Home Blog Page 1161

Cristina Kitchner: Madaxweynihii hore ee dalka Argentina oo lasoo taagay Maxkamad

0

Talaado, 14, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Madaxweynihii hore ee dalka Argentina Cristina Kirchner ayaa la horgeeyay maxkamadda dalkaasi si ay jawaab uga bixiso dacwad la xiriirta kiisas dhinaca musuqmaasuqa ah kuwaasi oo iyada kadhan.

Cristina iyo xubno katirsan maamulkeeda ayaa lagu eedeeyay in ay aqbaleen qaadashada lacago Malaayiin Dollar ah oo ay bixiyeen qaar ka mid ah ganacsatada dalkaasi .

Mrs Cristina Kirchner ayaa dhinaceeda ku andacootay in dacwadaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo la doonayo in looga saaro tartanka doorashooyinka sanadka dambe ee ay isu diyaarineyso.

Qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Saraakiil horay uga tirsanaa Dowladda Argentina ayaa la dhigay xabsiga, kadib markii uu Wargeyska lagu magacaabo La Nacion uu 1-da bishani qoray warbixin uu kaga hadlaayo lacago Malaayiin dollar ah oo laaluush ah oo ay kala qaateen dad isagu jira Wasiirro iyo Ganacsato udhashay dalka Argentina.

 

Lacagta Liirada ee dalka Turkiga oo soo kabaneysa kadib hoos u dhac weyn oo laga dareemay

0

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Bangiga dhexe ee waddanka Turkiga, ayaa Isniintii qaadday tallaabo uu kor ugu soo qaadayo lacagta dalkaas ee Liirada oo gaartay halkii ugu hooseesay 20% balse wax yer ayey sare kac ah sameesay maantadii horre.

Arrintan waxa ay horseeday in howlihii bangiyada Turkiga ay sidoodii u sii wataan iyadoo dalka laga dareemayo dhaqaale yari baahsan.

Cadaadiska soo fuulay lacagta Liirada, waxaa uga sii daray waddanka Mareykanka oo xukuumadda Washington canshuuraha ay ku soo rogtay badeecadaha ganacsiga ee ka imaanaya Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, ayaa sheegay in aan dalkiisa jilbaha u qabsan doonin cadadis uga yimaada Mareykanka.

Waxa uu yiri Turkiga ma ahan dal cagajugleen iyo cabsi wax looga qaadayo, waxa uu sheegay in ay qaadi doonaan tallaabada Washington.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna sheegay inuu sii socon doono dagaalka ganacsi ee ka dhex billowday waddamada Washington iyo Istanbul.Turkiga iyo Mareykanka ayaa kawada tirsan xulufada NATO, sidoo kale howgallo ay ka wadaan waddamo ku yaalla caalamka sida Afghanistan.

Erdogan ayaa sheegay in Mareykanka uu dhabarka ka tooganayo saaxibkiisa ay isla howlgalayaan.Turkiga ayaa weli xabsiga ku haya nin baadari ah oo u dhashay waddanka Mareykanka, kaasoo la sheegay in uu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee labo sanno ka hor ka dhacay waddanka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa ku laba jiray canshuurta biraha Mareykanka u dhoofiyo Turkiga.

Si kastab, dadka wax fallanqeeye ayaa sheegaya in hoos u dhaca ku timid lacagta liiraha ee waddanka Turkiga ay sabab u yihii madaxweyne Erdogan iyo wiilka sodogga uu yahay ee ah wasiirka maaliyadda kuwaasoo raba maanta in ay xal u helaan dhibaatada dhaqaale ee dalka soo foodsartay.

Bangiyada Turkiga ayaa sheegay in maanta ay tallaabo qaadi doonaan si xal loogu helo lacagta liiraha ee hoos u dhacday.

Turkiga ayaa hadda mashaariic fara badan ee ku baxa malaayiin dollar ku bixiya waddamo ku yaalla caalamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya, mana cadda sida ay saameen ku yeelan doonto arrintaas.

