Home Blog Page 1130

Wasiirka Qorsheynta XFS oo si rasmi ah xariga uga jaray xafiiska Hay’adda (IOM) ee Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Qorasheynta oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee  Wasaaradda iyo Madaxa Hay’adda muhaajiriinta Aduunka International Organization Immagracration (IOM) ayaa maanta si rasmi ah Xariga uga jaray Xafiiska Soomaaliya Hay’addan.

IOM Xafiiskeeda Soomaaliya ayaa in muda ah ku yaalay Dalka Kenya,halkaas oo shaqadeeda ay kaga Maamuli jireen, waxayna Sabab u tahay soo guurida IOM in ay ka jawaabtay go,aankii Xukuumada ee ahaa in dhamaan Hay’daha ka shaqeeyo Arrimaha Soomaaliya in ay xafiisyadooda in ay ka furaan dhulka Soomaaliyeed,Waa talaabo xoojinayso heygalka Dowladnimada,Isla Xisaab oo lagu ogaanayo shaqada ay hayaan.

Wasiirka Qorahsyenta Jamaal Maxamed Xasan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda  Cabdulqaadir Maxamed Aadan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay furitaanka xafiiskani,waxayna ku tilmaameen talaabo dhanka horumarka ah loo qaaday.

Waxaana furitaanka Xafiiska Hay’adda Socdaalka Aduunka International Organization Immagracration(IOM) fursad u abuuraysaa dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed iyo kobaca Dhaqaalaha.

Waxaa sidan oo kale dalka dib ugu furtay xafiisyadooda ilaa dhowr hay’adood oo ka jawaabay baaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

W/Q :Abdirashid Nor.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka Turkiga

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  maanta heshiis is-afgarad ah la saxiixday Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka Turkiga.

Heshiiskaan oo uu dhinaca Dawladda Turkiga u saxiixay Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Turkiga prof. Zühtü ayaa waxa uu albaabka u furayaa xiriir cusub oo labadda Maxkamaddood yeeshaan.

Labada Masuul ayaa Sidoo kale waxay kulan saacado qaatay ku wada yeesheen  Xarunta Maxkamadda Dastuuriga ee dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr oo quseeya labada dhinac.

Heshiis is-afgaradka ah ee ay wada saxiideen Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Turkiga prof. Zühtü ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Sooyaalka madaxweynaha la doortay ee Koofur Galbeed Soomaaliya

0

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Wuxuu ku dhashay degmada Baydhabo sanadkii 1968kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose dhexe wuxuu kusoo qaatay degmooyinka Baydhabo iyo Luuq, dugsi sare iyo Jaamacadna Magaalada Muqdisho.

Waa aabe dhalay 3 caruur ah, lehna hal xaas, wuxuu kasoo mid noqday ardaydii Gurmadka Qaran, wuxuuna dabayaaqadii sideetamaadkii ka mid ahaa macalimiintii dugsiyada sare.

Intii u dhaxaysay 1991 illaa 2000 wuxuu qayb ka ahaa Isbed-bedeladii siyaasadeed ee deegaannada KGS, waxaana uu Dowladihii Kumeel gaarka ahaa iyo kuwii ka dambeeyayna kasoo qabtay xilal kae duwan.

1. 2007dii Wuxuu dowladii AU Cabdullaahi Yuusuf soo noqday Agaasime kuxigeenka Furdooyinka Muqdisho.

2. Wuxuu muddo 3 goor ah soo noqday Xilbaan Qaran

4. 2008 Xukuumadii RW Nuur Cadde Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

5. 2009 Xukuumadii RW Cumar C/rashiid Wasiirka Dakadaha Iyo Gaadiidka Baddaha.

6. 2010 Mar kale Xukuumadii RW Cumar C/rashiid Wasiirka Xanaannada Xoolaha.

7. 2011 Xukuumadii R/ Farmaajo W. Kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, xilkaas wuu iska casilay.

8. 2011 Xukuumadii R/ Farmaajo W. Dowlaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska

9. 2014 Xukuumadii RW Cabdiweli Shiikh Dowlaha kaluumaysiga iyo khayraadka badda.

10. 2017 Xukuumadda RW Xassan Cali Kahyre W. Dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

11. 2018 Xukuumadda RW Xassan Cali Khayre Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya oo uu iska casilay 05tii Nov 2018

Cabdicasiis Xassan Maxamed Wuxuuna maantay noqday Madaxwaynihii 2aad ee KGS 4ta sano ee soo socota. Wuxuuna ku guulaystay wareegii 1aad isoo helay 101 cod ka dib tartan ay la galeen 4 murashax.

