Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan.

Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro.

“Waxaan maanta xafiiskeyga igu soo booqday Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi oo kamid ah culumada Soomaaliyeed. Waxa aan uga mahad celiyay ololaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka. Waa barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan dawr-kooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...