 

Nin Soortiisa ka soo badbaadsaday goob uu howgal ka socday oo ku taalla magaalad Nairobi

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):- Mareegta NairobiNews ayaa qortay sheeko aad loo hadalhayo oo ka dhacday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, taasoo ku aabsan nin la cararaya dhowr KG oo soor uu kala soo baxsaday goob ay ka socotay howgallo ay sameenayeen ciidamada ammaanka ee Kenya.

Ciidamada ammaanka Kenya, ayaa labo toddobaad ka hor howgallo ka sameeyay xaafada isku raran oo ku yaalla deeganka Kilimani oo ka tirsan Nairobi, halkaasoo lagu burburiyey dhismayaal sharci darro ah.

Intii howgallada ay socdeen ayaa waxaa sawir qaade uu sawirro ka qaaday nin maskax badan oo la cararaya cadweyne oo soor ah ama Ugali oo ah raashin aad looga cuno Kenya, aadna u jecelyihiin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadkii ku jiray dhismooyinka ay ku mashquulsanaayeen in ay badbaadiyaan waxyaabo muhiim ah si aan looga xadin ama looga burburin balse ninkan waxaa u muhiimsanaa soortaas ama Ugaalidaas uu ku qaadaneyey maalintaas oo karitaankeeda waqti ka galay.

Booliska Kenya, ayaa sheegay in ay burburiyeen 120 ganacsi oo ku yaallay dhismaha sharci darrada, waxaana howgalkaas lagu burburiyey in ka badan 100 dhisme.

Taliyaha hoggaaminayey howgalkan Peter Mbaya ayaa saxaafadda u seegay in ujeedka loo sameeyey howgalka uu qeyb ka yahay howgallo lagu burburinayey dhismooyinka sharci darrada ee ku yaalla caasimadda kuwaasoo saxmad iyo buuq ku keenay magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wadooyinka laga nadiifiyo goobaha sharci darrada ah ee lagu hayo ganacsiga sida qaadka, cuntooyinka wadooyinka lagu kariyo.

Si kastaba, sawirradan ninkan sita Soorta ama ugaalida waa kuwa aad looga hadalhayo waddanka Kenya gaar ahaan baraha bulshada waayo Kenyanku waa ay jecelyihiin soorta ama Ugaalida oo waa cuntada ay badi cunaan waana ay macaantahay.

Daraasad sheegeysa in Fadhiga badan uu keeno cudurro halis ah

0

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):- Akhristow Natiijooyin ka soo baxay daraasado cilmiyeed   dhawaan ay sameeyeen saynisyahannada Bulshadda Maraykanka ee Kansarka, ayaa lagu ogaaday in fadhiga oo lagu qaado muddo dheer si joogto ah ay ka dhalan karaan arrimo caafimaad oo halis ah.

Natiijooyinka daraasadda ayaa muujinaya xiriirka ka dhexee

ya dhaqdhaqaaqa hoos u dhaca jirka iyo khatarta dhimashada sababtoo ah, cuduro kala duwan oo hareer socda dhaqanka nuucaan ah oo la caadeysto.

“Haddii qofku uu fadhiyo 6 saacadood ama ka badan maalintii, halista dhimashada ayaa kordhi doonta 19% marka la barbar dhigo kuwa qaata in ka yar 3 saacadood oo fadhiya,” cilmi-baarayaal ayaa sidaasi sheegay.

Waxay kaloo ogaadeen Cilmi baadhayaashu in caadadani ay la xiriirto heerarka sare ee duxda sokorta, iyo cadaadiska dhiigga.

Daraasad ayaa xaqiijisay in ku fadhiga muddo dheer uu keeni karto sabababo badan oo horsed u ah cudurro kala duwan sida: nuucyo kamid ah kansarka, cudurrda wadnaha iyo xididdada dhiigga, macaanka, cudurada nidaamka muruqyada, kelyaha, sambabada, beerka, cudurrada dheef-shiidka iyo mindhicirka, cudurka laleelmada iyo cudurka dhimirka beelida iyo xanuunada maskaxda ah.

Waxaa sidoo kale jira xiriirka u dhexeeya fadhida muddo dheer iyo ujeedka is-dilka.

