Home Blog Page 13

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Ambasador Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha horumarinta, socdaalka, iyo sare u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed, iyadoo sidoo kale la xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo 60 sano jirsaday.

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka Qaranka (Lr. 26/2024) iyo Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada (Lt. 27/2024), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2025 kulan ku yeeshay xarunta dhaxe ee Guddigu uu shir-gudoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga waxaa ay soo saareen go’an ku saabsan muddada soo gudbinta liisaska murashaxiinta Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii uu tixgeliyay:-

1. Guddigu oo ka jawaabaya codsiyo rasmi ah oo kaga yimid qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda oo dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku soo gudbiyaan liisaskooda murashaxiinta.

2. In la hubiyo in liisaska murashaxiintu nogdaan kuwo dhammaystiran oo shuruudaha sharciga waafaqsan.

Guddigu waxaa uu go’aamiyay in lagu daro muddo laba todobaad ah oo ka bilaabaneyso 26-Nofeember oo ku eg 10-Diseember. Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ururrada Siyaasadda in liisaska Murashaxiinta kama dambaysta ah lagu soo gudbiyo ugu dambeyn mudada loo qabtay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ), Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha dadweynaha.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Mudug, saraakiil amni iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ka qeybgalka shacabka ee go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Guddigu ku howlan yahay in hab-raaca diiwaangelintu noqdo mid hufan, daah-furan oo loo siman yahay.

Xildhibaanadii ka qaybgalay furitaanka ayaa uga mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka dadaallada ay wadaan, iyaga oo ku boorriyay shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaangelinta si ay u helaan kaarka codbixinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Shirkan sanadkan waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha ay dowladda ka gaartay bixinta adeegyo dadweyne oo bilaash ah, kuwaas oo si hufan, habeen iyo maalin loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaana shirweynahan ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo marti-sharaf kale.

Maareeyaha NIRA, Mudane Abdiwali Timacadde, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in muddadii ay hay’addu shaqaynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, isagoo xusay in saddexda sano ee soo socda ay qorsheynayaan inay diiwaangeliyaan 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, shirkan oo soconaya laba maalin, waxaa lagu soo bandhigayaa doodo iyo cilmi-baarisyo lagu kobcinayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sanadkan, halku-dhigga shirku waa:

“Taabagelinta Kaabayaasha Aasaasiga ah ee Adeegsiga Aqoonsiga Qaranka.”

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

0

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sida bulshada loogu baraarujin karo muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay midnimadu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Ibraahim Aadan Nadaara, oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayo arrimaha ku saabsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka qeybgalaysa shirka ayaa la hadlay warbaahinta Qaranka.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Shakuul: “Marna ma bannaana in dad walaalo ahi ay si macno-darro ah isku dilaan.”

Sheekh Mustafa iyo Sheekh Maxamed Dulmidiid: “Culimada ha yimaadaan baraha bulshada oo ha ka wacyigeliyaan dadka fitnada qabaa’ilka.”

Sheekh Usuuli: “Shirweynahan sanadkan wuxuu ku soo aaday xilligii ugu habboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.”

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Diinle: “Culimada Soomaaliyeed aad bay uga xun yihiin in maanta dadkeenna ay isku laayaan qabyaalad iyo qabaa’il.”

Shirkan wuxuu imaanayaa xilli maalmihii dambe culimada Soomaaliyeed ay Muqdisho iyo gobollada dalka ka wadeen wacyigelin la xiriirta colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool qeybo ka mid ah dalka. Waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada wacyigelineed ee culimadu ay wadaan.

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

0

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto-gelin bilaash ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa booqasho ku tagay xarumaha waxbarasho ee ay wasaaraddu ka fulisay mashruucan. Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo dugsiyo ku yaalla caasimadda.

Mashruucan waxa uu ujeeddadiisu ahayd in lagu caawiyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, si loo helo adeeg hufan oo joogto ah.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Fikradda Xagjirka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P/CVE).

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona:

• Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada

• Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata

• Horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga

• Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P/CVE

Xildhibaan Aweys Mohamed Omar wuxuu leeyahay qibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu ka soo shaqeeyay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka, taas oo u suurtagelinaysa inuu guto waajibaadka uu Madaxweynaha u igmaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro. Safiirka ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha uga warbixisay howlaha uu Xafiiska Midowga Yurub ka wado gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ammaan u jeedisay Golaha Shacabka dadaalka ay ku bixiyeen samaynta shuruucda aas-aaska u ah dowladnimada dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta u dhexeysa Golaha Shacabka iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha shuruucda taageera horumarka dowladnimo ee dalka, arrimaha ku saabsan dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka, iyo sida Midowga Yurub uu u kordhin karo taageeradiisa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada muuqata ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxa uu xusay in Golaha Shacabka uu xoogga saarayo, isla markaana uu ka shaqeynayo, dhameystirka Dastuurka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed dib loogu siin lahaa awoodda ay ugu soo dooran lahaayeen hoggaanka dalka.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ustaad C/raxmaan Yacquub, oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuna geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Wariye C/raxmaan Yacquub waxa uu muddo dhowr iyo toban sano ah ka tirsanaa wariyeyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u qaabilsanaa wararka Arrimaha Dibadda, sidoo kalena caan ku ahaa Barnaamijka Muuqaalka Dunida.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda Warbaahinta Qaranka ee uu marxuumku ka baxay, isaga oo Allah uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo asxaabta. Aamiin… Aamiin… Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo shalay ay si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirweynahan oo ah mid muhiim u ah dib-u-habeynta garsoorka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax ka socota maamul-goboleedyada, bulshada rayidka, jaamacadaha, iyo qaybaha kala duwan ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.

Maanta shirk waxaa logu hadlayaa Xoojinta Madaxbannaanida Garsoorka, kor- u qaadista isla-xisaabtanka, iyo Kobcinta Kalsoonida Dadweynaha, iyadoo lagu falanqeynayo caqabadaha jira iyo fursadaha lagu dardargelin karo adeegyada cadaaladda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta soo xiro shirweynaha, isagoo ka jeedin doona khudbad ku saabsan jiheynta guud ee dib-u-habeynta cadaaladda ee dalka.