Home Blog Page 1161

Ciidanka Xoogga Dalka oo soo saaray Miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib-marko

0

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii Dambe Howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan Miinooyin nabad-diidka Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo JilibMarko.

Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Malleeyshiyaadka nabad-diidka Al-Shabaab iyo horjogayaal.

Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal, Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Xoogga Dalka halkaasi ka fuliyeen ay kusoo saareen Miinoyin ay nabad-diidku ku aaseen Waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan.

Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in nabad-diidka Al-shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen cadowga Al-shabaab.

Dhawaan degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan ku dhiirri geliyay inay sii Laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sidii ay Dalka ugu xoreyn lahaayeen haraadiga Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiirrada Ku Amray Dhamaystirka Qorsha Hawleedka Sanadka 2018

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.

Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Guddoomiye Yariisow iyo dhiggiisa Magaalada Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

0

Muqdisho (SNTV):— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Sonko, iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixinno dhinacyo badan taabanaya ka siiyey dhiggiisa magaalada Nairobi isbadellada dhinacyada horumarka ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray iyo sida ay muhiimka u tahay in labada dhinac ay sameystaan iskaashi ku qotoma danaha labada Caasimadood.

Eng. Yarisow ayaa xusay in magaalada Muqdisho oo ahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda san Afrika ay xiligan ku jirto dib-u-soo kabasho, lagu soo celinayo kaalintii ay caalamka ku lahayd, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Caasimadaha kale ee dalalka dariska ah ay uga daydaan horumarrada kala duwan.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey bushada Kenya sida walaaltinimada ah ee ay u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in magaalada Nairobi ay door muhiim ah ka qaadatay dib-u-soo-celinta Dawladnimada Soomaaliya, iyadoo lagu qabtay shirar door ah oo dib loogu unkayo Dawlad Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa bogaadiyey qorsheyaasha dib-u-soo-kabashada iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xustay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan soo celinta bilicdii ay Muqdisho caanka ku ahayd.

Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay

0
Muqdishp- (SNTV)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka   Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah qabatay munaasabad lagu daah-furayay Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka warbixiyay hawshii soo qabsoontay ee la xiriirtay carabiyaynta Dastuurka KMG ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah oo loo turjumay Afka Carabiga.

Dhanka kale, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Xamud Bin Samraan ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed la garabtaaganyihiin caawinaad joogta ah, gaar ahaana inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka.

“Waxa aan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ku ammaanayaa hawsha baaxadda leh ee ay dadka Soomaaliyeed u heyso, waxaan u mahadcelinayaa guddiga Soomaaliyeed ee muddo afar bil ah ka shaqeeyay in Dastuurka KMG ah ee JFS loo turjumo Afka Carabiga. Waxa aan idinku taageereynaa howsha adag ee dadka Soomaaliyeed aad u heysaan ee ah dhameeystirka Dastuurka KMG ah” ayuu yiri Safiir Xamud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka.

“Marka hore waxaan ka mahadnaqeynaa dedaalka iyo waqtigii uu Safiirka Jaamacadda Carabta geliyay barnaamijka carabiyaynta Dastuurka; waa howl muhiim ah oo dhaxal u ah dadka Soomaaliyeed. Luqadda labaad ee dalka waa afka-carabiga sida uu Dastuurka uu qorayo, waxaanu ka shaqeyneynaa in Dastuurka uu noqdo mid Afka-carabiga muhiimad siiya” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu damabayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee JFS oo ku qornaa Afka-Carabiga.

NISA oo qabatay shaqsigii soo maleegay weerarkii Hotel Saxafi

0

Muqdisho (SNTV)– Barta twitter-ka Hey’adda ayaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo kooban, waxa uuna u qorna sidatan

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga”.

Ciidamada amniga ayaa dadaal ugu jiro sidii ay uga hor tegi lahaayeen ficillada kooxda Alshabaab, waxa ay sidoo kale dadaal ugu jiraan sidii ay u soo saari lahaayeen dhacdooyinka dhuumaaleysiga ah oo ay kooxdu sameyso.

