Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan.

Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro.

“Waxaan maanta xafiiskeyga igu soo booqday Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi oo kamid ah culumada Soomaaliyeed. Waxa aan uga mahad celiyay ololaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka. Waa barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan dawr-kooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...