Wasiir Beyle oo Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya uga mahadceliyay deymihii ay ka cafiyeen Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto saamaxaadda deymaha ee Caalamka intiisa kale.

Mr; Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka furmay Magalada Bayruut ee Dalka Lubnaan , ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada joogtada ah iyo meelmarinta qaraarrada la horkeeno Golaha, si loo taageero dedaallada socda ee fulinta qorshayaasha horumarinta Qaranka iyo cafinta Deymaha Soomaaliya.

“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda Carabta ee Dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu mahad celin u jeediyay, Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay Dalka in ay tahay 4.6 Bilyan oo Dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin Dowladaha Carbeed.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan ku ammaantay Dowladda Soomaaliya sida ay uga gudubtay wajiga koowaad ee sharuudaha deyn cafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...