Home Blog Page 1162

Wasiirka waxbarashada oo la kulmay jaaliyada mareekanka

0

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, oo Safar shaqo ku jooga Dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu soo dhaweynayo loogu qabtay Hotelka Dhabal 3 ee Magaalada baluumintoon (Bloomington) Gobolka Minnesta ee Dalka Maraykanka.

Xafladdan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka oo ay hoggaaminaysay Ruun Saciid Qoorsheel.

Waxaa sidoo kale lagu casuumay xafladda madax ka soo shaqeysay wasaaradda wax-barashada wixii ka horreeyay bur-burka , waxanay ku fogaadeen heerka ay gaarsiisantahay wax barashada Gobolka Minnesota.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka mid ah barayaasha Soomaaliyeed ee mudada dheer ku soo jiray wax barashada, isla markaana haataan Macalin ka ah Jaamacadda Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa ka ka sheekeeyey Taariikhda wax barashada Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay.

‘Anigoo og Xilka ay hayaan culeyskeeda muddada 27 Sanadaha dib-u-dhaca ku dhacay hiigsiga Adduunyada,meesha aan ka joogno inta ay le’eg tahay iyo hakashada nagu timid,1989,waxaanu ka qayb-gallay oo bilowday meel Eeshiyadaas,(Waa meel ka mid ah qaaradda Asia) wixii la oranayey Tacliinta Adduunka,Wax-barashada loo dhan yahay, wuxuu socday 10 sanno xuskaasi,10-kaas Sano,Waxaa Caalamka la gaarsiinayay,in Qof kasta oo Muwaaddin ah oo Adduunka ku nool uu helo wax-barsho,ilaa heer Dugsi sare aqoon ahaan” ayuu yiri bare Siciid Saalax.

Siyaad Cali oo ka mid ah Guddiga wax-barashada Magaalada Minneapolis ayaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uga war-bixiyey Soomaalida iyo kaalimaha ay kaga jiraan wax barashada Gobolka Minnesotta.

“Waxaan ku faraxsannahay in uu Wasiirku noo yimaado,ayadoo kaalin fiican ay kaga jiraan Soomaalida Gobolkan hannaanka wax-barasho” ayuu yiri Siyaad.

Intaas kaddib Wasiir Wasaaradda Wax barshada hidda iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa war-bixin ka siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed, guud ahaan xaaladda Horumarineed ee Waddanka iyo wax qabadka ay ku tallaabsatay Wasaaradda wax barshada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa inta uu sugnaa Gobolka Minnesota waxaa uu booqday Dugsiga sare ee South High oo ay wax ka bartaan Arday badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna u kuur galay, heerka wax barasho ee ay dhallinta Soomaaliyeed gaarsiisan yihiin.

Wasiirka ayaa Sidoo kale booqday xarunta Dowladda hoose oo uu ka soo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Cabdi Warsame, iyadoo uu war bixin ka siiyey xaaladda guud ee Soomaalida Gobolkaas iyo doorka ay ka qaataan arrimaha Bulshada.

 

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo iska dhex doortay Guddoon

0

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka JFS C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa sheegay in Xildhibaan Nuur Iidow Bayle  uu yahay Guddoomiyaha Guddiga, Sahra C/qaadir Maxamed iyana ay tahay guddoomiye kuxigeenka, iyadoo Xildhibaan Xasan Amar dambe uu noqday Xoghayaha guddiga qaban qaabada Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa hoggaamin doona Guddiga tan iyo inta laga gaaraayo doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Turky-Som oo soo bandhigtay fursado cusub oo loo qaadanayo layli saraakiil.

0

Muqdisho (SNTV)- Qoraalkan ayaa lagu baahiyay bogga twitter-ka ee safaaradda turkiga ay ku leedahay Soomaaliya.

Shuruudaha codsahada kamid noqonayo liiska layliga sarkaal  laga rabo waxa ay kala yihiin:-

1-Warqada codsiga.

2-Shahaahadada dugsiga sare oo asal ah.

3-Haduu dhameeyay jaamacadda waxaa laga rabaa shahaahadada jaamacadda, hadii ay u socoto jaamacadda waxaa laga rabaa warqad cadeyneyso in uu yahay arday.