Mareykanka oo faah faahiyay khasaaraha Alshabaab ka soo gaaray duqeymihii ugu dambeeyey

0

Africom (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay weeraro dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya,maalmihii la soo dhaafay,iyagoo ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyada Alshabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in ilaa 6 weerar ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug Bishan November,duqeymahaasi oo lagu dilay ilaa 55 ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan koxda ALshabaab.

Weerarkii ugu dambeyeey ayaa talisku sheegay in lagu dilay ilaa 3 xubnood oo ka tirsan argagixisada Alshabaab,iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgaladaasi si Alshababa looga difaacayo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sido kale qoraalkaasi lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen weeraradasi iyagoo ka feejigan in aan wax dhibaato ah soo gaarin shacabka,taasina lagu guuleystay.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 36 weerar uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa,kuwaasi oo ujeedku ahaa burburinta iyo beegsiga xarumaha iyo maleeshiyada ALshabaab.

Maleeshiyada Alshabaab oo isaga cararay degmada Xaradheere

0

Muqdisho (SNTV)- Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa Wararka Naga soo gaaraya waxa ay sheegayaa in Maleeshiyaadka Alshabaab ay isaga bexeen degmadaasi kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu beegsanayo koxdaasi ee ka socda deegaanada Gobolkaasi.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameeynay ayaa waxa ay  xaqiijiyeen in Maleeshiyaadka Alshabaab ay halkaasi isaga bexeen,waxaana cidlo ah Saldhiga Degmada Xarunta Degmada iyo Goobo kale oo Argagixisada Fariisimo u ahaa in ka badan Toban Sano, Dadka ayaana waxa ay sheegayaan in ay galeen Dhulka Howdka ah.

Ka bixitaan Maleeshiyaadku ka bexee Degmada xarar-dheere ayaa loo sababeeyey Laba Arimood kuwaa soo kala ah iyagoo aad ay u baqdin galisay Duqaymihii isdaba jooga ahaa ee lala beegsaday Kooxda iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo ku wajahan Aagaas taasina waxa ay sahashay in Maleeahiyaadka uu soo wajaho Qalqal xoogan.

Dhinaca kale Maleeshiyaadka ayaa Xalay khasaare lagu gaarsiiyey Duqayn lala beegsaday 48kii saacadood ee la soo daafay,kadib duqeymo lagula beegsaday qeybo kamid ah Deegaanno hoostaga Degmada Xaradheere.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyay howlgalada isugu jira weerarada tooska ah iyo duqeynta xagga cirka ah,taasi oo keentay in cabsi xoogan ay soo wajahdo koxda Alshabaab.

By: Mohamed Abdi Mohamed

Duqa Muqdisho oo Nairobi kula kulmay Madax Kala duwan

0

Muqdisho (SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Danjiraha Dalka Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Donald Y. Yamamoto iyo Madaxa USAID Jeffry Bakkan.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Danjire Yamamoto horumarrada kala duwan ee uu ku tallaabsaday Gobolka Banaadir, dadaallada dib u dejinta barakacayaasha, caqabadaha jira ee la xiriira dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulka ee ku qotama dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjiraha ayaa ku bogaadiyey maamulka Gobolka Banaadir qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan, waxa uuna tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho iyo Madaxa USAID ayaa ka wada hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen shaqo abuurka dhalinyarada Caasimadda iyo dhismaha golleyaasha deegaanka ee dhowaan la qorsheynayo in la hirgeliyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan kale la qaatay Danijiraha Dalka Denmark u fadhida Soomaaliya Marwo Mette Knudsen iyagoona ka wada hadlay dardar gelinta taageerada Dalkaas ay u fidiyaan Gobolka Banaadir in ay ballaariyan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa safar shaqo ku jooga dalka Kenya, halkaas oo uu kulammo ku saabsan dardar gelinta barnaamijyada horumarineed ee Caasimadda uu la yeelanayo Madaxda iyo masuuliyiinta Beesha Caalamka iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye Ku-xiggeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiye Ku-xiggeenka dhanka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Koontaroolada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska ee ammaanka Muqdisho ay ka sugaan.

