Home Blog Page 1129

Wasaarada waxbarashada dowlada soomaaliya oo sheegtay inay muhiim tahay in lagawada qeybqaato horumarinta waxbarashada dalka

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay barnaamij cilmi baarisa ah oo ku saabsan hindise lagu kobcinayo, aqoonta, xirfadda iyo karaanka dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan dowladda federaalka, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale,waxana barnaamijkan si wada jir ah u soo qaban qaabiyay machadka Heritage  iyo jaamacadda City.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa tilmaamay in ka wasaaradd ahaan ay door ka qaadanayaan wax kasta oo lagu horumarinayo waxbarashada dalka, islamarkana loo baahan yahay in wada jir looga qeyb qaato horumarinta waxbarashada.

“Barnaamijkan oo ah mid  cilmi baaris lagu sameynayo arrimaha kala ah, Hindise lagu kobcinayo, aqoonta, Xirfadda, iyo karaanka dadka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxaan door muhiim ah ka qaadaneynaa wax kasta oo lagu horumarinayo aqoonta dadka Soomaaliyeed, si looga gudbo jahliga”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa tilmaamay  in arintan ay kaalin ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan islamarkana hadda uu ka soo kabanayo, sidaasi darteed waxaa na looga fadhiya inaan gacmaha isku qabsano horumarinta waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka , si kor loogu qaado garaadka carruurta Soomaaliyeed.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Khaarijiyay degmada Qoryooleey

0

muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xalay Kooxda argagixisada Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen degmadda Qoryooleey loogu geystay jab xooggan.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay Khasaaro xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,isagoona tilmaamay in todobo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday la dilay halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in dhankooda weerarka uga dhintay hal askari,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in weerarka uu ahaa mid dhuumaaleysi ah,islamarkaana ciidamada ka feejignaayeen,taasi oo keenta in la fashiliyo.

Ciidamada Xoogga dalka oo dhowaan kooxda argagixisada ka saaray deegaanada Jilib-Marka iyo Gandarshe ayuu Guddoomiyaha Gobolku sheegay in hadda xaaladooda amni ay wanaagsan tahay,islamarkaana suurta gelisay in kooxda Al-Shabaab laga saaro dhulka xeebaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe maleeshyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ku teedsan Wabiga,maadama uu soo dhammaaday qorshihii deegaanada Xeebta Al-Shabaab looga soo saaray.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan ka wado Gobollada Koonfurta Soomaaliya,iyagoona kuwii ugu danbeeyay ku qaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Shacabka Deegaanka Wisil oo baaq u jeediyay maamulka Galmudug

0

Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ayaa qeyladhaan xooggan ka muujiyay Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaankaasi.

Deegaanka Wasil ayaa ka mid ah deegaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug waxaana Maamulka Galmudug u aqoonsan yahay Degmo Wasil ayaa 200 Km koonfur Bari kaga began Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka waxaa uuna ka mid yahay deegaanada hoos yimaada Magaalo xeebeedka Hobyo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Xafiiska Hobyo ayaa dhawaan Socdaal xogwareysi ku tagay Deegaanka Wasil taasoo Maalmihii iyo Bilihii dambe ay ka taagneed cabashooyin bulshadu muujinaayeen oo dhanka Cafimaadka,Biyaha iyo Waxbarashada.

Bulshada Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay qabaan ay la daala dhacayaan daruufo dhanka arrimaha bulshada ah taasoo ay baahi weyn u qabaan bulshada Deegaanka waxayna ka dalbadeen Maamulka Galmudug, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladda dhexe.

Inta badan Deegaanada Gobolka Mudug ayaa waxaa ka jira xaalado Caafimaad daro taasoo ay bulshadu ka walaacsan yihiin waxaana ugu badan Caafimaadka iyo waxbarashada inkastoo ay jiraan dadaalo lagu hirgaliyay Xaruumo Caafimaad oo yar yar.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuna kula duwan ku riday lix eedeysane oo midi maqan yahay.

0

Beledweyn (SNTV)- Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacab  ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayay  Mahad Xuseen Shiidow oo maalin ka hor wada bajaajle ku dilay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.

