Home Blog Page 1129

Shirka Hormarin warbaahinta dowladaha IGAD oo ka furmay Entebbe

0

Kampala (SNTV)-   Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda Waxaa saakay ka furmay shirka sannadlaha hey’adaha warbaahinneed ee waddamada ku jira urur gobolleedka IGAD  iyadoo  diiradda lagu saari doono isbadellada gobolka iyo iskaashiga warbaahinta  dalalkaas,soomaaliya waxaa shirkaas u matalayay Agaasimaha Waaxda

Qorsheynta ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Tifaftireyaasha Telefeshinka Qaranka  & Radio Muqdisho.

shirkaan waxaa qeybtii hore lagu qabtay dalka Ethiopia  sanadkii hore waxaa  diiradda lagu saaray horumarinta warbaahinta dalalka IGAD ,iyadoo sidoo kale la isku weydaarsado xogaha, iyo hab tabinta dhacdooyinka xasaasiga ah.

Shirkan ayaa socon doono afarta Cisha ee ina soo aadan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay Xuska 75aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0

Muqdisho, Diseembar 20, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.”

Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: ““Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kooxaha baambeyda, isboortiga, baarista dambiyada, ka hortagga qaraxyada, fannaaniinta iyo agoonta Booliiska ayaa dhoolatusyo kala duwan soo bandhigay intii ay munaasabaddu socotay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha iyo dhammaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, diblumaasiyiin ka socday safaaradaha kala duwan ee dalka iyo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wasiir ka tirsan xukumadda Kenya oo Maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarda iyo Isboortiga Soomaaliya,  Khadija Maxamed  Diriye, ayaa Muqdisho kusoo dhaweysay Maanta, Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Isboortiga hidaha iyo dhaqanka ee Dalka Kenya Mudane; Xasan Nuur Xasan. oo ay wasaaradeedu casuumaad rasmi ah u fidisay.

Wafdigan, ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeybgalay, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee XJFS mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Xildhibaano katirsan  Labada gole Baarlamaanka Soomaaliya, Dhallinyaro matalaayey xiriirrada Sportiga Dalka iyo Madaxdooda.

Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayey wafdiga ka yimid Dalka Kenya, ayey wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaalia Marwo,  Khadiijo Diiriye ka sheegtay wafdigan inuu qeyb ka yahay latashiyo wasaaraddu la sameyneyso Dalalka dariska ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha Waddanka.

Wasiir kuxigeenka Isboortiga hiddaha iyo dhaqanka ee Dalka Kenya, Mudane; Xasan Nuur Xasan, ayaa sheegey imaatinka Muqdisho inu ku faraxsanyahay , muddada uu joogana wadatashiyo la xariira  horumarinta ciyaaraha Labada Dal uu la qaadan doono Madaxda ciyaaraha ee martiqaadday.

Wasiirka Cadaaladda ,  Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Soomaaliya ay bur-burkii iyo dib u dhicii muddada dheer soo maray ay ugu bixi karto, nabad-galyada iyo hiigsiga ka jira, taasoo sabab u noqon karta inay Dalalka dariska la sameeyaan iskaashi iyo waxwada qabsi.

Wafdigaan oo Muqdisho joogi doona mudo 4 Cisho ah, ayaa wadada tashiyo ku aaddan horumarinta ciyaaraha Labada Dal waxay la yeelan doonaan madaxda wasaradda Isboortiga Soomaaliya iyo kuwa xiriirada ciyaaraha Dalka .

Baydhaba oo laga xusay Maalinta Booliska Soomaaliya

0

Baydhaba-(SNTV)-Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 Dec 2018-ka, laga xusay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur galbeed, 75-guuradii kasoo wareegatay markii la asaasay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Munaasabaddii xuskan, ayaa waxaa ka qayb galay, Guddoomiyaha Baarlamanka Koofur galbeed ee Soomaaliya, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiirka amniga ee KG, Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) , taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Baay, Mahad C/raxmaan Aaden, Guddoomiyeyaasha Gobolka, kan Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Baay, Mahad C/raxmaan Aaden, ayaa sheegay inay Ciidanka Boliiska iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeedba ahmiyad aad u weyn u leedahay xuska Maalinta 20 Dec, taasoo ah markii la unkay Boliiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Koofur galbeed, ayaa hambalyo diirran u diray , taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada , debleyda iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Shacabka ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan, isagoo Boliis la’aan ku tilmaamay meel ayan nabad jirin.

8 Qof oo ku dhimatay qarax Miino oo ka dhacay Dalka Itoobiya

0

Addis ababa-(SNTV)-Ugu yaraan Siddeed Qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay agagaarka Degmada , Mao-Komo, oo ka tirsan Gobolka, Benishangul Gumuz, ee Dalka Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta gudaha Dalkaasi.

Gaarigan oo ahaa Bas yar, isla markaana ay saarnaayeen 11 Qof oo rakaab ah,  ayaa dul maray Miino nooca Dhulka lagu aaso ah, meel ku dhow xadka kala qaybiya Gobollada , Benishangul Gumuz iyo Oromiya, sida uu Saxaafadda u sheegay, Kamaal Idriis, oo ah madaxa ammaanka iyo siyaasadda ee Degmada , Mao-Komo.