Guddoomiye Ku-xiggeenka ayaa tagay Koontaroolada kala ah Waxar Cadde, Daaru Salaam Galgala, iyo Gubadleey halkaasi oo Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Koontaroolo ay ku baaraan gaadiidka.

Ujeedada Kormeerka ayaa ahaa qiimeyn guud oo ku aadan sida Ciidamada ay halkaasi uga shaqeeyaan, waxaana uu dhiirageliyay ciidamada Booliska ee u taagan Suggida ammaanka Muqdisho ee Koontarooladaasi ku soo arkay.

“Waxaan maanta duhurkii kormeer ku tagay ciidamada ku sugan checkpoint yada magaalada laga soo galo gaar ahaan Galgalato iyo gubadley iyo waxar cadde iyo xaafadda daaru salaam halkaas oo ay ka hawlgalaan ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir.”

“Waxaan ku soo arkay ciidan heegan ah habeen iyo maalin una taagan qoraxda sidii ay dadka magaalada dagan nabadgalyo ugu seexan lahaayeen waxaana ku dhiirigeliyay shaqada ay u hayaan Qarankooda.” Ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Tuulax.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday dardargelinta qorshaha suggida & kormeerka ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo Gudoomiye Tuulax inta badan uu kormeer ku sameyay Degmooyinka Muqdisho oo isbedel amni wayn laga dareemaayo.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa

0

Muqdisho (SNTV)-Wafdi ka socda Guddiga Nabadgalyada iyo Amniga Midowga Afrika oo soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare iyo Golihiisa Wasiirada waxa ay la qaateen kulan.

Kulankaan ayaa looga hadlay Xoojinta Ammaanka Hirshabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaayeen dar dargalinta Howlgalada ay ka wadaan ciidamada AMISOM dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac Amniga iyo sidii Hirshabelle looga gacan siin lahaa xoojinta Amniga, sidoo kalena ay dhageystaan baahiyaha iyo caqabadaha dhinaca amniga ah ay qabaan.

Maxamed Idiris Faarax, Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hoggaaminayay ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle sharaxaad ka siiyay, ujeedka safarkooda, isagoo xusay in ay salka ku heyso siddii si dhab ah looga shaqeyn lahaa horumarinta dhinaca Amniga Hirshabeelle, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay.

Sidoo kale wuxuu ammaanay doorka ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Itoobiya ee xaqiijinta Amniga iyo naftii hurnimada ay kaga howlgalaan, wuxuuna bogaadiyay shaqada Hufan ay dadka iyo dalka u hayaan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir, ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabelle dadaalka uu ugu jiro Hirshabelle oo Horumar iyo Amni buuxa gaarta, sidoo kalena uu sheegay dadku in ay ku dhiiran yihiin in Amni ay gaaraan, si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay, ka AMISOM ahaan in ay qorsheynayaan in ay balaariyaan howlgalada Hirshabelle laga sameynayo kaasi oo lagu ciribtirayo argagaxisada islamarkaana la isugu furayo wadooyinka kala xiran ee Dowlad Goboleedka.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, si qotodheer kaga hadlayay baahiyaha dhinaca amniga ah ee ka jira Hirshabelle, waxaana uu dul istaagay wadooyinka kala xiran oo cadowgu kala go’doomiyeen bulshada taasi oo caqabad ku ah Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabeelle.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kaga mahad celiyay wafdigaani heerkiisu sareeyay booqashada ay ku yimideen Beledweyne, waxaana uu ka dalbaday in si deg deg loo fuliyo howlgalada la qorsheynayo in laga sameeyo Hirshabelle.