Home Blog Page 1163

Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka qaybta 21aad oo maanta Cadaado u fadhiistay Imtixaan aqoon guud ah

0

Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka qalabka sida qaybta 21aad ka qaadaya Imtixaan ah aqoon guud , kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.

Qeybta koowaad ee Imtixaanka oo maanta ka dhacay xarunta taliska ciidamada xooga dalka qeybtooda 21aad ku leeyihiin magaalada Cadaado ayaa waxaa u fadhiistay Xidigle ilaa iyo Gaashaanle sare.

Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanka ka bilaawdey oo kala ah Dhamaan Xeryaha Kala duwan ee Qaybtu ku leedahay Galmudug waxaana sidoo kale Imtixaanka laga qaadayaa saraakiisha ku sugan jiidaha fog iyo furimaha hore ee gobolka Mudug.

Ujeedka Imtixaanka ayaa Taliska Ciidanka Xoogu waxa uu ku sheegay in lagu hubinayo Aqoonta Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Ciidanka, si kii ay wax ka dhimman yihiin dhanka Qibradda loogu diro Koorso Ciidan oo dalka Gudahiisa ama dibadiisa ah.

Taliyaha Ciidanka Qaybta 21aad Gen Abdullahi Cirro ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Imtixaanka looga qaadayey, isaggoo soo indho indheeyey sida ay u socdaan howlahaasi.

Qeybta Labaad ee Intixaanka ayaa dhawaan bilaaban doona, waxaa u fariisan doono Saraakiisha sare ee Ciidanka Qaybta 21aad.

 

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka kenya

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

Myanmar oo gacant ku dhigtay 93 qof Rohingya ah oo ku sii jeeday dalka Malaysia

0

Maamulka Myanmar ayaa qabtay doon sidday 93 ruux oo Rohingya ah oo ka cararay xero ku taallay galbeedka gobolka Rakhine,isla markaana doonaayey in ay gaaraan dalka Malaysia,sida ay ku warameen saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Markab ciidan ayaa maalinimadii shalay joojiyay doontaasi,waxayna qabteen 93-ruux oo la tilmaamay in ay ka yimaadeen xerada Thae Chaung ee gobolka Rakhine ,gaar ahaan caasimadda Sittwe .

Moe Zaw Latt, oo ah maamulaha dowladda ee deegaanka xeebta ah ee Dawei oo dhaca koonfurta Myanmar ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah dadkaasi la qabtay dib loogu celin doono halkii ay ka yimaadeen ee Sittwe ,gaaar ahaan xeradii ay ku noolaayeen.

Doontaasi waa tii 3-aad ee u rareyd dalka Malaysia ,isla markaana lagu  qabto  biyaha badda  Myanmar tan iyo bishaan oo ay jiraan dabeylaha monsoon-ka oo abuuray cabsi ku aadan safarka dadka.

Aqoonyahanno cambaareeyay tacadiyada Shinaha ee muslimiinta Uighur

0

SNTV:- Boqolaal aqoonyahanno ah ayaa soo jeediyay in dalalka caalamka ay cunaqabateyn ku soo rogaan dalka Shinaha oo lagu eedeeyay in xerooyin gaar ah oo ku yaalla gobolka Xinjiang uu ku hayo muslimiinta Uighur oo ka mid ah bulsho weynta dalkaasi.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kulan maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Washington, DC,oo ay ka qeybgaleen 278 Aqoonyahan oo ka kala socday dhowr iyo toban dal,kaas oo looga hadlaayey tacadiyada Shinaha ay ku hayaan dadka muslimiinta ah ee tiro ahaan ka yar bulshada dalkaasi.

“Dalalka caalamka waa in ay soo dhoweeyaan dadka magangalyo doonka ah ama waa in qaramada Midoobay ay la timaadaa xeelad lagu badbaadinaayo muslimiinta ama la baaro tacadiyada loo geystay”sidaa waxaa yiri Aqoonyahanadaasi.