Khubarro baarayaal ah oo Muqdisho kaga yimid dhacdadan, wakiilna ka ahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana sii baaray dhacdadan,  waxa ayna baaristooda ku ogaadeen  kaalimihii  ay  kulahaayeen  wixii dhacay eedaysanayaasha loo soo xiray dacwada  iyagoo khubaradu u gudbiyay gabagabada baaristooda  xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa u gudbiyay maxkamadda eedda ka dhanka ah lixda eedaysane iyagoo  soo bandhigay cadaymo laga qoray  eedeysanayaasha, wuxuu sidoo kale Maxkamadda horgeeyay xafiiska xeer ilaalinta  Markaatiyaal deegaanka ah ee goobjoogga u ahaa dhacdada ay ku dhinteen Laba ruux midna uu ku dhaawacmay.

Maxkamadda oo ka duuleysa arrimahaasi ayaa ugu dambeyn go’aan kasoo saartay Lixda eedeysane oo mid maqan yahay.

Cabdisamad Maxamed Cusmaan (Af-dheere)  oo ka tirsanaa guutada Shanaad,  qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayay Maxkamaddu ku heshay in uu ahaa shaqsiga dilka  geystay waxa ayna  ku xukuntay Dil toogasha  halka Aadan cali cilmi,  Burhaan  yusuf nuur, Cabdifitaax bedel qoofiyow iyo  Maxamed cali cilmi ay kuwada xukuntay Min Shan (5)-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda ayaa  sidoo kale amartay in xabsiga laga sii  daayo Maxamed yuusuf tifow  hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu u sheegay Warbaahinta Dowladda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale  hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Marwo Fowziyo Abiikar Nuur” Annagoo la kaashaneyneyo bahda caafimaadka waxaan soo celineynaa nidaamkii Wasaaradda Caafimaadka,”

0

Muqdisho September 22 (SNTV);-Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay Xaflad lagu caleema saarayay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf,waxaana ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur,Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka “WHO”bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka.

Ugu horeyn,Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo xafladda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf,wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi aqoon buuxda u leh howsha uu bulshada u hayo.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa marka hore soo dhoweeysay Prof: Maxamed Yuusuf Ibraahim Guuleed oo mar labaad loo doortay Guddoomiyaha 7-aad iyo labada Gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed,waxayna hoosta ka xariiqay in Wasaaradda caafimaadka go’aankeeda uu yahay in si dhow ula shaqeyso Guddiga Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa inaan soo celino systemkii Wasaaradda caafimaadka,annagoo la kaashaneyno dhaqaatiirta iyo dhammaan bahda caafimaadka,Cisbitaalada inaan la wareegno waa qeyb ka mid ah horumarka Dowladda si aan ugu helno dhaqaatiirka meel ay ku tababartaan,” ayay tiri Marwo Fowziyo Abiikar Nuur.

Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo amray in magacyadii dugsiyada hore dib loosoo celiyo magacyadii

0

Muqdisho September 22 (SNTV);-Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in muddo 30 cisho gudaheed looga baahan yahay cid kasta oo gacanta ku heysa dugsi ay dib ugu soo celiso magacii uu lahaan jiray ka hor 1-1-199o-kii.

“Markaan aragnay go’aankii ka soo baxay shirkii Dhuusa-mareeb ee Wasaaradda Waxbarashada Federaalka iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada taariikhdu markey ahayd  17 April,2018,”

“Markaan aragnay: Talo soo jeedinta Waxgaradka Soomaaliyeed iyo bahda Tacliinta ayaa waxaa la farayaa dhammaan cid kasta oo gacanta ku heyso Dugsi laga badalay magacii uu horay u lahaa 01.01.1990 iney dib ugu soo celiyaan magacii hore dugsigaasi u lahaa mudo 30-maalmood gudahood laga bilaabo waqti ku taariikheysan wareegtadaan,”ayaa lagu yiri Wareegto uu saaray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale,waregtada uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney xusid mudan tahay in magacyada ku sharfan Dugsiyada Dowladda ay magaca weyn iyo taariikh ugu fadhiyaan Qaranka Soomaaliyeed.

