Home Blog Page 1099

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacday magaalada Minya ee dalka Masar, kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida Jamhuuriyadda Soomaaliya shacab iyo dowladba ay u garab taagan yihiin walaalahooda dalka Masar, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada kasoo horjeedda horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in weerarkan argagixisanimo uu muujinayo hagardaamada joogtada ah ee argagixisadu ay ku hayaan shucuubta, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee dalka Masar Mudane Almushiir Cabdifataax Alsiisi iyo ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaasi, waxa uuna u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in ay si deg deg ah caafimaad dhammeystiran u helaan.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo xilligan uu ka socdo dib u dhis.

Kormeerka Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ku wehelinayay ,taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya S/Guud  Mudane, Bashiir Maxamed Jaamac, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Xassan Maxamed Cali.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in injineerada dhisaya xarunta Wasaaradda Waxbarashada ay ka mid yihiin injineero ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliya.

“Injineerada dhisaya xarunta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah injineero ka tirsan ciidamada Asluubta taasina waa guul ay gareen ciidamada Asluubta”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in arintan ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkana dhaqaalaha ku baxaya dib ugu soo noqonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Arinta waa mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay dhaqaalaha ku baxaya wuxuu dib ugu soo noqonaya dowladda iyo shacabka,waxaan rajeyneynaa in dhawaan la soo gaba gabeyn doono dhismaha”ayuu intaasi raaciyay wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Dhanka kale,Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” ayaa sheegay in macno gooni ah ay uleedahay in dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ay kaalin xooggan ay ku yeeshaan taliska Ciidanka Asluubta,taasi oo qeyb ka ah siyaasadda Dowladda.

Hoggaanka dhismaha Ciidanka Asluubta ayaa gacanta ku haya dhowr mashaariic oo lagu dhisayo xarumaha Dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo u ambabaxay Dalka Mareykanka

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka qeyb gali doono shir caalami ah oo looga hadlayo Sharciga, Cadaaladda iyo Horumarka.

“Waxa aan maanta safar shaqo ugu baxayaa dalka maraykanka halkaas oo aan kaga qaybgali doono shir looga hadlayo sharciga, caddaaladda iyo horumarka. Waxa kale oo aan halkaas kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan Dawlada Markaykanka”ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi kadib uu tagi doono dalka Hindiya islamarkaana uu kaga qeyb gali doono shir caalami ah.

“Waxa kale oo aan  halkaas uga sii gudbi doonaa dalka Hindiya oo aan kaga qaybgali doono shirka caalamiga ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka”ayuu yiri.

Xubno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka oo bogaadiyey dhalinyaro Garbahaareey ka hirgeliyey Maktabad

Muqdisho (SNTV) Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dhalinyarada hirgalisay Maktabadda degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kadib munaasabad ay xalay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Jubbaland ayaa tilmaamay in Maktabadaasi ay sare u qaaday heerka aqooneed ee degmada, waxaana munaasabadda shahaado sharf lagu gudoonsiiyey dhalinyarada Maktabadda hirgalisay oo qaarkood ay qurba joog yihiin.

Waxa uu sheegay Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) in dhalinyaradu ay door wanaagsan ka qaadan karaan horumarka dalka, islamarkaana talaabadaan ay tahay mid sare u qaadeysa waxbarashada gobolka Gedo.

Maktabadda Garbaharey oo la furay bishii Augost ee sanadkan waxa ay noqotay goob cilmi oo sare u qaaday heerka aqooneed ee Bulshada.

Howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay meel u dhow Degmada Jamaame

0

Kismaayo (SNTV) Ciidamada xoogga dalka ayaa hawlgallo ka wado deegaano hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee xoogga dalka hawlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhaw deegaanka Araare ayaa lagu dilay 12-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, waxaana laga furtay saanad ciidan.

Howlgalkaan oo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loogu talo galay in Argagixisada looga saaro deegaanada fara kutiriska ah oo ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan daraawiishta Jubbaland ayaa ku wajahan degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay maleeshiyada Al-shabaab sanado maamulayeen, si shacabka looga dulqaado cadaadiska ay ku hayaan.

Miino Al-shabaab ay galiyeen Wadada xiriirisa Yoontooy iyo dalcadda Lug-Law oo la fashiliyey

0

Kismaayo (SNTV) Ciidmada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa fashiliyay miino ay al shabaab galiyeen wadada u dhaxeeyso Yoontooy iyo dalacadda Lug-Law, miinadaan ayaana al shabaab waxa ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan dadka rayidka ah ee isticimaalayay wadadaasi.

Afhayeenka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland Mudane Saciid Cabdi Daahir Joogsade oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidanka ay qabteen howla muhiim ah loona baahanyahay in la bad baadiyo shacabka Soomaaliyeed

Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka fashiliyay miinadaani ay abaal marin doonaan maadaama uu sheegay in ay qabteen howlo wanaagsan.

Mudooyinkaan danbe ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa waday dar-dar gelinta amaanka guud ee degaanada xorta ah ee Jubbaland.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Howlgalo balaaran ka wada Gobalka Hiiraan

0

Baladweyne (SNTV) Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay howlgalo xoogan ay ka wadaan deegaano ku yaala inta u dhaxaysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burde.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  Soomaaliya ayaa sheegay inta ay socdeen howlgaladaan lagu soo qabtay ilaa iyo Shan qof oo lala xariirinayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Sargaalkaan ayaa sheegay in howlgaladaan haatan ay wali socdaan isla markaana qorshuhu uu yahay in Shacabka laga duqlqaado dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku haayaan shacabka.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobalka Hiiraan howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada qaar ay ku laayeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

AMISOM oo Billado guddoonsiisay Guutooyin la sagootinayay

0

Muqdisho-(SNTV)-Guutooyinka 44-aad iyo 45-aad ee Ciidanka Burundi qaybtana ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la guddoonsiiyay Billado iyo Shahaadooyin, markii ay dhammaysteen shaqadoodii Sanadlaha ahayd ee ay ka hayeen Soomaaliya.

