Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka

Date:

Baydhabo (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey ayaa Kulan is Xog-wareysi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed,

Gudoomiyaha ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka dhacay Koonfur-galbeed Maadaama ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed,

Odayaasha ayaa soojeediyay inay diyaar u yihiin nabadeynta iyo garab istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub ee Uu Yeeshay Maadaama ay filayaan inuu Wax Badan oo Horumar ah gaarsiinayo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha Waxay qireen in wixii dhibaata ah ee Ka dhacay Koonfur-galbeed Shacabka ay Ka gudbeen ayna Diyaar u yihiin Xal waliba inay Ka qeyb qaataan ,

Intaas Ka dib Gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala hadlay arrimihii ay Soo jeediyeen, Wuxuuna u jeediyay in Si deg deg ah ay u xalin doonaan dhamaan howlaha wax ka qabashada u Baahan,

“Waxaan Si gaar ah u dhinac istaagi doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba iyo dhamaan dhinacyada u baahan inay nala Shaqeeyaan Si daawa Loo Helo Waa in marka hore wixii dhibka Keenay aan Ka bilownaa ,

Gudoomiyaha yaa intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka,”

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka

” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa inaad tihiin tiirarkii dawladnimada runtii Waana La idin baahan yahay Waa in la idinka warqabaa anagoo ah Madaxdii Federaalkana Waan Ka Shaqeyn Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan,”ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...