Wasaaradda Qoraheynta XFS oo shir Wada-tashi ah la yeelatay Hay’adaha kala duwan ee Dawladda

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  Wada-tashi ah oo ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9aad) la yeelatay Hay’adaha Dawladda iyo hay’adaha kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

 Waxaa goobjoog ka ahaa Shirkaan Wada-tashiga ah Wasiir Lu-xiggeenada Wasaaaradaha Qorsheynta iyo Maaliyadda ee XFS, Agaasimeyaasha Guud  ee Wasaaradaha Dawladda iyo Agaasinka Qorsheynta hay’adaha dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaiya  Fahma Axmed Nuur ayaa sheegtay in ahmiyad weyn uu dalka u leeyahay Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad  ballaaran siinanayo yareenta Faqriga,geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Prof: Cabdulaahi Shiekh Cali (Qaloocow ) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa  ku ammaanay Wasaaradda Qorsheynta sameynta Qorshaha horuamarinta Sagaalaad (QHQ9aad),  isaggoo tusaalooyin ka baxiyay qorshooyinkii hore ee dalka  loo sameeyay ee gaarayay ilaa sideed Qorshe oo yeeshay Dalka Soomaaliya iyo faa’iidooyinka laga dhaxlay, islaamrkaana ahmiyada dalka u leeyahay qorshaha sagaalaad ee xooga saarayo yareenta faqriga, Saboolnimada, geedi socodka deyn cafiska iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ugu dabeyn hay’adaha dawladda ee ka qeyb galayay wadatashigaan ayaa koox koox uga hadlay  tubaha uu ka koobahan yahay Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalaad (QHQ9aad) , isla markaana soo badhigay talooyin dhaxal gal u ah diyaarinta qorshaha Horumarinta Qaranka sagaalaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....