Mareykanka oo ku dhawaaqay kaalmo cusub oo Soomaaliya lagu taageeri doono

0

Labadii bishan ayaa dowladda Mareykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale Hey’adda kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay  siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in  Soomaaliya  ay ka caawin doonaan dhanka;  gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka   ka soo  baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya,

$420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka  Soomaaliyeed.

Shaqo abuurka: Mareykanka  ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600  oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen  taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono   si shaqooyin badan loo u abuuro.

Geedi socodka deen cafinta: Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.

Waxbarashada: Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa  meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed  iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

Maamulka iyo Xasilinta dalka : $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.

 

Haweeneey u dhalatay Dalka Yemen oo loo diiday inay booqato Wiilkeeda oo ku xanuunsanaya Mareykanka

0

Ehellada Haweeyey Yemaniyad ah oo uu Wiiilkeeda ku xanuusanayo Isbitaal ku yaal Gobolka Kaliforniya ee Dalka Maryeykanka ayaa la sheegay in Dowlada Mareykanka ay u diidday Fiisaha Dal ku galka, si ay u booqato Wiilkeeda .

Qoyska Haweynadan ayaa caddeeyay in tallaabadaasi ay la xiriirto go’aan ka mamnuucaya Fiisaha Dalka ku galka Maraykanka oo uu hore Madaxweyne Donald Trump u saaray muwaadiniinta qaar ka mid ah Dalalka Carbeed , oo ay  Yemanna ka mid tahay.

Cabdalla Xasan oo Laba Sana ah, ayay Dhaqaatiirta la tacaalaysa ka deyrinayaan xaaladdiisa Caafimaad, iyagoo sheegay in ay adag tahay inuu ka badbaado xanuunka haya oo ah xagga Maskaxda.

Qoyska Cabdalla Xasan, ayaa sheegay in Hooyada dhashay ay rajeyneyso in mar uun ay nolol ku aragto Wiilkeeda, ka hor inta Dhaqaatiirtu aysan ka siibin qalabka neefsashada oo iminka  suran , waxayna intaa raaciyeen in tallaabada Haweeneydani loogu diiday Fiisaha ay la xiriirto go’aan hore uu Madaxweyne Trumo,  Dalkiisa kaga mamnuucay inay galaan muwaaddiniinta ka soo jeedda qaar ka mid ah Waddamada Carbeed ee Bariga dhexe.

Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka

0

Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Baku ee caasimadda dalka, Azerbaijan shirka 5aad ee Xildhibaanadda Adduunka (Fifth Global Conference of Young Parliamenterians). Shirkan waxaa si wadajir ah,usoo Qaban qabanqaabiyay Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka dalka Azerbaijan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dhalinyarada dunida, caqabadaha hasyta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga dhalinyarada ee Baarlamaanada dunida. Boqolkiiba labo (2%) kaliya ayaa lagu,qiyaasaa hadda dhinyarada xildhibaanada ee baarlamaanada kala duwan ee  dunida, Sidoo kale qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa dowlad wanaaga,isbaddalka Cimilada Adduunka (Climate Change) iyo doorka dhalinta.

Senator Hodan Osman iyo Senator Saciid oo ka socday Aqalka Sare ee dalka ayaa ku matalay Baarlamaanka Soomaaliya shirkan oo muddo labo maalin  ka socday dalka Azerbaijan.

 

 

Wasaaradda Amniga XFS oo shaqo joojin ku sameysay Shirkadda Sahan Research

0

Muqdisho SNTV:-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba shaqada laga joojiyay, isla markaana dalka laga mamnuucay inay kahowlgasho shirkadda Sahan Research, taasi oo ay ku socoto baaritaano xagga amniga.

Hadaba linkiga hoose ka Akhriso amarka Wasaaradda Amniga

Warsaxaafadeed-Sahan-Research

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo Caawa Kulmay

0

Muqdisho SNTV:-Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo Caawa Kulan yeeshay ayaa isku fahmay dhameynta xaaladaha hadda jira.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Laamaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxwaynahay Jabuuti+Sawirro

0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Bjibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wsiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

0

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.

Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Labadiisa ku-xigeen iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay Shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan yihiin iney tahay Qudus waligeedna ahaaneyso.

Shirkan oo ah kii Labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,waxaana ka soo qeyb galay 70-Dowladood,kuwaasi oo dhammaantood aragti ka dhiibtay shirka.