Home Blog Page 1131

Is-beddelka cimillada Soomaaliya oo laga digay

0

Muqdisho-(SNTV)-Qubaro xagga degaanka ah oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka digtay Khatarta ay leedahay is-beddelka Cimillada Soomaaliya, iyadoo sidii kalena baaq arrintaasi ku aaddan u diray Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cumar, oo ka mid ah Madaxda hay’adda Conservation of Somalia, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay jirto halis xagga degaanka oo halis ku ah Cimillada Dalka, isagoo taasina ku macneeyay Wasakhowga Hawada oo ay ugu wacan tahay isticmaalka Baabuurta oo u badan kuwo aad u gaboobay, Wershadaha yar-yar, gubista Qashinka oo aan lagu asturin halkii loogu talagalay.

Dowladda Soomaaliya ayuu usoo jeediyay Qabiirku in ay xakamayso dabagalna ku samayso Gaadiidka soo degayo, Shidaalka ay isticmaalayaan, Matoorrada kala duwan iyo goobaha la dhigayo, meelaha lagu gubo qashinka, isagoo Bulshadana ku boorriyay in ay Gacn buuxda ku siiyaan Dowladda xilna iska saaraan ilaalinta Degaanka, si ayan ugu iman Cudurro anay aqoon oo ka dhasha Wasaqowga Hawada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

0

Gaalkacyo-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, C/rizaaq Xaashi Cartan, Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Federaalka ee Galmudug, G/sare; Cabdi Jaamac C/lle  (Xabeeb) iyo Saraakiil kale ayaa kormeer howleed ku tegey xarunta taliska qaybta Boliiska ee Gobolka Mudug.

Kormeerkan oo uu ujeeddadiisun ahaa dar-dar gelinta howlaha ammaanka ee Gobolka, ayaa waxay mas’uuliyiintu ku tageen xarunta Taliska qaybta Boliiska Gobolka Mudug, halkaasoo ay ku jiraan ku dhowaad 260 Askari oo ka mid ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ka howl-gala Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Federaalka ee Galmudug, G/sare; Cabdi Jaamac C/lle  (Xabeeb) ayaa sheegay in uu ujeedkoodu ahaa wax ka ogaashaha halka ay marayaan howlaha shaqo ee Ciidanka, sixidda wixii qaldamay iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshayaasha lagu sugayo ammaanka ee Sanadka 2019-ka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, C/rizaaq Xaashi Cartan, ayaa isna sheegay in uu Boliisku yahay midka ay Bulshadu kusoo hirato, Tuutaha uu sitana ay astaan u tahay sugidda nabad-gelyada, sidaas darteedna looga baahan yahay in ay dhowraan anshaxa, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeysta.

Mudane, Cartan ayaa ku ammaanay Ciidanka Boliiska Federaalka ee ka howl-gala degaannada Galmudug Waddaniyad iyo fir-fircooni, wuxuuna kula dar-daarmay dulqaad iyo adkaysi in ay u yeeshaan shaqada culus ee hor taalla.

Danjiraha JFS ee Dalka Suudaan oo ka tacsiyeeyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan

0

Khartoum (SNTV) Jannaayo 17, 2019; Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Axmed  Shoole oo xafiiskiisa ku qaabilay ehelada iyo qaraabada muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan ayaa uga warbixiyey xogta rasmiga ah ee laga hayo falkan iyo dadaallada ku qotoma arrinkan ee Safaaraddu ay waddo.

Danjire Shoole ayaa u tacsiyeeyay qoyska iyo qaraabada marxuum Cabdisamad Batuun Kaahin, kuwaas oo ka soo kicitamay magaalada Hargaysa  si ay goob joog uga noqdaan hannaanka sharci ee socda, kaalintoodana ay uga qaataan dhammeystirkeeda.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa bogaadiyey sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ay u soo dhaweysay ehelada iyo qoyska marxuumka ee soo gaaray Khartoum, isagoona tilmaamay in Safaaraddu ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteenna ku sugan dalka Suudan.

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ayaa uga mahadceliyey Safiirka soo dhaweynta wanaagsan iyo sida masuuliyadda leh uu ugu istaagay dhibkii dhacay.

Dowladda Suudaan ayaa gacanta ku haysa eedaysanaha dilkan ku lug leh oo isna ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona ay socdaan baaritaannada la xiriira iyo tallaaboyinka sharci ee lagu wajahayo. 

Wasaaradda Qoraheynta XFS oo shir Wada-tashi ah la yeelatay Hay’adaha kala duwan ee Dawladda

0

Muqdisho (SNTV)-Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  Wada-tashi ah oo ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9aad) la yeelatay Hay’adaha Dawladda iyo hay’adaha kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