 

Wasiirka Cadaaladda xukuumada Soomaaliya oo Heshiis lagu Hormarinayo Garsoorka Dalka la Saxiixday UNSOM iyo UNDP

0

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Waa barnaamij socon doona 2018 ilaa 2021 kaas oo loogu tala galay in lagu hormariyo garsoorka dalka oo mudooyinkan dambe dib u habeyn balaarani ay ku socotay waxaana wasaaradda gacan ka siinaya xafiiska UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ee Unsom iyo Hay’ada UN ka u qaabilsan Hormarinta ee UNDP.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN ka u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Peter de Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahad celiyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden Netherlands iyo midowga Yurub oo door weyn kulahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UNka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale lkn doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UNka ee Soomaaliya iyo UNDP”ayuu yiri Mr Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka Dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa,Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

“Qorshahaan waxaa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geestay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee Unsom iyo UNDP waxaa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga,gudiga la dagaalanka musuq maasuqa,Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale “ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS

Wasiirka Cadaaladda ayaa sidoo Kale sheegay in ujeedku yahay helida Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto, iyadoo ay Dhawaanahaan socotay dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo Nidaamka Cadaaladda Dalka, waxaana xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamaddaha iyo Garsoorayaal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo Kormeer Shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Hodan

0

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-  Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Hodan isagoo u kuur galay howlaha shaqo ee ka socda Maxkamadda.

Guddoomiyaha ayaa Warbixin ka dhageystay, Guddoomiyaha Maxkamdda Degmada Hodan Garyqaan Axmed Cabdi Cali (Aabi)  iyo howl-wadenada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa kormeeeray Diiwaanka guud ee Maxkamdda Degmada Hodan, iyo habmsami u socodka adeega garsoorka ee Maxkamdddu u qabato bulshada ku nool degmada, Sidoo kale waxa uu u kuur galay caqabadaha haysta Maxkamdda Degmada Hodan.

Kormeerkan ayaa la sheegay in uu ahaanayo mid la joogteyn doono dhammaan Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Abwaannada ugu Baaqay Ka qayb qaadashada Qorshaha dib U Dhiska Dalka

0

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo abwaannada Soomaaliyeed kula hadlay xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga ayaa sheegay in abwaannadu ay muhiim u yihiin wacyi-gelinta bulshada, nabadda, xasiloonida, dib u dhiska dalka iyo soo celinta karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday abwaannadda Soomaaliyeed in ay runta u sheegaan kuwa doonaya in ay qarankeenna dumiyaan si aanan aduunyada uga harin maadaama la joogo xilligii suugaanta loo adeegsan lahaa dib u soo kabashada dalka, isaga oo tilmaamay in hadii aan abwaannada la siin dawrkooda uusan dalku horumar gaari karin, sidaas oo kalana hadii abwaannadu aysan u istaagin jihaynta dalka, la dagaalanka musuqa, qabyaaladda, in ay adkaanayso in dalku uu gaaro horumar la taaban karo.

“Waxaan aan idiin sheegayaa aniga iyo madaxweynahaba in aan aqoonsannahay dawrka aad ku leedihiin bulshada, hadii aan laydiin siin dawrkiinna waa ay adkaanaysaa in dalka dib loo dhiso. Waxaan rabaa in hadafka dawladda iyo kiinnuba uu ahaado in aan soo celinno waqtigii suugaanta lagu dhisi jiray dawladnimada, waxaan rabaaa in aan bilaawno in suugaanta aan u isticmaalno in lagu wacyi geliyo shacabka si quluubtooda loogu dhiso, lagu taageero nabadda iyo xasiloonida, si loo soo celiyo qabkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed, lagula dagaalo qabyaaladda, colaadaha, dhismaha dawladnimada iyo dib u heshiisiinta, laguna kala sooco xaqa iyo baadilka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre.

