Home Blog Page 1162

R/wasaare Kheyre oo xalay kormeer ku sameeyey qeybo kamid ah Muqdisho+sawirro

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka oo uu maamulka Gobolka Banaadir  ka wado Howlaha Nadafadeed, wuxuuna qaybo ka mid ah meelihii uu booqday kula soo qaatay kulamo xog wareysi ah  Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana indhahiisa ugu arko  sida ay u socdaan howlaha dardar galinta bilicda iyo nadaafada Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre  kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen   in ay socdaan  howlo lagu  xoojinayo   nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso  si loo helo Caasimad  bilic iyo amni leh.

Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa  xusay in dowladda  muhiimada weyn siinayso  Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa  kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu  la qaatay dadkii ku caweynayey  waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan.

Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey  dowladnimada iyo dal jaceylka,islamarkaana ku bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa u taagan ilaalinta dowladnimada. Tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u  horseedaysaa in ay helaan mustaqbal wanaagsan oo ay kula tartamaan dadka asaagooda ah.

Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho, (SNTV):-Kulanka saaka ka dhacay xafiiska Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan Salvatore Garang ayaa waxaa yeeshay Wasiirka iyo Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo ay wehliyaan Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba iyo la taliyaha ganacsiga ee safaarada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Kulankaas waxaa lagu gorfeeyay sidii lacagaha qalaad loogu fududeyn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata iyo dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta isticmaalka bankiyada dalkaas oo waqti soo jiitameysay, iyadoo kulanku uu qayb ka ahaa kulamo badan oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba ku nool oo mas’uuliyiinta safaaraddu ay la yeelanayeen Madaxda wadanka Koonfurta Suudaan

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa Wasiirka ka dalbaday in loo fududeeyo ganacsatada adeegyada ay u baahan yihiin ee la xiriira ganacsigooda, isla markaana dowladdu xaliso culeysyada ay la kulmaan, waxaana guddiga ganacsatada  ay gudbiyeen dhankooda cabashada waxaana Wasiirku Maaliyadda balan qaaday in si dhaqso ah ay dowladu uga jawaabeyso cadsiga kaga yimid safiirka iyo Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan ayaa horay kulan uu xal ugu raadinayo arrimahaan, waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda, Ganacsiga, arrimaha gudaha iyo kuwa kale.

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga soo daayey dalka Uganda

0

Muqdisho (SNTV):- Lix Muwaadiniin Soomaali ah oo tan iyo 2014-kii  ku xirnaa Dalka Uganda ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii Dowladda Soomaaliya ka shaqeysay sii deyntooda.

Muwaadiniintan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka  Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku Guuleysatay in boqolaal dhalinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhalinyaradda kale ee wali ku xiran dalka dibadiisa.

Madaxweyne Trump oo ku hanjabay in uu baajinayo kulan uu la lahaa Putin

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Mareykanka Donalda Trump oo la hadlayay Jariiradda -The Washington Post- ayaa ku hanjabay in uu qaadacayo kulan loo madlanaa in uu la yeesho madaxweynaha Dalka Ruushka Fladamir Putin,kadib markii Ruushka lagu eedeyey faragelinta siyaasadeed ee arimaha dalka Ukraine.

Ciidamada Badda dalka Ruushka ayaa weerar ku qaaday maraakiib ay lahaayeen ciidamada Ukraine,islamarkaana ka qabsaday maraakiib,taasi oo keentay in madaxweyne Trump uu ku hanjabo in uu ka baaqsan doono kulan gaar ah oo u ula yeelan lahaa Putin-ka Ruushka.

Hogaamiyaasha wadamada ku horumaray dhanka Warshadaha ee- G20- ayaa toddobaadkan dabayaaqadiisa ku shiraya magaalada, Buenos Aires ee dalka Argentina,waxaana kulanka gaarka ah ee madaxda Mareykanka iyo Ruushka ay ku balansanaayeen uu ka barbar dhici lahaa shirkaasi.

Haweenay afhayeenad ah oo u hadashey aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka, Heather Nauert, ayaa sheegtay in dolwdad Mareykanka ay danaynayso in Ruushka xayiraad adag la saaro,dhanka kalena uu Mareykanka ugu baaqey wadamada Midowga Yurub in ay taageeraan Dalka Ukraine.

La-taliyaha dhanka amaanka ee Madaxweyne, Trump John Bolton, ayaa warbaahinta u sheegay in shirka ay u balansanaayeen Madaxda Mareykanka iyo Ruushka, kaasoo  ajandihiisu uu ahaa arimaha amaanka iyo hubka, xaaladda dalka Ukraine iyo siyaasadda Bariga Dhexe.

Dhanka kale madaxweynaha wadanka Ukrain,Petro Poroshenko, ayaa ku soo rogay xaalad deg deg ah xuduudaha dalkiisa uu la wadaago Ruush-ka,taasi oo uu baarlamaanku ansixiyaywaxaana Petro Poroshenko, uu ku tilmaamay talaabada Ruush-ka mid daandaansi ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo casho Sharaf u Sameeyay Wafdiga Golaha Amniga Iyo Nabadda Midawga Afrika+Sawirro.