Boliiska Itoobiya ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan sidii ay ku heli lahaayeen Cidda halkaasi gelisay Miinadan, mana jirto Koox sheegatay falkan.

Dhulka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha Caalamka ugu Miinada badan, iyadoo horay loo diiwaan geliyay caddadka Miino ee ku jira halkaasi inuu gaarayo, 250,000.

Isha/ Anadolu

Boolisku waa wehelka iyo saaxiibka Shacabka

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 20,kii Diseembar sanadkii 1943kii, waana kan ugu faca weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamaa hooyada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo ay jireen qeybaha kala duwan ee Ciidanka ayaa Sanadkii 1971-dii waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.

Dalkeenna waxaa uu ku lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhammaan haatanna lagu siiyaa qeybaha kala duwan ee Booliiska.

Wixii ka horeeyay sanadkii 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade.

WAAJIBAADKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED.

Waajibaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-
1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha. 2- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara. 3- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah:Taliyaha, Taliye xigeenno, Hoggaano, Qeybo, Saldhigyo, iyo Laamo.

Hoggaannada Ciidanka waxay kala yihiin:-

1- HOGGAANKA Ciidanka, 2- HOGGAANKA Maalyadda, 3- Hoggaanka Saadka, 4- Hoggaanka Nabadgelyada waddooyinka, 5- Hoggaanka Tababarrada, 6- Hoggaanka Caafimaadka, 7- Hoggaanka Gaadiidka, 8- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, 9- Hoggaanka Isgaarsiinta, 10- Hoggaanka Dhismaha, 11- Hoggaanka Baarista Dembiyada, 12- Hoggaanka Howlgelinta, 13- H oggaanka siyaasadda.

LAAMAHA CIIDANKA BOOLIISKA

1- Laanta Baarista Dembiyad, 2- L a a n t a Canshuuraha, 3- Laanta Socotada, 4- Laanta Birmadka Booliiska,

QEYBAHA CIIDANKA BOOLIISKA.

1- Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, 2- Qeybaha Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe ee ( Kismaayo ).
3- Qeybta Gobollada Baay iyo Bakool iyo Gedo ( Baydhabo ), 4- Qeybta Gobolka Hiiraan (Beled Weyne),
5- Qeybta Gobolka Mudug ( Gaalkacyo ), 6- Qeybta Gobolka Bari ( Boosaaso ), 7- Qeybta Gobolka Togdheer ( Burco ). 8- Qeybta Gobolka Waqooyi Galbeed ( Hargeysa ).

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:

Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo.
Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.

Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka.

Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta.

Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL.

Haddaba maanta waa maalinta Booliiska Sopomaaliyeed uu 75 sano jirsaday, waxaa ayna dhigiyaan xaflado waaweyn, waxaana jira qorshe la doono in dib loogu dhiso dhismaha ciidamada lana gaarsiiyo 32 kun oo Askari, lana gaarsiin doono dhammaan Dalka oo dhan, Waxaan ku amaanayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, waa geesiyaal xaalado kala duwan oo uu dalka soo maray ku soo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni iyo kala dambeyn.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxay ka midyihiin Awoodaha Ciidan ee uu qaranka Soomaaliyeed leeyahay waxuuna soo maray heerar kala duwan, laakiin maalinba maalinta ka dambeysa wuu soo kabanayaa waxaana rajeynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaalo dheeraad ah ku bixiso Xoojinta iyo qalabeynta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana hambalyo u diray Madaxda ugu sarreeysa Dalka iyo taliyayaasha Ciiidamada, waxana u rajeyneynaa inay sanadkan kiisa ku gaaraan guul iyo horumar, maadama ay yihiin wehelka iyo saaxiibka ugu dhow Shacabka.

Qallinka: C/laahi Ruush

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska oo berri u dabaal degaya Sanad-guurada aas aaskooda.

0

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan Maalinta Berri ah oo Taariikhdu tahay 20 December

S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska oo berri u dabaal degaya Sanadguuradii 75aad.

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sanad guuradda 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Ciidankaasi.

“Aniggoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Ciidanka Xoogga dalka Waxaan Hambalyo  u dirayaa Sarreeyaasha , Saraakiisha, Saraakiil xiggeennada, Alifleyd iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Dalka.

Dhanka Kale Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Sanadguurada 75aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed awgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Booliska, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u rajeynayaa  inay horumar ku gaaraan Sanadkaan kiisa kale” ayuu yiri S/guuto Odowaa.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Wasiirka Amniga XFS oo Tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuurkar Islow Ducaale ayaa tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kuwaasi oo tababar ku qaatay Xerada Tababarka ciidanka ee TurkSom.

Saraakiishaan tababarku usoo gabogabeeyey ayaa noqon doono Macalimiinta Tababar siin doona labo boqoloo kun (2,000) oo askari oo ka tirsan Ciidanka booliska oo ay tababarayso Dawladda Turkiga.

Waxaa goobjoog ahaa Munaasabadda xiritaanka Tababarka Taliyaha Ciidanka Boolislka Soomaaliyeed, taliye ku-xiggeenka Booliska iyo Saraakiisha xerada TurkSom.

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah-furay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2020-2024

0

Muqdisho (SNTV)—Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda.

Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed.

Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.