“In halkaan ay fadhiyaan dhallinyaro badan oo sii wadi doona shaqadii aad xilliga dheer soo waddeen waa wax dawladnimada farxad gelinaya. Horumar ma sameynayo waddan aanan abwaanintiisu horumuud u aheyn, jihaadka safka hore uga jirin, bilaabin sidii dalka dib loogu jihayn lahaa, aan dadka u sheegin in la kala garto samaha iyo xumaanta”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Abwaannada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay dad Soomaaliyeed oo si dhab ah uga qayb qaata dib u dhiska dalka, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya mustaqbalka ay aduunyada kale waxbrasho iyo caafimaad u soo doonan doonto, hadii abwaannadu ay u istaagaan.

Ciidanka Xoogga oo nolosha ku qabtay 5 ka tirsan Al-shabaab

0

Ciidammada Xoogga dalka ayaa gacanta ku dhigay malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaadday fariisin ay ku lahaayeen ciidanka deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Cidammo ka tirsan Guutada qeybta 12-ka April ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Bar Koontarool  ku leh deegaanka Calamada ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan malleeshiyada Al-shabaab, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay shanta nin oo uu ka mid ah dhaawac yahay.

Sidoo kale ciidanka waxa ay qabsadeen gaarigii malleeshiyadaas ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Baabuur Safar ah.

Sargaal  ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay hayeen warka la xiriira malleeshiyo Shabaab ka tirsan oo weerar ku soo ah, ayna u diyaar garoobeen, isla markaana sidii ay wax u qorsheysteen ay u suurogashay.

Waxa uu intaa ku daray Sargaalka ciidammada ka tirsan in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta rag ee ay kooxda Al-shabaab  ka qabsadeen iyagoo nool.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan HSJ oo tababar uga furmay Tanzania.

0

Muqdisho (SNTV)- Ku dhawaad 20 Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar la xariira hubinta dukumintiyada iyo habka loo bixiyo tababarada waxaa uu uga furmay Dalka Tanzania.

 

Tababarkan oo ay bixinayaan khuburro heer caalami ah oo ka socda dalalka Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka IOM ayaa waxaa daa hfuray Ku xigeynka Agaasimaha Guud ee HSJ Cabdulahi Xaaji Bashiir.

 

Saraakiisha qaar  ayaa loo  tababari doonaa macallinimo si’  ay aqoonta la soo baray  uga sii faa’ideeyaan saraakiisha kale ee Hay’adda ka tirsan, waxaana tababarkan uu  socon doonaa Muddo toban Cisha ah.

 

Tahriibayaal Soomaali ay ku jiraan oo loo diiday Yurub

0

Muqdisho (SNTV)- Ugu yaraan 67 ruux oo isugu jira qaxooti Soomaali iyo Eritrea ah oo saaran Markabka Aquarius ayaa loo diiday inay gudaha u galaan qaarada Yurub, waxayna taagan yihiin badda Mediterranean-ka.

Saraakiil ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay sheegeen Qaxootigan inay ku jiraan caruur, islamarkaana ilaa hadda ay la’yihiin wadan qaabila oo magangalyo siiya.

Talyaaniga ayaa wuxuu Britain ka dalbaday in uu qaabilo qaxootigan oo tiradoodu guud gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean.

Markabka ay saaran yihiin qaxootigan aya waxaa ka dul babanaya calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain, sidaasi darteed ayuu Talyaaniga uu codsi ugu jeediyay UK.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga ayaa waxa ay ku taliyeen in la tixgeliyo xaalada ay ku sugan yihiin qaxootigan, waxayna ku baaqeen in la badbaadiyo dadkan, si noloshooda ay u sii wataan.

Afhayeen u hadashay Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Burssels ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, balse haweeneydan ayaa  raacisay in ay la xiriireen dalal badan ayna wadaan dadaalo lagu xalinayo arrintan.

Markabka The Aquarius oo bishii June ee sanadkan soo badbaadiyay illaa 630 qaxooti ah kadib markii ay iska soo celiyeen dalalka Talyaaniga iyo Malta ayaa dib u bilaabay toddobaadkii la soo dhaafay soo badbaadinta qaxootiga doomanka ka soo raacaya dalka Libya.