Waxgaradkaasi waxa ay qabaan in hadii aan wax laga qaban digniinta ay soo jeedinayaan ay calaamad u noqon doonto in la aqbalo dhibaatooyin iyo tacadiyo ku dhaca dadka maatida ah ee aan wax gllaabsan.

Aqoonyahanadu waxa ay ku baaqeen in Shinaha ay dhameeyaan siyaasadaha ku aadan in xerooyin gaar ah lagu hayo dadka muslimiinta,isla markaana cunaqabateyn la saaro hoggaamiyaasha  dalkasi iyo hey’adaha ammanka ee ku kaca falalka tacadiyada ah ee loo geysto muslimiinta.

Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

0

Muqdisho (SNTV)- Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.

Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa  codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018.

Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

12-11  ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1-       Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.

AKHRISO: HADAL JEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS EE SHIRKA DHAQAALAHA BADDA, NAIROBI

0

NAIROBI (SNTV):- HADAL JEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO EE SHIRKA DHAQAALAHA BADDA, NAIROBI

Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta,
Madaxda Dowladaha, Marti Sharafta, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo shirkan koowaad ee ahmiyadda weyn leh, kuna saabsan dhaqaalaha badda ee lagu qabtay caasimadan quruxda badan ee Nairobi.

Marka hore, aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku bogaadiyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah ee ujeedkiisu yahay soo bandhigidda fursadaha tirada badan ee dhaqaalaha badda iyada oo haddana la dhawrayo biyaheenna si ay uga faa’idaystaan jiilasha soo socda mustaqbalka.

Soomaaliya waxaa suuragal u ah inay inta ugu badan ka faa’iddo dhaqaalaha badda ah si xooggan oo isla markaana waara.

Soomaaliya waa waddan leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna leedahay xeeb dhererkeedu yahay in ka badan 3,300 km oo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika, kana mid ah kuwa ugu wax soosaarka badan gobolka, fursad weyna u ah warshadaha iyo maalgashiyada la xiriira xeebaha.

Waxaannu leennahay kayd khayraad oo aan la taaban sida kalluunka, saliidda iyo gaaska badda, macdanta iyo khayraadka kale ee badda.

Maamulkaygu waxa uu garawsan yahay in khayraadkan baaxadda weyn ee aan weli la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqala’aanta.

Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran si aan uga faa’idaysanno dhaqaalaha badda ku salaysan, annaga oo dhawrayna deegaanka.

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku hawlan sidii ay sameyn lahayd iskaashiyo lagu abuurayo, laguna horumarinayo dekedahayaga istaraatijiga ah, sare loogu qaadayo isu socodka gaadiidka badda, cuntada badda, beerashada badda, sifaynta biyaha badda iyo guud ahaan horumarinta macdanta badda. Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale u xilsaaran horumarinta khayraadka badda.

Waxaannu si buuxda uga warqabnaa xiriirka ka dhexeeya nabadda, amniga iyo horumarka waara.

Muddadii dheerayd ee aan khilaafka ku jirnay ayaa shaki la’aan si taban u saamaysay koboca iyo horumarka khayraadka badda ee Soomaaliya.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Mar haddiiba aanu ka hadlayno abuuridda dhaqaale badda ah oo waara, iyo baahida loo qabo maalgashi iyo warshado, waxa lagama maarmaan ah inaanu marka kowaad ka hadalno dhaqdhaqaaqyada aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaheenna.

Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.

Waxaan rajaynayaa in qodobada ka soo baxaya shirkan uu qayb ka ahaadaan in la iska kaashado xakamaynta dhammaan hawlaha aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaha.

Maamulkaygu waxa uu sii wadi doonaa inuu abuuro iskaashiyo caalami ah si loo xalliyo arrimahan.

Waxaan aaminsannahay in haddii la helo daahfurnaan iyo iskaashi sarreeya, lagana faa’idaysto horumarka dhanka teknaloojiyadda iyo awoodaha satalaytka, aynu awood u yeelan doonno hakinta dhaqdhaqaaqyadan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Nabadda iyo amnigu waxay kamid yihiin ajendayaasha ugu muhiimsan ee maamulkayga.