4-Warqadaha waa in ay ahaadaan afafka English ama Turki midkood.

Araaji qabashada ayaa bilaaban doonto 2-bisha may, waxa ayna socon doonta ilaa 31-may ee isla bisha shanaad.

September 2017 ayaa Muqdisho laga furay xirada ciidan ee dowladda Turkiga ku taba-barayaan  ciidamado dowladda  Soomaaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taba-bar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabisay  Kulliyadda Taba-barka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som)  Disembar 2017.

Wafdi ka socday Dowladda Turki oo kormeeyay Xabsiga Dhexe

0

Dowladda Turkiga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay hannaanka loo Daryeello Maxabiista  Xabsiga dhexe ee Xamar kaddib markii Danjiraha dowladdaas u fadhiya  Soomaaliya uu booqday Xabsiga.

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda walaalaha ee Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan, laba masuul ayaana booqday Warshadaha Farsamada Gacanta ee Xirladda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran.

Meelaha sida gaar ah  loo soo indha-indheeyey waxaa ka mid Warshadaha soo saarta Qalabka Xafiisyada, Dharka iyo IWM.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey Danjiraha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac walba.

Safiirka Tukriga u fadhiya Soomaaliya Olgen Beker ayaa ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirogeliyo Maxaabiista, loona dhiso maskaxdooda, waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha Xabsiyada iyo Caddaaladdana ay ka taageerayaan.

Gabogabadii Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen Beker ayaa la guddoonsiyey Haddiyad sharafeed uu ugu talogalay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana goob-joog ka ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal C/kariim Cali Afrax.

Dugsigii Jeneraal Goortan oo laga dhigay Kuliyad ciidan

0

Ciidammada ay tababareen walaalaha Imaaraadka Carabta oo loogu magac daray guutada Daljir kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Guutadan ayaa loogu magac-daray Daljir, waxa ayna qeyb xoog leh ka qaadan doonaan  howlgallada ciidanka milatariga Soomaaliya ay wadaan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo kormeeray Kuliyadda Jeneraal Goordaan ayaa shaaciyey in Qalab kala duwan oo ciidan iyo xarumo caafimaad lagu diyaariyey Kuliyadan isla markaana xarun ay u sii ahaan doonto Guutada Daljir ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidammada Daljir ee Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa loo dhameystiray qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo ay dowladda Soomaaliya  uga  mahad celisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Gudiga Doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu dhawaaqay maanta

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye iyo sidoo kale  Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, isagoona ka codsaday in ay si hufan u gutaan waajibkooda dar dargaliyaana howsha loo igmaday

Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaah Shacabka.

Waxaa kulanka  soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabd Wali Ibraahim Sheekh Muudey, wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan howshooda u soo gabagabeeyaan mudada kooban ee u harsan.

Wasiirka Aminga Xukumada Soomaaliya oo sheegay in dhawaan shirka amniga lagu qabanaayo garoowe

0

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland waxaa lafilayaa in dhawaan uu ka qabsoomo shir looga hadlayo amniga dalka kaasi oo ay isugu imaanayaan Wasaaradaha amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed.

Sidaasina waxaa sheegay Wasiirada amaanka Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo Puntland kadib safar dhawaan wafdi uu hogaaminayaya wasiirka amniga uu halkaasi ku tagay,waxaana deegaanada Puntland laga dareemayaa horumaro dhinacyo kala duwan leh oo uu amaanka ugu horeeyo.

Axmed C/llaahi Dowlad oo ah Wasiirka Amniga Puntland oo soo sagootiyay xubnaha Wafdiga ayaa sharaxay xaaladaha amaanka deegaanadaasi.