Sidaasi daraateed,wareegtadaan waxay dhaqan galeysaa laga bilaabo marka uu saxiixo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo tacliinta sare Xildhibaan C/llaahi  Goodax Barre.

Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg ah isugu yeeray madaxda Galmudug

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda.

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka Tanzania

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Dowladda Federaalka Soomaaliya war qoraal ah oo ka soo baxay ayaa Tacsi iyo garabgal loogu diray Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa u qoranaa sidan:-

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria shalay oo khamiis ahayd, kuna beegnayd (20 September), iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.

【• Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn•】

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Soomaaliya u matalaya Fadhiga guud ee Qaramada Midaabay

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Dalka Mareykanka.

Wasiirka iyio wafdiga uu hogaaminayo ayaa halkaasi uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha JFS, isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Hay’adda (IMF) oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa

0

Muqdisho September 22 (SNTV);- Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay buuxisay dhammaan 27-kii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF)  ku xiray iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo Soomaaliya.

Kadib shir dhowr ciiho uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socday Wasiirka Maaliyadda iyo IMF ayaa qeyb ka ahaa shir sedexdii biloodba mar la qabto,kaasi oo lagu qiimeeyo waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya gaar ahaan qorshaha horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka iyo dadaalka deyn cafinta iyo daabacaadda lacago cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbadan uga qabsoomeen talaabooyinkii lagu qiimeynayay,islamarkaana ay deeq bixiyaasha caalamku ay soo dhaweynayaan,sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya in ay sii wadaan dadaalkeeda ku aadan arrimaha horumarinta maamulka iyo siyaasadda dhaqaalaha dalka.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay dhisteen rikoodh wanaagsan oo siyaasadeed iyo dib-u-habeyn lagu sameeynayo,Hawlaha dhaqaalaha ayaa si tartiib ah dib uga soo kabanaya mudadii u dhaxeysey 2016-17-kii .

“Sannadka 2018, kobaca ayaa la saadaalinayaa inuu soo kabsado 3.1 boqolkiiba 2.3 boqolkiiba iyo sicir bararka si loo yareeyo 3.5 boqolkiiba, hoos udhaca 5.3 boqolkiiba sannadka 2017,Waxqabadka maaliyadeed illaa July wuxuu ahaa mid xooggan,Tani waxay keentay uruurinta dakhliga gudaha taas oo inta badan ka dhigtay lacag bixinta qadarka ah ee deeqda”. Ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF).

Sidoo kale Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qoraalkan ay ka soo saartay shirka lagu qiimeynayay dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri.

“Inta lagu guda jiray booqashada, kooxda(IMF) ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Mudane Bashir Issa Cali iyo mas’uuliyiin kale.

“Kooxdu waxay sidoo kale la kulantay wakiillo ka socda deeq bixiyeyaasha labada dhinac iyo kuwo badan oo ka socda Nairobi si ay u taageeraan dadaallada xukuumadda ee ah in ay kor u qaadaan maalgelinta Wajiga I ee dib-u-habeynta lacagaha, iyaga oo cusbooneysiinaya waxqabadka hoosta SMP, iyo in ay isku duwayaan dadaallada waxqabadka dhismaha”.

“sidoo kale Kooxda ka socotay(IMF)  waxay ka mahadcelineysaa wadahadalka furan oo cad oo lala yeesho mas’uuliyiintan,waxayna mahadnaq u tahay macluumaadka loo diyaariyay shaqaalaha, Wadahadaladu waxay sidoo kale xoojiyeen,Qodobka IV-aad ee Wadatashiga kaas oo lagu darayo dib-u-eegista ugu horreysa ee hoos timaada SMP III, oo la qorsheeyey November / December 2018”. Ayaa lagu yiri sidoo kale qoraalkani.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay xooga saaraysay arrimo ay kamid yihiin horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,qorshaha deymaha looga cafinayo Soomaaliya iyo sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo shilin Soomaali ah,iyadoo dhowr jeer oo hore ay dowladdu buuxisay shuruudo ay ku xireen Deeq bixiyaasha caalamka.