Madaxweyne Trump oo ku hanjabay in uu baajinayo kulan uu la lahaa Putin

Date:

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Mareykanka Donalda Trump oo la hadlayay Jariiradda -The Washington Post- ayaa ku hanjabay in uu qaadacayo kulan loo madlanaa in uu la yeesho madaxweynaha Dalka Ruushka Fladamir Putin,kadib markii Ruushka lagu eedeyey faragelinta siyaasadeed ee arimaha dalka Ukraine.

Ciidamada Badda dalka Ruushka ayaa weerar ku qaaday maraakiib ay lahaayeen ciidamada Ukraine,islamarkaana ka qabsaday maraakiib,taasi oo keentay in madaxweyne Trump uu ku hanjabo in uu ka baaqsan doono kulan gaar ah oo u ula yeelan lahaa Putin-ka Ruushka.

Hogaamiyaasha wadamada ku horumaray dhanka Warshadaha ee- G20- ayaa toddobaadkan dabayaaqadiisa ku shiraya magaalada, Buenos Aires ee dalka Argentina,waxaana kulanka gaarka ah ee madaxda Mareykanka iyo Ruushka ay ku balansanaayeen uu ka barbar dhici lahaa shirkaasi.

Haweenay afhayeenad ah oo u hadashey aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka, Heather Nauert, ayaa sheegtay in dolwdad Mareykanka ay danaynayso in Ruushka xayiraad adag la saaro,dhanka kalena uu Mareykanka ugu baaqey wadamada Midowga Yurub in ay taageeraan Dalka Ukraine.

La-taliyaha dhanka amaanka ee Madaxweyne, Trump John Bolton, ayaa warbaahinta u sheegay in shirka ay u balansanaayeen Madaxda Mareykanka iyo Ruushka, kaasoo  ajandihiisu uu ahaa arimaha amaanka iyo hubka, xaaladda dalka Ukraine iyo siyaasadda Bariga Dhexe.

Dhanka kale madaxweynaha wadanka Ukrain,Petro Poroshenko, ayaa ku soo rogay xaalad deg deg ah xuduudaha dalkiisa uu la wadaago Ruush-ka,taasi oo uu baarlamaanku ansixiyaywaxaana Petro Poroshenko, uu ku tilmaamay talaabada Ruush-ka mid daandaansi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...