 Waxaa goobjoog ka ahaa Shirkaan Wada-tashiga ah Wasiir Lu-xiggeenada Wasaaaradaha Qorsheynta iyo Maaliyadda ee XFS, Agaasimeyaasha Guud  ee Wasaaradaha Dawladda iyo Agaasinka Qorsheynta hay’adaha dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaiya  Fahma Axmed Nuur ayaa sheegtay in ahmiyad weyn uu dalka u leeyahay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad  ballaaran siinanayo yareenta Faqriga,geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Prof: Cabdulaahi Shiekh Cali (Qaloocow ) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa  ku ammaanay Wasaaradda Qorsheynta sameynta Qorshaha horuamarinta Sagaalaad (QHQ9aad),  isaggoo tusaalooyin ka baxiyay qorshooyinkii hore ee dalka  loo sameeyay ee gaarayay ilaa sideed Qorshe oo yeeshay Dalka Soomaaliya iyo faa’iidooyinka laga dhaxlay, islaamrkaana ahmiyada dalka u leeyahay qorshaha sagaalaad ee xooga saarayo yareenta faqriga, Saboolnimada, geedi socodka deyn cafiska iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ugu dabeyn hay’adaha dawladda ee ka qeyb galayay wadatashigaan ayaa koox koox uga hadlay  tubaha uu ka koobahan yahay Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalaad (QHQ9aad) , isla markaana soo badhigay talooyin dhaxal gal u ah diyaarinta qorshaha Horumarinta Qaranka sagaalaad.

Madaxweyne Farmaajo oo duubabka dhaqanka kala hadlay hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  oo kulamo wadatashi ah kula qaatay Magaalada Baydhabo Odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi.

Madaxweynaha,ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, iyagoo la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay ka qabaan dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira Gacanta argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii Labaad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya hoggaanka iyo waxgaradka degaanka.

Boliiska Kenya oo Hotelka Dusit2d ka helay walxaha qarxa

Nairobi-(SNTV)- Boliiska Dalka Kenya ayaa halkii uu weerarka argagixiso ka dhacay Talaadadii Todobaadkan ee Dusit2d Hotel ka helay walxaha qarxa.

Warkan oo lasoo dhigan Bogga Twiter-ka ee Ciidanka Boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in la dhigay mid ka mid ah xafiisyada Hoteelka, waxanay Dad weynaha ku war geliyeen inaysan welwelin xilliga ay iyagu qarxinayaan Bamkan.

Dhinaca kale, hay’adda Laanqayrta Cas ee Dalka Kenya ayaa sheegtay in Dadka ku dhintay weerarkii ay Al-shabaab ka geysteen halkaasi ay ku dhinteen 21 Qof 19 kalena la la’yahay, iyadoo haatanna ay socdaan baaritaanno dheeri ah.

Isha/ Agencies

Madaxweyne Farmaajo oo khadka telfoonka kula hadlay dhigiise Uhuru Kenyatta

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Kenya iyo shacabka ug atacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay Dusit2d hotel ee magaalada Nairobi.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo in uu khadka telfoonka kula xiriiray madaxweynaah Dalka Kenya Uhuru Kenyatta,una muujiyay in ay Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii la isaga kaashan lahaa cirirtirka falalka argagixisanimo.

Weerarkii lo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas ayaa khasaaruhu wuxuu gaaray ilaa 21 qof,19 kale oo la la’layahay iyo 700 oo qof oo laga soo badbaadiyay weerarkaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya.

Dowladda Qadar oo Gaadiid Ciidan ugu deeqday Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga  iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar.

General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen  Gawaaridaan Gaashaman.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay.

Dowladda Federaalku oo xoojineysa wada shaqeynta ay la leedahay Dowlad Goboleedyada

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad Xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum, Maxamuud Yuusuf Muuro, oo ahaa halgamaa ka tirsanaa Ururkii gobonnimo doonka ee SYL, Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray Naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii Gumeystaha.

Intaas keddib, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in Sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada sidii loo dar-dargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka Dowladnimada Soomaaliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan, waxaan rajaynayaa Sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan Shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin Dowlanimadan iyo Qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Al-shabaab ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , oo weli ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga XFS oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha Gudaha Turkiga

0

Ankara (SNTV) Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaalee) oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.

“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga dhanka horumarka arrimaha gargaarka bani’aadanimo iyo sugidda ammaanka”. Ayuu yiri wasiir Soylu.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa muujiyay sida ay uga wada qanacsanyihiin oo ay u rumeysan yihiin heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dowlad Soomaaliya iyo Turkey sanadkii tagay ee 2018,waxaana wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Mr Soylu uu sheegay in xiriirka Soomaaliya kala dhexeeyo uu ka weynyahay mid diplomaasiyadeed oo qura balse uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ku dhisan,wuxuuna xusay in taariikhda ay baal dahab ah ka geli doonaanan labada dhinaca.

Maxamed Abuukar Islow(Ducaal) Wasiirka arrimaha amniga XFS ayaa dhankiisa ka hadlay dowrka Turkiga ee garab istaaga Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba ma iloobayso caawinaadii iyo garab istaagii Turkiga ee arrimaha bani’aadanimada sanadkii 2011,waana dowladii ugu horeysay oo talaabadaasi qaado,ilaahay ayaana ka abaal marin doona kaalintooda”. Ayuu yiri wasiir Islow.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ku casuumay Wasiir Soylu in uu soo booqdo Soomaaliya,iyadoo uu aqbalay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga casuumaadaasi.

Ugu dambeyn Wasiir Islow ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in kaalinteeda ay ka soo baxdu hadii ay dhacdo in walaalaha Turkigu ay maalin u baahdaan caawinaad iyo garab istaag.