R/wasaare Kheyre oo xalay kormeer ku sameeyey qeybo kamid ah Muqdisho+sawirro

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka oo uu maamulka Gobolka Banaadir  ka wado Howlaha Nadafadeed, wuxuuna qaybo ka mid ah meelihii uu booqday kula soo qaatay kulamo xog wareysi ah  Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana indhahiisa ugu arko  sida ay u socdaan howlaha dardar galinta bilicda iyo nadaafada Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre  kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen   in ay socdaan  howlo lagu  xoojinayo   nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso  si loo helo Caasimad  bilic iyo amni leh.

Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa  xusay in dowladda  muhiimada weyn siinayso  Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa  kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu  la qaatay dadkii ku caweynayey  waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan.

Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey  dowladnimada iyo dal jaceylka,islamarkaana ku bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa u taagan ilaalinta dowladnimada. Tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u  horseedaysaa in ay helaan mustaqbal wanaagsan oo ay kula tartamaan dadka asaagooda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...