Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Date:

Gaalkacyo-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, C/rizaaq Xaashi Cartan, Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Federaalka ee Galmudug, G/sare; Cabdi Jaamac C/lle  (Xabeeb) iyo Saraakiil kale ayaa kormeer howleed ku tegey xarunta taliska qaybta Boliiska ee Gobolka Mudug.

Kormeerkan oo uu ujeeddadiisun ahaa dar-dar gelinta howlaha ammaanka ee Gobolka, ayaa waxay mas’uuliyiintu ku tageen xarunta Taliska qaybta Boliiska Gobolka Mudug, halkaasoo ay ku jiraan ku dhowaad 260 Askari oo ka mid ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ka howl-gala Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Federaalka ee Galmudug, G/sare; Cabdi Jaamac C/lle  (Xabeeb) ayaa sheegay in uu ujeedkoodu ahaa wax ka ogaashaha halka ay marayaan howlaha shaqo ee Ciidanka, sixidda wixii qaldamay iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshayaasha lagu sugayo ammaanka ee Sanadka 2019-ka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, C/rizaaq Xaashi Cartan, ayaa isna sheegay in uu Boliisku yahay midka ay Bulshadu kusoo hirato, Tuutaha uu sitana ay astaan u tahay sugidda nabad-gelyada, sidaas darteedna looga baahan yahay in ay dhowraan anshaxa, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeysta.

Mudane, Cartan ayaa ku ammaanay Ciidanka Boliiska Federaalka ee ka howl-gala degaannada Galmudug Waddaniyad iyo fir-fircooni, wuxuuna kula dar-daarmay dulqaad iyo adkaysi in ay u yeeshaan shaqada culus ee hor taalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...