Dowladda Qadar oo Gaadiid Ciidan ugu deeqday Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga  iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar.

General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen  Gawaaridaan Gaashaman.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...