Guddomiye Mursal oo Jordan uga qeybgalay shir horu dhac ah oo guddoonada Baarlamanada Carabta dhexmaray

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan.

Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta  iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu  qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...