Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo casho Sharaf u Sameeyay Wafdiga Golaha Amniga Iyo Nabadda Midawga Afrika+Sawirro.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa casho sharafย  hoygiisa ugu sameeyay wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogay Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha wafdiga ee casho sharafta u sameeyay uga mahadceliyay booqasahda maalamaha qaadatay ee ay ku joogaan dalka.

Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa raโ€™iisul wasaaaraha uga mahadceliyay casho sharafta iyo soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay.

Wafdiga oo ka Raโ€™iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo.

Wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku joogay booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa ayaa intii ay joogeen waxa ay kulan la qaateen raโ€™iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen xaaladaha amniga dalka, siyaasadda iyo dardar-gelinta qorsha masโ€™uuliyadda amniga ay kula wareegayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...