Waxaan xoojinaynaa dowladnimada, sare u qaadaynaa iskaashiga dhinaca amniga si loo helo xasillooni, oo ay kamid tahay in la helo badweyn iyo xeebo nabad ah. Sidoo kale, waxaannu ka shaqaynaynaa inaan xoojinno adkaygsiga dadka si loo yareeyo saamaynta xun ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha joogtada ah.

Dadaalladani waa ay bilawdeen, waxana durba muuqata in guulo laga gaaray.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan xuso in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiyada iyo maalgashiyada la xiriira khayraadka baddeenna hodonka ah.

Waad mahadsanidiin.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha badaha

0

Nairobi (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna.

“Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.”

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga Dalka

0

Muqdisho, Nofeembar 26, 2018 –
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladdu ay dadaal badan u gashay sidii dib-u-habayn ballaaran loogu samayn lahaa hay’adaha amniga dalka, ayna ka go’antahay in la helo amni la’isku hallayn karo.

“Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkan waxaa ka qeyb galay, talisyada ciidamada, Wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha gudaha, halka ay matalayaasha dalalka aan saaxiibada nahay, kuwa ciidamada nabad ilaalinta ugu deeqayna ay goob joog ka haayeen.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto oo shirka la guddoomiyay Ra’iisulwasaaraha ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka dhanka amniga iyo qorshayaasha cad cad ee ay la timid si amniga dalka loo sugo.

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.

Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee  Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo Furay Hannaanka Lagu Ballaarinayo Helitaanka Sonic

0

 

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta la soo gaaray waqti ay SONIC – oo maamusha astaanta internetka ee dalkeena – ay si daah furan u qaadaneyso shirkado gudaha dalka ka shaqeeya oo diiwaangeliya astaanta.

Maareeyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii Maarso ee sanadkan ay Hay’addu ku hawlaneyd sidii loo casriyeyn lahaa astaanta oo looga soo guuri lahaa shirkaddii hore ee adeegga farsamo siin jirtay (Cloud Registry), looguna soo guuri lahaa barnaamij ay SONIC 100% maamuleyso, oo dalka gudahiisana ay u yaallan xog-keydiyeyaal (servers), taas oo si kordhin doonta adeegga iyo xawaaraha. SONIC ayaa haatan ku shaqeysa barnaamijka Cocca oo ay adeegsadaan inta badan dalalka ugu horreeya dhinaca astaamaha ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Waxaa sidoo kale la dajiyay siyaasadihii lagu dhaqi lahaa maamulka astaanta, kuwaasoo kala qeexaya waajibaadka dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay in isbeddelladii lagu sameeyay astaanta ay dhaqan-gali doonaan wixii ka dambeeya bisha Jannaayo 2019, lana sameyn doono bandhig iyo wada-tashiyo lala yeelan doono dhammaan daneeyeyaasha ay khuseyso.

Isbeddellada la filayo inay dhaqan galaan ayaa waxaa ka mid ah in la kordhiyo tirada shirkadaha dalka ku yaalla ee adeeggan bixiya, lana sameeyo qiimo-dhimis si loo sii xoojiyo adeegsiga astaanta ee dadweynaha, shirkadaha, jaamacadaha iyo hay’adaha sama-falka.

“Maanta waxaan soo gaarnay in dotSO ay ku soo wareegtay dalka gudihiisa, lana qaadanayo shirkado Soomaaliyeed oo adeeggaas gaarsiiya magaalo kasta oo ka mid ah dalka, maadaama awal ay aad u koobnaayeen shirkadaha diiwaangeliya ee dalka ka shaqeeya, hase yeeshee lala sugayo in la sameeyo nidaam daah-furan oo lagu qaato kuwa cusub ka dib marka hawlaha farsamadu ay soo dhammaadaan,” ayuu yiri Maareeyuhu.