Home Blog Page 1100

Hay’adda NISA oo faah faahisay howlgal lagu dilay maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan

0

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ballaaran oo ka dhacay xarumo maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka ay ku leedahay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Farsoolya laguna dilaya ilaa 40 xubnood oo k atirsanaa Alshabaab.

“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood”. Ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hay’adaha ammaanka dalka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasi oo isugu jira weeraro circa iyo dhulkba leh

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo ka qayb galaya wareega 3-aad ee Barnaamijka Isxilqaan

0

Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa ka qayb qaadaneysa  Barnaamijka Isxilqaan oo Lagu dhisayo xarumaha danta Guud ee dalka .

Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta ayaa maanta uga  qayb galay Tiyaatarka iyo Maktabadda Qaranka Barnaamijka Isxilqaan, oo u Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo  u dhawaan ku dhawaaqay qorshahan isxilqaan kaas oo lagu dhirigalinayay  Iska wax uqabso  Bulshada Soomaaliyeed ,waxaa u  sheegay Farmaajo  inuu yahay  mid muhiim u ah dib u dhiska dalka madaama u mudo labaatan iyo sagaal sanaadood ah  u dalku ku jiray burbur una baahan yahay in dib loo dhiso goobaha danta guud ee dalka.

Baraamijkan ayaa waxaa ka qayb galay qaar kamidah  shaqaalaha dowladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa hogaaminayo Shaqaalaha  saakay kaqab qadanaya Baraamijka isxilqaan ee dhismaha xaruumaha danta guud ee dalka ,waxaa uu  tilmaamay iney waajib ku tahay muwaadin kasta inuu ka qayb qaato dhismaha dalka.

dav
dav
dav

 

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 5-aad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta

0

 Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February ,  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan.

Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Dadka aqoonta uleeh sameeynta agabka hidaha iyo dhaqanka soomaalida oo sii yaraanaya

0

Dadka Reer miyiga ayaa wali magaalooyinka dalka ka iibsada agabka hidaha iyo dhaqanka oo ay farsameyaan haweenka, rarooyinka  laga sameeyo cawada ayaa ah mida dhidibada loogu tago aqal soomaaliga.

Agabyada kale ee loo is ticmaalo dhaqanka waxa ay wali leeyihiin suuq waxayna dadka reer guuraaga  ay aad u iibsada  xiliyada ay doonayaan in ay  yagleelan qoys cusub waxay taasi muujinaysa sida dadkeenu uga qayb qaadanayaan sii jirista dhaqankeena soojireenka ah oo wali dalkeena kudanbeeya.

Haweenka sameeya  Agabka aqal soomaaliga loo is ticmaalo waxay ku qaadataa mudo sameeynta Agabka  waxaa loo  iibgeeyaa  magaalooyinka gobolada dalka sii halkas loogu iibiyo aalaabaha hidaha iyo dhaqanka ay soo saaran.

Haween badan ayaa dhaqaale aan badneen  kasoo gala sameeynta iyo iibinta alaabaha hidaha iyo dhaqanka waxa ayaa waxaa ay  ku maareeyan nolosha qoysaskooda.

Abaaraha kajira gobolka dalka  ayaa  saameyn kuyesheen suuqyada lagu iibiyo agabka xiliga jiilaalka waxaa hoos udhac ku yimada dadka iibsanaya alaabaha dhaqanka iyo hidaha ,waxaan sii yaaranaya  dadka aqoonta uleeh wax soo saarka agabka dhaqanka iyo hidaha ee ay isticmaalan dadka reer guuraga ah.

      

 

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan.

Hannaanka dib-u-heshisiinta Qaranka oo qabyo ah, marka lasoo gebegebeeyana la lor gaynayo golaha wasiirrada ayaa muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah la jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin, baahina loo qabo soo kabsasho degdeg ah oo dhan walbo ah iyo isdhexgal bulsho oo damaanad qaadaya isu socod, is aaminaad iyo is ixtiraam.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulaysto himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan.

Kulanka maanta ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadkaan 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno.

Banbax-howleed wadajir ah oo u dhaxeeya Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo furmay

Muqdisho (SNTV) Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Banbax-howleed u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kaasoo socon doona muddo afar maalin ah.

Inta uu socdo shirkan banbax-howleedka ayaa waxay seddexda hay’ad uga arinsan doonaan waxqabadkooda iyo horumarka ay ka sameeyeen dib-u-eegista Dastuurka iyagoo ka doodi doona qorshaha loo bahanyahay in la diyaariyo ee ku saabsan howlaha la qaban doono sanadkan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimada banbax-howleeedka.

“Shirkan waa mid muhiim u ah shaqooyinka seddexdan hay’ad, inta uu socdo shirkan seddex geesoodka ah waxaan uga arinsan doonnaa sidii aan howlaha soo socda u wajihi lahayn oo ay ugu horeeyso kulamada la-tashiyada dadweynaha Guddiyada iyo Wasaaradda ay u tagi doonaan Dowlad Goboledyada. Guddiga Madaxabanaan wuxuu soo bandhigi doonoo howlihii uu qabtay iyo caqabadihii ka horyimid” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Sen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay guddi ahaan sida ay shirka u arkaan.

