Wasaaradda Qorsheynta oo wadatashi ku aadan Qorashaha horuarminta Qaranka la yeelatay Gudiga Miisaaniyada Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta wadatashi ku aadan geedi_socodka Qorashaha horuarminta Qaranka Sagaalaad la yeelatay Gudiga Miisaniyada,Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka JfS.

Ujeedada Wadatashiga ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa diyaaringta geedi socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad ee uu  wadatashi lagala yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed iyadoo maanta gudiga  ay soo bandhigeen talooyin xoojinayo diyaarinta qorshahaha. Waxaana kulanka goobjoog ka  ahaa xubnaha gudiga, Wasiirka Qorsheynta Amp Gamaal Maxamed Xasan iyo Howladeenada Wasaaaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Asad Yusuf Qanyare ayaa sheegay in maalmahan uu socday Wadatashiga Qorsaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad si uu noqday mid ay leeyahiin umadda soomaaliyeed talooyinkooda ka muuqdo.

Gudoomiyaha Gudiga Miisaaniyada,Maaliyadda iyo Qorsheynta Golaha Shacabka JFS  Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa bogaadiyay shaqada Wasaradda qorsheynta ee diyaarinta geedi socodka Qorshaha horumarinta Qaranka isla amrkaana tilmaamo ka baxiyay ahmiyada qorshaha sidoo kale sheegay in isku tahsi looga baahan yahay dadka Soomaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta ayaa tilmaantay in Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalad uu ahmiyadd wayn siinayo yarenta Saboolnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Xildhibaanada Gudiga iyo Madaxa Wasaaradda Ayaa is dhaafsaday aragti iyo talooyin la xariira hanaanka diyaarinta Qorshaha HoruarintaQaranka  Sagaalaad,qorshaha dib u kabashada Abaaraha ee RRF iyo bogaadin guud oo gudiga u soo jeediyeen Wasaaradda Shaqada adag ee dalka u hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...