Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, (SNTV):-Kulanka saaka ka dhacay xafiiska Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan Salvatore Garang ayaa waxaa yeeshay Wasiirka iyo Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo ay wehliyaan Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba iyo la taliyaha ganacsiga ee safaarada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Kulankaas waxaa lagu gorfeeyay sidii lacagaha qalaad loogu fududeyn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata iyo dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta isticmaalka bankiyada dalkaas oo waqti soo jiitameysay, iyadoo kulanku uu qayb ka ahaa kulamo badan oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba ku nool oo mas’uuliyiinta safaaraddu ay la yeelanayeen Madaxda wadanka Koonfurta Suudaan

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa Wasiirka ka dalbaday in loo fududeeyo ganacsatada adeegyada ay u baahan yihiin ee la xiriira ganacsigooda, isla markaana dowladdu xaliso culeysyada ay la kulmaan, waxaana guddiga ganacsatada  ay gudbiyeen dhankooda cabashada waxaana Wasiirku Maaliyadda balan qaaday in si dhaqso ah ay dowladu uga jawaabeyso cadsiga kaga yimid safiirka iyo Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan ayaa horay kulan uu xal ugu raadinayo arrimahaan, waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda, Ganacsiga, arrimaha gudaha iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...