Home Blog Page 1101

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo sheegay in dib u dhis lagu sameynayo Xarumahii Milatariga ee ku yaalla degmadda Deyniile

0

Muqdisho (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Abaanduullaha Ciidanka Difaaca S/guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo ay wehliyaan Saraakiil kale ayaa maanta kormeeray xarumaha Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Bangala ee degmada Deyniile ee G/Banaadir.

Xarumaha Masuuliyiintaasi ay Booqdeen ayaa ku burburay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Taliska Ciidanka Xoogga uu qorsheynayaan in Xarumahaasi dib u dhis lagu sameeyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga uu hadda ku howlan yahay dhismaha Ciidanka iyo Xarumahooda burburay, si shaqada loo dardar-geliyo.

Sarreeya Gaas Indha-qarshe ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in dhammaan xarumaha Ciidanka Difaaca ee ku bur buray dagaladii Sokeeye dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu sameyn doono.

 

Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee ka qeyb galka Siyaasadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV)-kulankan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumariinta Xuquuqda Aadanhay XFS ayaa looga hadlay Awoodiinta iyo sare u qaadida Doorka Ka Qeyb galka Haweenka ee Dhanka  Siyaasadda loo dhan yahay taas oo la sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Haweenka Soomaaliyeed oo Door muuqdo ka qaata Horumarka dalka.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Feysal Nuur Farax oo Daahfuraay Kulankaan Wadatashiga ah ayaa Sharxay Ahmiyada ay leedahay in Haweenka ay Ka qeybgalaan Siyaasadda Dalka.

Agaasimaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Haweenka Axmed Cabdi Cumar  iyo Agaasimaha Waaxada Genderka Sacdiyo Maxamed Nuur Ayaa si isku mid ah uu sheegay in Wasaaradda Haweenka ay mar walibo ka shaqeneyso siddii Haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Doorka Ay ku leeyihiin Siyaasada Dalka.

Kasoo Qeyb galayaasha kulankaan Wadatashiga Ayaa si isku mid ah isugu racaay muhiimada ay leedahay dar dargalinta sare uu qaadida Doorka Haweenka Soomaaliyed ay ku leeyahiin Siyaasadda.

R/wasaare Kuxigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Xarun Labaad oo ay yeelaneyso Wasaaradda Maaliyadda

0

Muqdisho (SNTV)- Dib u dhiska xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay ka gacan geysatay Dowladda Swedan ayuu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Swedan ee Soomaaliya.

Safiirka Swedan ayaa sheegay in ujeedada Dowladiisu u taageertay dhismaha Xaruntani ay tahay sidii Shaqaalaha Qaranka u heli lahaayeen xarumo ku filan oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa dhisma kale oo la mataana ah dhismahan si shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u helaan xafiisyo ku filan.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Swedan kaga mahad celiyay dhismaha xaruntani waxaana uu sheegay in xarunta yareyneyso culeyskii haystay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay Howlaha ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda Dalka oo suura galiyay in sare uu u kaco daqliga dalka lana kordhiyo Miisaaniyada Dowladda.

Helida Xafiisyo ku filan Howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kor u qaadeysa isla xisaabtanka iyo horumarinta dakhliga gudaha.

W/Q:- Cabdishakuur Cali Axmed

Shirweynaha ITU oo ka furmay Dubai, iyadoo qaraar Soomaaliya Qoseeya uu horyaallo

0

Dubai (SNTV)-  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayna xubno ka yihiin mas’uuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qeyb galaya shirweynaha ugu sarreeya ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shirweynahan, oo afartii sanaba mar la qabto, ayaa ah shirka ugu heerka sarreeya ee ITU, kaas oo lagu doorto hoggaanka ururka, laguna ansixiyo qorshayaasha iyo go’aannada arrimaha masiiriga ah ee khuseeya isgaarsiinta adduunka ee afarta sano ee soo socota.

Shirweynahan ayaa xiiso gaar ah u leh isgaarsiinta iyo teknoolojiyada Soomaaliya ka dib markii lagu guuleystay shaqooyin badan oo sare u qaadaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, sida ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Soomaaliya oo soo ceshatay xuquuqda codeynta oo ay kaga qeybgali karto doorashada dhacaysa, kuwaas oo sare u qaadday maqaamka uu dalkeenu ku leeyahay ITU.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu u gudbisay ITU qaraar u gaar ah dalkeena oo loogu talo galay in lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, kaas oo Wasaaradda iyo Hay’adduba ka soo shaqeeyeen, kana soo dhaadhiciyeen kulamada heer qaarad Afrika iyo Carabtaba ee ITU.

“Fursad qaali ah ayay noo tahay inaan maqaamkan kaga faa’iideysano horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Haddii shalay na loo arki jiray dad aan xuquuq lahayn, maanta waxaan qeyb ka nahay go’aamada la gaarayo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaana fursaddaas uga faa’ideysaneynaa inaan ka wada hadalno horumarin iyo iskaashi uu dalkeenu la yeesho dalalka dhiggeena ah.”

Madaxa xukuumadda Galmudug oo soo dhaweeyay Gogosha Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Dowlad Gobaleedyada

Muqdisho (SNTV)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Galmudug ay soo dhawayneyso gogoshii Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada, si loo soo afjaro khilaafka.

