Home Blog Page 1100

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay keddib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Jubba oo lagu dhammeystirayay heshiiskii ay gaareen dhinacyada South Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee Caasimada dalka South Sudan waxa uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isaggoo kala hadlay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudaan , ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isaggoo xusay  Gacansatada dalkaasi ku nool in dawladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salva Kiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka oo ah mid isku tolan.

Duqa Muqdisho oo Maxkamadaha kala hadlay xal-u-helidda Dukumiintiyada Been abuurka ah

0

Muqdisho (SNTV)— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kormeeray xarumaha Maxakamadda Ciidammada Qalabka Sida, Maxkamadaha heer Gobol ee darajada koowaad iyo Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mira dhal noqdeen tallaabooyinka wadajirka ah ee loo qaaday xal-u-helista murannada dhulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hirgelinta xafiisyada adeegyada ee degmooyinka ay u fududeeyeen bulshada in ay si sharciyeysan ula kala wareegeen hantida maguurtada ah, isagoona ka digay dukumiintiyada ku saabsan arrinkan ee ay soo saaraan xafiisyada gaarka loo leeyahay (Nootaayo), Isla markaana caddaaladda la horkeeni doonno cid walba oo lagu helo dukimiinti aan sharci ahayn.

“Waxaan ka hirgelinnay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir xafiisyada bixinta adeegyada bulshada, taas oo aan uga golleenahay in muwaadin kasta uu helo dukumiintiga uu doonayo oo sharciyadeysan, dhawraayana mulkiiyaddiisa iyo xaqa uu leeyahay, taas oo horey ay uga jirtay dhibaato weyn iyo muranno joogta ah.”

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida in xal waaro loo helo fara gelinta aan sharciga ahayn ee ciidanka qaar ay ku sameeyaan murannada dhulka iyo muhiimadda ay leedahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo ku tagri fasha awoodda dawladnimo.

“Marar badan ayaa waxaa dhacay falal la xiriira askar isugu gacan qaadday dhul iyo hanti ay ahayd in ay si sharciga wafaaqsan dacwadahooda u soo gudbiyaan Maxkamaddaha, taas waa mid aan la qaadan karin oo aan meel uga soo wada jeesan doonno. Sidoo kale waxaa naga go’an dib u soo celinta hantida guud cid kasta oo haysata, maadama ay tahay hanti loogu tala galay u adeegidda bulshada.”

Guddoonka Maxkadda Gobolka Banaadir ayaa ku boggaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixinayaan xal-u-helista tabashooyinka iyo murannada la xiriira hantida maguurtada ah iyo sidii loo taabbo gelin lahaa hannaan cadaalad oo ay helaan bulshada Gobolku.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo kormeer ku sameeyey xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamaduhu.

 

 

 

Caadeystayaal Burcad ah oo la xukumay.

0

Muqdisho (SNTV)- Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir.

Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan sida Xeebta Liido, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neyso suuqa.

Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo  xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen.

sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido.

Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay  garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah  13-ka bishii sagaalaad.

Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas.

Aweys ayaa  sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta  marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay.

22-ka bishan ayay Codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada in la muddeeyo dacwad qaadista labada eedeysane oo ay sheegeen in ay ku filantahay caddeymaha ay uhayaan kiiska.

Garsoorayaasha ayaa aqbalay soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaa loo ballamay in la isugu yimaado Maxkamadda 25-kii bishan, waxa la dhageystay dhinacyada dacwadda  sida xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodayay labada eedeysane.

Xeer ilaalinta ayaa fadhiga Maxkamadda hor-keenay  afar dhibane oo loo siiyay fursad in ay ka  hadlaan goobta, qaar kamid ah agabkii ay dhaceen  labada eedeysane oo laga helay xaafad ay ku keydsadeen oo ku taal degmada Kaaraan, baarihii kiiska iyo qiraalka eedeysanayaasha iyo hubkii ay dhacca ku geysteen, halka Qareenada ay ku doodeen in loo fududeeyo loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo, waxa ay sidoo kale weydiisteen in Maxkamadda aysan u fiirin dambiyadii ay horey u galeen maadaama aan hada loo fadhin dacwadooda .

Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa  wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan

0

Jubba, Oktoobar 31, 2018;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaas.

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

0

Dubai (SNTV):-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii isgaarsiinta iyo teknolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maamul-wanaagga, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ay teknolojiyadu keeni karto.

Isagoo ka hadlayay Shirweynaha Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee ka soconaya magaalada Dubai, ayuu Wasiir Cashuur carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xirnaan doono hadba si aan u horumarino awooddeena dhinaca teknolojiyada.

Wasiirka oo adduunyada uga warbixinayay horumarka uu dalkeenu ka sameeyay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, wuxuu xusay inay jiraan caqabado badan oo dalalka soo koraya aysan kaligood wax ka qaban karin, loona baahan yahay in dalalka horumaray iyo kuwa soo karayaba ay ka sameeyaan iskaashi iyo wax-wadaqabsi.

Dalkeena ayaa u gudbiyay Shirweynaha ITU qaraar tirsigiisu yahay 160, kaas oo ay soo ansixiyeen fadhiyada ITU ee heer gobol qaaradda Afrika iyo Carabtaba.

“Waxaan si xushmad leh u weydiisaneynaa dalalka xubnaha ka ah ITU inay taageeraan qaraarkan Soomaaliya ka caawinaya sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaasha iyo awoodda isgaarsiinta iyo teknolojiyada,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada-shaqeyn iyo iskaashi la yeelato dalalka dhiggeena ah.

