Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ka yeelanaya socdaalka iyo isdhaafsiga Xogaha

Date:

Turkiga (SNTV):– Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xariirka iyo wadashaqeynta dalalka caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...