Maleeshiyaad badan oo Argagixisada looga dilay Dagaal ka dhacay Baar-sanguuni

Date:

Baar-Sanguuni (SNTV) Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyay Weerar ay Malleeshiyaadka Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisimaha hore ee ciidanka ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyay 73 ka mid ahaa Argagixisada duulaanka soo qaaday ayaa weerarka lagu dilay, waxaa jira duqeyn xaga cirka ah oo tiro gaadiid ah looga gubay argagixisada, sida ay xaqiijiyeen Ilo muhiim ah oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni.

Gaari Malleeshiyaadka Alshabaab ay u diyaariyeen qaab aan xabadaha yar yar karin ayaa waxey ugu tala galeen in ay la beegsadaan buundada Baarsanguuni ee Ku dhow Degmada Jamaame, gaarigaas oo ay waxyaabaha Qaraxa ka buuxaan, balse Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...