Home Blog Page 1132

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim 

0

Muqdisho (SNTV)-Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo heystaa dilka  Marxuum  Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.

Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis  Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye  iyadoo  markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa.

Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018.

Ciidamada amniga  ayaa  ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna  24-ka bishii  12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen  in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee  caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto.

Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum  Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Baydhabo (SNTV)-Jannaayo 16, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV)-Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  Wada-tashi ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9) la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ahmiyadda  wadatashigaan ayaa ah diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalkeena yeelanayo, iyaddoo  lagu saleenayo yarenta Saboolnimada ama faqriga, waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka.

Inta uu socday wadatashigaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saaray qodabada kala ah  Qeexitaanka Saboolnimada , Qiimeynta Xaalada Saboolnimada ee Soomaaliya  iyo hanaanka loo kobcin karo dhaqaalaha dalka, islamrkaana shaqo abuur loo Sameyn lahaa,  tasi oo ay aad u boggaadiyeen Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS Mudane Asad Yuusaf Qanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in dawladda ay ka go’an tahay yarenta Saboolinimada iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Waxaan maaliintii labaad wadatashi la yeelaynay rugta ganacsatada Soomaaliyeed oo aan si wayn ugu wadatashanay geedi socodka diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horurmainta Qaranka sagaalaad (QHQ9aad), dawladda way ka go’an tahay yareenta Saboolnimada oo saldhig u ah Qoshaahan, sidoo kale waxuu horseed ka yahay geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya” ayuu yiri Asad Yuusaf Qanyare

Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaayay wadatashiga inuu yahay mid guul weyn dalka u horseedayo, taasi oo ay ku qeexeen muhiimada qorshaha horumarinta Qaranka tubaha saldhiga looga dhigay.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S\gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

S\gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general  Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmajo oo siweyn loogu soo dhaweeyey Baydhabo

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo,si ay uga qeybgalaan Caleema saarka Madaxweyaha K/Galbeed.

Waxaa ku so dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada magaaladaasi.

Wafdiga ayaa loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen,halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo madax kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,inta ay socoto munaasabadda caleema saarka,iyadoo la arkayay ciidamada amniga dowladda oo ku guda jira gudashada waajibaadkoodi oo la xiriira xaqiijinta amniga.

 

 

Madaxweyne Kenyatta oo shaaciyay tirada dhimashada weerarkii Dusitd2 hotel

0

Nairobi (SNTV)  Madaxweynaha dalka Kenya, Uhurru Kenyatta oo hadda shir jaraa’iid ku qabtay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ee DusitD2 hotel ee magaalada Nairobi.

Wuxuu intaa raaciyay in goobta laga soo badbaadiyay dad kor u dhaafaya 700 oo qof.

Mr Kenyatta ayaa ammaan u jeediyay ciidamada ammaanka ee Kenya oo sida uu sheegay caalamka tusay in ay ka adkaadeen argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadanka uu amni yahay, xaaladana ay ku soo laabatay sidii hore.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegaysa in dhaawacyo gaaraya ilaa 30 qof lagu dabiibayo xarumaha caafimaad,kuwaasi oo qarakood xaaladdi ay tahay mid aad u liidata.

Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi

0

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarka argagaxiso ee lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Madaxda iyo Maamulka Hay’adda Warbaahinta Afrika “Sawirro”

0

Khartoum (SNTV- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane C/risaaq Axmed Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxda iyo Maamulka Hay’adda Warbaahinta Afrika oo fadhigeedu yahay magaaladda Khartoum ee dalka Suudaan.

Safiika ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Warbaahinta Afrika, iyaggoona u soobandhigay qorshaha loo aas-aasay Telefashinnada kala duwan ee hoos yimaada oo uu kamid yahay mid ku hadla Afka Soomaaliga, waxa ayna ballan qaadeen inay kala shaqeyn doonaan Shacabka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya baahinta horumarka dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan ayaa uga mahad celiyey Maamulka Warbaahinta Afrika dadaalka ay hayaan, waxuuna sheegay in looga baahan yahay in ay xoogga saaraan siddii ay dadka Soomaaliyeed ugu iftiimin lahaayeen khatarta Argagixisada ay ku hayaan Shacabka, islamarkaana ay fursad siiyaan Culimada Soomaaliyeed in ay banaanka soo dhigaan fikirka gurracan ee nabad diidka Alshabaab, isagoona ugu baaqay in ay baahiyaan Caqabadaha heysta Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan,si ay ugu fududaato in ardayda ay qeyb uga noqdaan shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Sidoo kale, Safiirka ayaa ka codsaday Maamulka Warbaahinta Afrika in ay kaalin ka qaataan tayeynta iyo tababarrada wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo xarummaha Warbaahinta ee dalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray magaaladda Baydhabo

Muqdisho (SNTV)- Wafdi uu Hogaaminayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxman ayaa maanta Gelinkii Dambe gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud Airport Kusoo Dhaweyey Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cabdicasiis Lafta Gareen, Gudomiyaha Wakiilada Koonfur Galbeed Iyo Mas’uliyin Kale

Safarka Guddomiyaha ayaa ah Ka Qeyb Galka Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Filayo Maalinta Berri ah Inay Ka Qabsoonto Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.

Sidoo kale waxaa ku sugan Magaaladda Baydhabo Masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland, guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ka qeyb gali doona Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Dawlad goboleedka Koofur galbeed.

Ciidan dhawaan Tababar loo xiray oo duleedka Muqdisho kusoo bandhigay Dhoola-tus Ciidan

0

Muqdisho (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Abaanduullaha Ciidanka XDS S/guuto Odowaa Yuusuf Raage,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa maanta ka qeyb galay dhoolatus Malatari oo ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaasi oo loo diyaariyey la dagaalanka Maleeyshiyada  Kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dhoola-tuska sameynayey  ayaa soo Bandhigay Dabrid iyo xirfadaha kale ee dagaalka oo ay barteen muddadii tababarka uu u socday.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf  Raagge ayaa sheegay in Ciidankaan ay Muddo qadaanayeen tababaro kala duwan, isla markaana loo carbiyay la dagaalanka Maleyshiyada Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu Tilmaamay in uu aad ugu farxay dhoola-tuskii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen Ciidanka, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.