Is-beddelka cimillada Soomaaliya oo laga digay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Qubaro xagga degaanka ah oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka digtay Khatarta ay leedahay is-beddelka Cimillada Soomaaliya, iyadoo sidii kalena baaq arrintaasi ku aaddan u diray Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cumar, oo ka mid ah Madaxda hay’adda Conservation of Somalia, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay jirto halis xagga degaanka oo halis ku ah Cimillada Dalka, isagoo taasina ku macneeyay Wasakhowga Hawada oo ay ugu wacan tahay isticmaalka Baabuurta oo u badan kuwo aad u gaboobay, Wershadaha yar-yar, gubista Qashinka oo aan lagu asturin halkii loogu talagalay.

Dowladda Soomaaliya ayuu usoo jeediyay Qabiirku in ay xakamayso dabagalna ku samayso Gaadiidka soo degayo, Shidaalka ay isticmaalayaan, Matoorrada kala duwan iyo goobaha la dhigayo, meelaha lagu gubo qashinka, isagoo Bulshadana ku boorriyay in ay Gacn buuxda ku siiyaan Dowladda xilna iska saaraan ilaalinta Degaanka, si ayan ugu iman Cudurro anay aqoon oo ka dhasha Wasaqowga Hawada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...