Warqad Qoraal ah oo Xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug ayaa lagu sheegay in Maamulku uu Taageerayo soona dhawaynayo Baaqii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ee ahaa in laga soo qaybgalo Gogosha ka fidsan Muqdisho taasoo lagu xalinayo Tabashooyinka Maamul Goboleedyada Dalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Warqada in Galmudug aqoonsan tahay Jiritaanka Dawladnimada iyo Madaxda Qaranka sidoo kalana uu Maamulku ka qaybqaadan doono Xalinta Maamulada wax tabanaya.

Dhinaca kale War-saxaafadeedkan ayaa waxa uu qeexayaa in Muhiim ay tahay in Meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab sidoo kalana aan la hilmaamin 14kii October oo Maalintii Nabadiidku Xasuuqay Shacabka Soomaaliyeed.

Shabaab oo billaabay dhaqankii ugu xumaa oo ay Shacabka ku Boobayaan

0

Muqdisho (SNTV)- Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab waxaa markasta caado u ah inay boobaan shacabka Hantidooda iyagoo ku ganbanaya magaca Diinta Islaamka.

Wararka hada laga helayo Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay haatan la yimaadeen dhaqankii ugu xumahaa oo ay ku boobayaan dadka danta yar ee shacabka ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen in Qabiil Qabiil ay dadku isku qaybiyaan ka dibna ay keenaan Hanti waxa ay heestaan.

“Qabiil kasta waxaa la balaminayaa maalin gaar ah, waxaana laga rabaa Xoolo hadii ay heestaan ama Beeralay hadii ay yihiin dalagyadii u soo baxay inay keenaan oo siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Culeyska ugu daran ayaa haatan wuxuu saaranyahay, Ganacsatada Beeralayda iyo Xoola Dhaqatada ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobalka Jubbada Dhexe.

Dhaqanka lagu yaqaano Al-Shabaab ee isugu jira laynta Muslimiinta, Boobka, Handadaada iyo Xarigga dadka shacabka ah ayaa ah kuwo dhammaantood ka fog dhaqanka suuban ee Islaamka.

Duqayn lagu laayay Horjoogayaal Shabaabka tirsan oo ka dhacday Gobalka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Duqayn ka dhacday deegaanka CeelDheer oo 50 KM kaga beegan dhinaca koofur galbeed magaalada Baladweyne lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada AlShabaab.

 

Dadka deegaanka qaar ka mid ah oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in duqaynta xalay fiidkii hore lala beegsaday xarun maleeshiyaadku ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Dheer.

Dhanka kale wararka ka imanaya  Gobalka Hiiraan ayaa sheegay qaar ka mid ah horjoogayaasha Al Shabaab ay kulan ku lahaayeen deegaano hoostag  Ceeldheer, wararka qaar ayaana sheegaya in duqayntaan lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo tabacsan Al shabaab.

Deegaanka CeelDheer ayaa ah halka Al-Shabaab ay gaystaan xoolaha ay ka dhacaan dadka shacabka ah ee ku nool gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo si rasmi ah u daah furtay Wajiga labaad ee mashruuca Waxbarashada Dalka

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka  Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay mashruuca waxbarashada dalka kaasoo ay ku bixi doono  lacag dhan 33. 1 Milyan.

Wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali, xoghayaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xassan , xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada, iyo madax ka socota USAID, UNICEF iyo midowga Yurub ayaa ka qeyb galay kulanka.

Mashruucan ayaa socon doono muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa sannadkan 2018-ka ilaa 2020-ka, waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership for Education oo loo soo gaabsho (GPE) waxaana xiriirin doono midowga yurub.

Mashruucan oo ay ku baxeyso lacag dhan 33.1 milyan ayaa loogu talo galay in wax looga  qabto waxbarashada caruurta Soomaaliyeed sadexda sano ee soo socota. $5.6 milyan ka mid ah lacagta waxaa la siiyey Puntland, $9.6 milyan Soomaaliland halka $17.9 milyan kalana la siiyey Soomaaliya inteeda kale si wax looga qabto baahiyaha waxbarasho ee ka jira.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada ayaa fulin doonta  barnaamijkan.

Barnaamijkan ayaa  xooga saari doonaa kor uqaadida tirada iyo tayada ka qaybgalka waxbarahada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada dawlada/bulshada, xoojinta kormeerka, manhajka qaranka iyo xoojinta awooda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawlada gaar ahaan dawlad goboleedyada.

Wasiirka qorsheynta iyo dhiiri gelinta maalgashiga Mudane Jamaal Xasan ayaa  sheegay in dawlada ahmiyada labaad ay siisay  waxbarashada marka laga reebo  amniga maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada.

Rina Dhala oo ka socotay hey’ada USAID  ayaa tilmaamtay in waxbarashada  ay  lagama maarmaan utahay  yaraynta saboolnimada, dhisida bulsho nabadeed iyo kor u qaadista isku duubnida bulshada sidaa darteed ay mudan tahay in la taageero waxbarasada caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuurida jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh caruurta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa farxad ii ah inaan idiinku hambalyeeyo adiga, shacabka iyo Dowladda Turkiga munaasabadda Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ee 29 ka Oktoober.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, isagoona uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen walalaahooda shacabka Soomaaliyeed.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu gaaray heer aad u sarreeya oo ku dhisan is-aaminid, is-ixtiraamid iyo dhaqan qoto dheer oo saxiibtinimo oo ay leeyihiin labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan, shacabkiisa iyo Madaxda dalkaas caafimaad, farxad joogta ah iyo horumar waara.

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2019.

0

Muqdisho (SNTV):-Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar)

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan.

Wasiirka ayaa sheegay  in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.