“Shirkan waa mid aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qaybgalno waxaana rajeynayaa in wax wanaagsan ay ka soo baxaan inaga oo diiradda saareyna sida aan u qabaneyno howlaha ina horyaalla, waxaa naga go’an inagoo gacmaha is heysana inaan wadasahqeyno si aan u wada guuleysano” ayuu yiri Gudoomiye Sen Abdiqaybdiid.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo muhiimadda shirka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta shirka wada qabsanay, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkan soo gaarnay anagoo maanta ka arinsaneyna waxqabadkeena, waxaana heerkan ku soo gaarnay isku tanaasul iyo wadashqeyn dhexdeena ah. Maanta meesha aan taagannahay waa inaan soo dhameeystirnay tobonkii cutub ee ugu adkaa Dastuurka, inta hartay ee arrimaha siyaasadda quseeya waxaan rajeyneynaa in dhowaan soo dhamaadaan, shirkan waa mid noo iftiiminaya wadada aan qaadeyno si aan sanadkan guul taariikhi ah u gaarno” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Ugu dambayn, seddexda hay’adood ayaa u saaray Guddi-farsamo inay soo diyaariyaan qorshaha wadajirka ah ee hay’adaha ee sanadkan iyo xal ka gaarista caqabadaha jira.

Wasiir Beyle oo maanta la kulmay safiirka Britain ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu danbeeyay ee xafiiska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda,wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya

“Waxaan maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda,  waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah ka furay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa daahfuray Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan waxqabadka iyo Istaaratiijiyada Hay”adda Caalamiga ee WorId Vision ee Soomaliya  2019 2020.

Kulankan waxaa ku sugnaa  Wasiirada Dowladd gobaleedyada qaar,Wasaaradaha Dowladda dhexe iyo madax ka Socotay Dowladd Gobaleedyada.

Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay”adan WorldVision sida ay ugu Jawaabtay go,aankii Dowladda, xafiis Waynna ay ka furatay Soomaaliya kana shaqo bilowday.

Dhinaca kale, Wasiirka Jamaal ayaa tilmaayay in Istaaraatiijiyada Hay”ada 2019 2020 in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaaliyeed oo ay ku cad yahiin Baahiyaha wax ka qabashada u baahan ee Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Asad Yuusuf Afrax ayaa sharaxay Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo hada socda wadatashigiisa wareegga Kowaad kaas oo la diyaarinayo sanadkan.

Agaasimaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Soomaaliya ay  u baahan tahay in wax laga qabto iyada_oo lagu shaqeenayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Qorshaha Dib u kabashada Abaaraha RRF.

Jaaliyadda Puntland ee Ohio oo Taageeray Maamulka Cusub ee Madaxweyne Deni

0

Columbus (SNTV):- Xaflad si weyn loo soo abaabulay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareynkanka.

Xafladan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Puntland ohio waxaa lagu taageerayay isbadalka Maamulka Puntland iyo doorashadii dhawaan ka dhacday halkaasi.

Mudadii ay xafladu socotay qadka Teleefonka waxaa uga soo qeyb qalay madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdilahi Dani oo qurba joogta Puntalnd ku ammaanay doorkooda dhaqaale iyo siyaasadeed oo sida uu sheegay aan la xaqiri karin,

Waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed gobol walba oo ay ka soo jeedaan in laga qeyb qaato sidii Soomaaliya markale u noqon lahayd dowlad xooggan iyo in lala shaqeeyo maamulada dalka ka jira iyada oo la siinayo talooyin wax ku ool ah.

Mas”uuliyiintii ka hadlay xaflada oo aad u badnaa ayaa diirada saaray sida loogu baahan yahay in la taageero isbadal walba oo dalka horumar u horseedi kara,isla markaana laga shaqeeyo sidii is faham iyo is dhexgal bulsho loogu samayn lahaa shacabka Goboladda.

Madaxweyne Dani ayay ku ammaaneen doorkiisa bilowgaa ee dhex dhexaadinta Madaxda dowladda iyo maamulada dalka ka jira, iyaga oo ku booriyay in uu ku sii dhiirado taabo galinta howlaha Nabadda.

Waxaa xaflada dhankooda qeyb ka ahaa Fanaaniin Soomaaliyeed oo dadka madadaalinayay iyo dhalinyaro soo bandhigtay ciyaaraha dhaqanka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada,

Wasiirka waxbarashada  waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya  Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.

“Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.”

“Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah  xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw  labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada

Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz wuxuu  ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.

DowladdaTurkiga  waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay  dib u soo kabashada  dalka, waxaan u uga mahad celinayaa  danjiraha  dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.