markaana uu gogoshiisa dhigay Xildhibaan/Wasiir Maxamed Faarax Nuux, ayaa lagu falanqeeyay arrimo la xiriira nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wada noolaanshaha bulshada, iyo horumarinta deegaanada ay wada degaan labada beelood.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga bulshada, xoojinta amniga, ka hortagga colaadaha, iyo kor u qaadidda wada shaqeynta dhinacyada dhaqanka, siyaasadda iyo amniga.

Door muuqda waxaa kulanka ka qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo xildhibaanno heer Federaal ah oo ka soo jeeda labada beelood, kuwaas oo si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda, lana xoojiyo wadajirka iyo is-aaminaadda bulshada.

Sidoo kale, isimada dhaqanka labada beelood ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada hadal iyo isfaham joogto ah. Saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga ee kulanka ka qeyb galay ayaa dhankooda ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga iyo taageeridda dadaallada nabadeed.

Gabagabadii shirka, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay waxay isla qaateen is-afgarad buuxa iyo qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni, iskaashi bulsho iyo horumar laga hirgeliyo deegaanada ay wada degaan beelaha Leelkase iyo Sacad.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa la xiriirta xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka doorashooyinka ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maamulka uu ka go’an yahay qabsoomidda doorashooyin hufan, xor ah oo waafaqsan dastuurka, isla markaana ay soo dhoweynayaan dhammaan musharraxiinta iyo daneeyayaasha siyaasadeed.

Dhankiisa, Mudane Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta iyo shacabka reer Baydhabo soo dhoweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta, midnimada iyo xasilloonida siyaasadeed si loo gaaro horumar waara.

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tababar u bilaabay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, guddiga ayaa tababarro la mid ah ka wada Degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo lagu diyaarinayo shaqaale doorasho oo ka qeyb qaata hirgelinta habsami u socodka doorashooyinka.

Tababarradan ayaa waxaa howl-wadeennada ka shaqeynayo doorashooyinka lagu barayaa:-

Sida loo diiwaangeliyo codbixiyeyaasha,Maareynta goobaha codbixinta,Habka tirinta cododka iyo Ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u shaaciyay in dhawaan ay doorashooyin isku sidkan ka bilaaban doonaan deegaanada dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

0

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay kulan xarunta Safaaradda Soomaaliya ee keenya, kaas oo ay u qabatay hay’addaha UN-Habitat iyo ADHI AFRICA HOLDING LTD. Shirkan waxaa hogaaminay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) oo uu wehliyo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga loona hormariyo xalal guryo oo hal-abuur leh oo waara, isla markaana adkaysi leh oo loogu talagalay barakacayaasha gudaha (IDPs), qoysaska dakhligoodu hooseeyo iyo bulshooyinka nugul, gaar ahaan kuwa sida weyn u saameeyay barakaca iyo magaaloobidda degdegga ah.

Soomaaliya waxa ay horay u sahmisay habab wax ku ool ah oo lagu dardargelin karo horumarinta magaalooyinka iyo miyiga, isla markaana lagu wanaajin karo nidaamyada kaabayaasha, laguna dhiirrigelin karo qaab-dhismeedyo qorshayn loo dhan yahay oo hubiya helitaan siman oo guryo ammaan ah oo sharaf leh.

Kulankan wuxuu ka tarjumayaa ka go’naansho mideysan oo u dhexeeya hoggaanka dowladda, la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo hirgeliyo xalal waara oo dadka udub-dhexaad u ah. Waxaan ku dhiirranahay aragtida la wadaago, waxaana rajaynaynaa in dadaalladan loo beddelo horumar muuqda oo la taaban karo.

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda u dhexeysa Aljeeriya iyo Spain.

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay hayaan sawirradooda, isla markaana ka codsaday eheladooda in ay la soo xiriiraan.

” Waxaa halkan u joognaa geeri naxdin badan oo runtii naga soo gaartay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain, taas oo runtii ay ku geeriyoodeen 17-Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo xeebtaas ku tahriibayay, 17-kaas dhallinyaro sida xogta aan ku hayno 12-wiilal, 5-na waa gabdho dhallinyaro ah, da’dooduna waxay u dhaxeysaa 18-30,”.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa tacsi u diray ehalada Dhallinyarada geeriyootay iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku sii daray in ay wali wadaan baaritaano ku aaddan in ay helaan macluumaad iyo xog intaan ka badan, isagoo ugu baaqay waalidiinta Dhallinyarada geeriyootay in ay hay’adda la soo xiriiraan si ay u helaan aqbaarta ubadkooda.