Madaxweyne Farmaajo oo khadka telfoonka kula hadlay dhigiise Uhuru Kenyatta

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Kenya iyo shacabka ug atacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay Dusit2d hotel ee magaalada Nairobi.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo in uu khadka telfoonka kula xiriiray madaxweynaah Dalka Kenya Uhuru Kenyatta,una muujiyay in ay Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii la isaga kaashan lahaa cirirtirka falalka argagixisanimo.

Weerarkii lo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas ayaa khasaaruhu wuxuu gaaray ilaa 21 qof,19 kale oo la la’layahay iyo 700 oo qof oo laga soo badbaadiyay weerarkaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...