Boliiska Kenya oo Hotelka Dusit2d ka helay walxaha qarxa

Date:

Nairobi-(SNTV)- Boliiska Dalka Kenya ayaa halkii uu weerarka argagixiso ka dhacay Talaadadii Todobaadkan ee Dusit2d Hotel ka helay walxaha qarxa.

Warkan oo lasoo dhigan Bogga Twiter-ka ee Ciidanka Boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in la dhigay mid ka mid ah xafiisyada Hoteelka, waxanay Dad weynaha ku war geliyeen inaysan welwelin xilliga ay iyagu qarxinayaan Bamkan.

Dhinaca kale, hay’adda Laanqayrta Cas ee Dalka Kenya ayaa sheegtay in Dadka ku dhintay weerarkii ay Al-shabaab ka geysteen halkaasi ay ku dhinteen 21 Qof 19 kalena la la’yahay, iyadoo haatanna ay socdaan baaritaanno dheeri ah.

Isha/ Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...