Munaasabaddan oo dabayaaqadii Todobaadkan ka dhacday Muqdisho, ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha  Ciidanka Burundi, Col. Remy Cishahayo, wuxuuna ammaanay doorkii ay Guutooyinkan ku lahaayeen howlgalka ay AMISOM u joogto Soomaaliya.

Col. Cishahayo, ayaa soo dhoweeyay Ciidan kale oo beddelaya Guutooyinka shaqadooda dhammaystay , wuxuuna ku boorriyay Ciidanku inay aadaabta ilaaliyaan, kana soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Ciidankan la sagootiyay ayaa ka tirsanaa qaybta Shanaan ee xooggaga AMISOM, kuwaas oo door weyn ku lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo sheegay inaysan Dowladda dhexe fara gelin ku hayn doorashada Koofur Galbeed

Muqdisho-(SNTV)-Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda dhexe ay ku hayso doorashada Madaxweynaha ee maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudanaayaashan Golaha Shacabka oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto Ololaha doorashadda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo dhawaan lafilayo in ay ka dhacdo Magaaladda Baydhabo.

Xildhibaan, Cabdullaahi Abshiroow, oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo ay Dowladda dhexe ku heyso doorashada Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed, taas baddalkeedana Dowlad Goboleedyadu ay u Madax bannaan yihiin arrimaha doorashooyinka.

“Doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaan maqlay in la leeyahay waxaa faro galin ku haya Xukuumadda taas waxba kama jiraan aniga ayaa tagay Magaaladda Baydhabo oo degaankeyga ah mana ku soo arkin waxa lasheegayo runtii Maanta wax faro galin majirto balse badaalkeeda waxa socda horumar wanaagsan oo meel kasta laga wado” sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo lahadlay Radio Muqdisho.

Cabdullaahi Abshirow ayaa sheegay in Shacabka Koofur Galbeed ay aad u taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, kadib markii Dowladdu ay ku guuleysatay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saarto Waddada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo ay muddo badan Dadka Shacabka ah Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen,

Wuxuu sidoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleysteen inay kala qaadaan Malleeshiyo Beeleed muddo isku hor fadhiyey Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose, taasoo uu ku tilmaamay guul ay horseedday Dowladda dhexe.

“Shacaabka Koonfur Galbeed waxaa ay ii soo dhibeen Fariin ay ugu mahadcelinayaan Madaxeweyne Farmaajo iyo Reysul Wasaare Kheyre iyo dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya aad ayey u soo dhaweeyeen howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo aan muddo badan lamarin, sidoo kale waxaa ay ka mahad celinayaan in la kala qaaday Malleeshiyo Beeleedkii Marka isku haystay sidoo kalena heshiis arrintaas laga gaaray”.ayuu yiri Xildhibaanku.

Dedaalkan ay waddo Dowladda Soomaaliya ee dhanka howlgalada lagula Dagaallamayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah mid ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adaha amniga ku wareejiyey 10 qof oo Lacago sharci darro ah ka qaadayay Barakacayaasha

0

Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hay’adaha ammaanka ku wareejiyey 10 Qof oo si sharci darro ah Lacago uga qaadan jiray Qoysaska Barakacayaasha ah ee Caasimadda ku nool, si caddaaladda loo mariyo.

Shaqsiyaadkan ayaa si been abuur ah ugu sheegi jiray barakacayaasha inay bixiyaan Lacago, taas baddelkeedana ay siin doonaan Lacago dheeri, iyagoo iska-dhigaya hay’adaha gargaarka.

“Dadkani waxay iska dhigi jireen hey’adaha samafalka ee bixiya gargaarka, iyadoo kooxdan abaabulan ay Dadka ka qaadayeen Sawirro iyo buuxinta Liis ay ku qoran yihiin Magacyada Qoysaskooda, taas baddelkeedana ka qaadan jiray Lacago ay ugu yeeraan diiwaangelin ay ku helayaan gargaar kala duwan”. Ayuu yiri Af-hayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar.

Dadka Barakacayasha ah ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku soo wargeliyey dhacdadan, iyadoo 10 kamid ah kooxdan abaabulan Gacanta lagu soo dhigay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa uga digay shaqsiyaadka kale ee arrimahan ku howlan in aysan caddaaladda ka fakan doonin, haddii aysan ka waantoobin falalka ay ku dhacayaan Dadka masaakiinta ah.

“Waxaan u sheegaynaa cid walba oo arrimahan ku lug-leh in Caddaaladda aysan ka fakan doonin, Maamulka Gobolka Banaadir-na uu u taagan yahay ilaalinta Nafta iyo Maalka bulshada Caasimadda, gaar ahaan Dadka nugul”.

Laamaha ammaanka ayaa dhowr goor oo hore Gacanta ku dhigay Kooxo abaabulan oo Dadka barakacayaasha iyo kuwa Xaafadaha ku dhaqanba ku dhaca inay yihiin hay’ado gargaar sidaana ugu qaata Lacago diiwaan gelin ah.