Shirweynaha ITU waa kulan afartii sanaba mar la qabto oo lagu doorto hoggaanka ururka, isla markaana lagu go’aamiyo qorshaha afarta sano ee socota ee ururka oo ay ku jiraan go’aamada la xiriira dalalka ama arrimaha ka dhexeeya dhammaan xubnaha.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV):-Xilli dhawaan Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqaday Barnamajika Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumihii Wasaaradaha iyo Goobihii Khadiimiga ahaa ee ku burburay colaadihii dalka ka dhacay ayaa maanta waxaa Masuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlada Soomaaliya ay ka qeyb qaateen Howlaha dib loogu dhisayo Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa goobta ka sheegay in ay diyaar u yihiin kana dhabayn doonaan balanqaadkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inaan cidna laga sugin in ay dhisaan Xarumaha Dowlada ee loo baahan yahay in Dowlada oo kaashaneysa Shacabkeeda ay dhistaan goobaha burburka uu ka muuqdo oo ay kamid tahay Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha guud Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Somaaliya Prof: Maxamuud Maxamad Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Barnaamijka isxilqaan oo dowlada ay ku dhawaaqday.

“Waxa ay Dhismaha goobahan oo kale ay shaqa abuur u noqaneysaa Dhalinyaro badan oo hada shaqa la’aan ay dalka ku heysato hana la baneeyo goobaha Danta guud si iyana loo dhiso”.ayuu yiri Agasimaha Prof: Maxamuud

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in ay Wasaaradu diyaar u tahay ka mira dhalinta Barnaamijka is xil.qaan

“Waa arrin muujineyso in aan isku tashanay oo aan dhisaneyno dalkeena waana talaabo dhanka Horumarka loo qaaday in aan isku tashano oo aan dhisno dalkeena Wasaaradana diyaar ayay u tahay in ay Ololaha Isxilqaan ay ka qeyb qaadato”.ayuu yiri Mudane Xaamud.

Dhanka kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xarunta Tiyaatarka markii labaad soo gaarsiiyay Agabka dhismaha oo ka qayb qaadan doona dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka,Waxaana qalabkaasi kala wareegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ahna Isuduwaha shaqada Tiyaatarka ugana mahad celisay sida mar kasta uu Maamulka Gobalka u garab taagan yahay.

Xukuumaadda FS iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixay mashaariic horumarineed

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 Milyan oo ah qaybtii hore ee mashruuca bank-ga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaal mariyay.

Wasiirka maaliyadda XFS ayaa sheegay in Bank-ga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska $80 Miylan ah ka sheegtay in Bank-ga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midawga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed sida buuxda ee ay uga qayb qaateen dadaallada dib-u-hagaajinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna shaaciyay hadii dadaallada ay dawladdu wado lasii dardar-geliyo in lagu tillaabsanayo horumar intaan ka ballaaran.

Muxuu muhiim u yahay Heshiiska dhinacyada Siyaasadda ee Koofurta Suudaan?

Muqdisho (SNTV)- Dhinacyada ku kala irdhoobay siyaasadda wadanka Koofurta Suudan ayaa waxaa lagu wadaa in colaadooda lagu soo dhameeyo heshiis ay marqaatiyaal ka yihiin qaar ka mid ah Madaxda Afrika.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qeyb ka ah Madaxda marqaatiga ka noqon doona Munaasabad lagu soo bandhigayo Heshiiska dhinacyada Koofurta Suudaan.

Maxamed Caalin oo ah Aqoonyahan si gaar ah ula socda siyaasadda Geeska Afrika ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in heshiiskan uu micno wayn u samaynayo shacabka Koofurta Suudaan ee Colaada ka daalay iyo dalalka kale ee ku yaala Geeska Afrika.

“Waxaa u ahmiyad weyn u leeyahay heshiiskaasi shacabka Koofurta Suudaan iyo sidoo kale Dowladaha dhaca Mandiqada Geeska Afrika waana arrin wax badan ka badali doonta colaadii dhextaalay labada Dal”.ayuu yiri Aqoonyahan Caalin

Waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah, in la sameeyo hub ka dhigis, in la dhiso dowlad wadaag ah iyo in la siidaayo Maxaabiistii la kala qabsaday intii colaada ay socotay.

Sareeye guuto Saalax“Waxaan dilnay Dhagarqabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo Mid Pakistan ah”

Muqdisho (SNTV)- Ciidammada Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ka gaaray Howlgalo baaxad leh oo ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalada ay Ciidammada Xoogga Dalka ku dileen Dhagar qabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid Dhalashadiisu tahay Pakistan oo ka mid ah Qolada Miinada dhigta.

“Khasaaro badan ayaa soo gaaray Argagaxisada Guulaha hada la taaban karo waxaa ka mid ah Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay ayaan halkaasi ku dilnay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Argagaxisada iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay iyo Maleeshiyo leh ayaan halkaas ku dilnay”.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ayaa sheegay in deegaano badan ay Argagaxisada kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.

Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse ayaa si weyn u amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Deegaanadii ay gacanta ku dhigeen, isagoo xusay in deegaanada qaar ay Ciidammada Xoogga Dalka ilmeeyeen ka dib markii ay arkeen sida Shacabka u jecel yihiin oo ay usoo dhaweeyeen, isagoo sheegay inay si geesinimo leh u muujiyeen doonista ah inay ka xuroobaan Argagaxisada, wuxuuna sheegay in Shacabka ay Ciidammada la wadaageen Xogo ku saabsan Dhagar qabayaasha ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar.

Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay Suudaanta Koonfureed

0

Muqdisho (SNTV):- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho,isago ku sii jeeda Dalka Suudaanta Koonfureed.

Ujeedka Socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu ugu amba baxay magaalada Juubbaa e caasimadda Koonfurta Suudaan ayaa la xiriirta ka qeyb galka munasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kamid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana dalkaasi kunool kumanaan Soomaali ah,kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.