“Ee halkan waxa jooga wasiirka amniga qaranka iyo kuxigeenkiisa oo kamid ahaa wafdigii ka yimid xamar,waxaan filaynaa kolay waxyaabihii ay ka arkeen amniga Puntland inta ay soo socdeen Boosaaso ilaa garoowe amniga iyo soo dhaweyntii ay soo arkeen,waxaan filaynaa in Soomaaliya ay dhamaanteedi noqon doonto,wafdigana waxaan ka sugaynaa fariintani in ay naga gudbiyaan”. Ayuu Yiri Wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxmed Abuukar ISlow Ducaale oo hoggaaminayay wafdigii dhawaan tagay Puntland ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii loo sameeyey isagoo sharaxay ugu horeyn waxyaabihii ay la soo kulmeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacab weynaha amma Xukuumada maamul Goboleedka Puntland,sida ay inoo soo dhaweeyeen,waxaan leeyahay waad mahadsantihiin maalintii aan Boosaaso ka soo degnay ilaa iyo haatan,marka xaqiiqdii safar dhulka ah ayaan soo marnay Carmo ayaan soo marnay Calema saarkii Beeldaajie Maxmed Ismaaciil,marka waa dareemi kartaan dhul musaafo intaasi la eg,amniga kajira maamulada kalena waxaan leeyahay haku deysadaano”.Wasiirka Amniga XFS.

 

Gudoomiyaha Aqalka sare oo kulan sagootin ah u sameyay Madaxda Barlamaan Gobolleedyada

0

Casho sharaftaan uu guddoomiyaha  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid sagootin iyo dar daaran ah.

Cashada kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyagoo u mahadceliyay gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan iyo Hirgalinta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay  waxqabadkii mudada labada maalmood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale guddoomiyaha Guddiga la socodka ,dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa balan qaaday isagoo ku hadlay magaca madasha gudiyada dastuurka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed in ay u dhabar adeegi doonaan dhamaystirka dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in howsha ay  gacanta ku hayaan lagu taageeri doono.

Shir looga hadlayo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

0

Shirka looga hadlayo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeyb galay madax katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana madaxda ka qeyb galeysa shirka hadal soo dhaweyn ah u jeediyey Sii hayaha wasiirka, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis.

Shirka oo wali socda ayaa waxaa Kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka JFS Mudane Mahadi Maxamed Guuleed,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yarisow, Senitor Amina Xasan Adan, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka, Madaxda UNISCO iyo hey adaha Madaxa Banaan ee warbaahinta Qaybahooda Kala Duwan.

Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis oo furitaanka kulanka hadlay ayaa uga mahad celiyey dhinacyada ka qeyb galay shirka sida ay u ajiibeen ka qeyb galka shirkaan iyo waqtigooda qaaliga ah oo ay usoo hureen.

Sidoo kale wasiir C/raxmaan iidaan Yoonis ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey  UNISCO kaalinta muhiimka ah oo ay ku leedahay shirkaan.

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo celinta degmooyinka Gobolka Benaadir.

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo-celinta iyo nadaafadda Gobolka.

Guddoomiyaha oo goobahaas kula kulmay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa faray in ay dardar geliyaan howlaha bilicda iyo nadaafadda, maadama la galay xilli roobaadka, loona baahanyahay in shaqo badan laga qabto gudaha magaalada.

Guddoomiyaha oo tilmaamay mudnaanta ay siinayaan ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda ayaa sheegay in Maamul ahaan ay kala shaqeeynayaan degmo kasta oo ka tirsan Gobolka Benaadir sidii ay ugu fududeeyn lahaayeen qalabka iyo taageerada muhiimka u ah howlaha nadiifinta iyo ilaalinta deegaanka.

“Masuuliyad wayn ayaa maamulka degmooyinka ka saaran in ay ka shaqeeyaana nadiifinta goobaha ay biyaha iyo caradu fariisteen kaddib roobabkii da’ay, sidaas darteed waxaan farayaa in ay u gutaan masuuliyaddaas sida ugu haboon uguna macquulsan, sababtoo ah ma aqbali karno in ay hoos u dhacdo bilicda iyo nadaafadda Caasimadda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng.Yarisow.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in uu si dhow ula socon doono shaqooynka ay ka qabtaan Maamulka Degmooyinku iyo laamaha faya dhowrka heer Gobol ilaalinta bilicda iyo nadaafadda, iyadoona kormeerro joogta ah oo ku saabsan arrinkan uu degmo kasta ku tagi doono.

Guddoomiyaha ayaa ugu baqaay shacabka Gobolka Benaadir in ay la shaqeeyaan howl-wadeennada u taagan habeen iyo maalin ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Gobolka, isagoona si gaar ah uga codsaday gaadiidleeyda in ay dul-qaataan wakhtiyada kooban ee laga shaqeeynayo daryeelka waddooyinka gudaha magaalada.