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa casho sharaf  hoygiisa ugu sameeyay wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogay Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha wafdiga ee casho sharafta u sameeyay uga mahadceliyay booqasahda maalamaha qaadatay ee ay ku joogaan dalka.

Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa ra’iisul wasaaaraha uga mahadceliyay casho sharafta iyo soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay.

Wafdiga oo ka Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo.

Wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku joogay booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa ayaa intii ay joogeen waxa ay kulan la qaateen ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen xaaladaha amniga dalka, siyaasadda iyo dardar-gelinta qorsha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dib u dhis lagu sameynayo buundada Xawaadley ee Shabeelaha Dhexe

0

Balacad (SNTV)- Iyadoo dhibaato xoogan lagu qabo burburka ka muuqda buundada kutaala tuulada Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka SHabeelada Dhexe ayaa waxaa soconaya qorshayaal iyo dadaalo la doonayo in dib loogu dhiso Buundadaasi.

Buundada ayaa ah mid si weyn u bur-burtay waxaana dhibaatooyin Kuqaba gaadiidka, dadka iyo duunyada isticmaalo.

Ururka iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee UDHIS oo ka jawaabaya codsi iyo baaqyo kaladuwan oo ugu yimid dadka Deegaanka ayaa bilaabay dayactir uu kusameynaayo buundada, iyagoo sidoo kale ugu deeqay dhammaan qalabkii lagu Sameynayay.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Ururka iskaashatooyinka qaranka Soomaaliyeed ee Udhis Cadceed Cusmaan Shuuriye ayaa sheegay in qorshohoodi uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska buundadaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

“Waxaan ugu talagalnay in aan ka qeyb qaadano sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa buundadan burbursan,buunadaan oo muhiim u ah isu socodk adadka iyo gaadidka,ururka iskaashatooyinka Qaranka wuxuu diyaar u yahay in uu ka wajawaabo baaqii dadka deegaanka,maadamaa dhibaato ay kajirto halkan”. Ayuu yiri Guddoomiey Cadceed.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Cali Maxamed Muuse oo kamid ah odayaasha dhaqan ayaa ka mahadceliyay dadaalka ururka iskaashatooyinka Qaranka eek u aadan arrintani.

Ururka iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeey ee UDHIS ayaa marar badan sidaan oo kale wax ka qabtay dhibaatooyin heestay beeraleyda Degmada Balcad haba ugu badnaatee Fataahaada Wabiga Shabeelle.

Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-Shabaab oo lagu laayay Gobalka Hiiraan

0

Beledweyn (SNTV) Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lix Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dilka maleeshiyaadkan ayaa yimid ka dib dagaal ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Sargaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Maydadka Argagixisada la laayay iyo hubkii laga furtay haatan ay gaarsiiyeen magaalada Baladweyne halkaas oo ay doonayaan inay Warbaahinta ugu soo bandhigaan.

Sidoo kale Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka baxsadeen deegaanka uu dagaalka ka dhacay haatan ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa aad u laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyadoo khasaaro badan lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee dhacay.

Akhriso:- Go’aanka Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare uu ka soo saaray xal u helidda tabashooyinka Madaxda Dowlad Goboleedyada.

0

SNTV:-Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare xal u helidda Khalifaadka Dowladda Feferaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta soo saaray warbixin iyo go’aanno la xiriira Arrimahaasi.

Halkan Hoose riix si aad u Akhrisato Warbixinta uu soo saaray Guddiga xallinta Khilaafaadka Dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

warbixin & Go’aan

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo manhajka Fasalka 8-aad Diyaarinaysa.

0

Talaado November 27, 2018 Muqdisho (SNTV) Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS, Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaraddu ay dhamaystirtay manhajka oo ay ku guuleysteen in ay ku guuleystaan ​​dugsiyada afaraad ilaa afaraad.

“Manhajka aan ardayda u qaybin waa fasalka koobaad ilaa afaraad, ilaa fasalka 12-aad, hadda waa la rajeynayaa inay ku guuleystaan ​​fasalka 8aad ee fasalka 8aad, manhajka wanaagsan ayuu ku socdaa cid kasta oo aqoon yahan ahna Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay

Faysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyo sida ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho dhammaystiran.

“Ka mid ahaanshaha waxaa ka mid ah in ardayda Soomaaliyeed ay waxbarashadooda ku helayaan lacag la’aan,” ayuu yiri Feysal Cumar.

Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in cabashooyinka dhowaan laga soo qaatay ardaydii Soomaaliyeed ee loo direy dalka Ethiopia, la xaliyay isla markana ay bilaabeen waxbarashadooda.

“Wasaaradda Waxbarashada waxa ay hirgelisay deeq waxbarasho oo ay ka heleen dawladda Itoobiya oo ay ku biireen ardayda tiradoodu gaareyso 223 arday oo ka mid ah ardayda dugsiyada hoose iyo ardayda oo ka faa’iideystey baasakaarka iyo kuwa ka faa’iideystey mastarka labadaba. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka Ethiopia Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia. Qoraalkan iyo xukuumadda itoobiya waxay ku guuleysteen in ay xalliyaan ardayda ay dib u bilaabeen waxbarashada “sidaasi waxaa yiri Feysal Cumar Guuleed,Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar

0

:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal.

Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay..

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka.