Home Blog Page 1099

Afrika oo ka shireysa xakamaynta Qaxootiga iyo samaysashada Baasaboor mid ah

0

Addis ababa-(SNTV)-Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee Shalay ka furmay Magaalada Addis ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa waxaa looga hadlayaa xakamaynta Qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika iyo samaysashada Baasaboor ka dhexeeya Qaaradda.

Hay’adda Qaxootiga u qaabbilsan Qaramada midoobay ee UNHCR, ayaa sheegtay in 25.4 Milyan  oo Qaxootiga Caalamka ah ay 26 Boqolkiiba kasoo jeeda Waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

UNHCR ayaa sababta keentay korodhka qul-qulka Qaxootiga ku tilmaantay dhibaatooyinka ka taagan Waddamada Jamhuuriyada Bartamaha Afrika,Dalka  Koonfurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Burundi.

Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa shirkan kusoo bandhigaya naqshadda Hal Baasaaboor oo ay yeelanayaan Waddamada  Afrika, kaas oo fududeynaya isu socodka muwaaddiniinta Qaaradda, balse uu shaki ku jiro hirgelinteeda, sida ay Al-Jariira u sheegtay, Madaxa difaaca Gobolka ee Kooxda xasaradaha Caalamiga ee ICG, Elissa Jobson.

“Waa feker fiican guud ahaan marka loo eego dhaqdhaqaaqa xorta ah ee muwaadiniinta Afrika , su’aashu waa haddii la fulin karo,” ayay tiri ,Elissa Jobson.

Baasaboorrada ay soo saaraan Dowladaha Afrika ayaa laga yaabaa in uu meesha ka saaro Baasaboorka ay yeelanayaan 55-ka Dal ee ay Qaaraddu ka kooban tahay.

Dowladaha Qaniga ah ee Qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujinaya in Dadka ka imaanaya Waddamada saboolka ah ay si fudud kusoo galaan haddii la sameeyo Hal Baasaboor oo Qaaradda ka dhaxeeyo.

Howlgal lagu soo qabtay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay Bariirre

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobalka Gobalka Shabeellada hoose , Maxamed Ibraahim Barre, ayaa sheegay in howl-galkii ka dhacay degaanka Bariirre lagu soo qabtay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Hubkii ay wateen.

Guddoomiyaha oo u warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay Ciidamada Qalabka sida fashiliyeen werarro ay maleegayeen Kooxda Al-Shabaab, Gacantana ay kusoo dhigeen xubno ka mid ahaa argagixisada.

Howl-galka oo ay Habeen ka hor ka sameeyeen Ciidamadu degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay goobo ay kasoo maleegayeen qaraxyo iyo hagar-daamooyin ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay Ciidamadu haatan hayaan Afar xubnood oo ka mid ah nabad-diidka,Hub iyo waxyaabaha Qarxa, kuwaas oo xilligaa isu diyaaraniyay in ay qaadaan weerarro ay ku waxyeelleeyaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay caddaaladda marsiin doonaan.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre, ayaa sheegay in ay argagixisada ka xoreeyeen degaanno badan oo ku teedsan Xeebta, gaar ahaan Dhulka u dhexeeya Marka iyo Muqdisho iyo sidoo kale degaanno badan oo ah hareeraha Laamiga.

Shacabka ku dhaqan Shabeellada hoose ayuu ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamadooda iyo Dowladda lana wadaagaan xogta ku saabsan ka hortagga falalka gurracan ee ay kooxaha argagixsadu ku waxyeelleynayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidama oo ka shiray adkaynta amniga

0

Muqdisho-(SNTV)-Gudoomiyaha Degmada Bacad, Qaasim Cali Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay shir looga hadleyey sidii wax looga qaban lahaa Xaaladda amni ee Degmadaaasi oo ay Maalmahan ka jireen shaqaaqooyin.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Degmada ayaa waxaa ka qeyb galay, qaar ka mid ah wax garadka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiye, Qaasim , oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka looga hadlay sidii laysaga kaashan lahaa amniga iyo sidii loo heli lahaa isku duubni dhemarta Shacabka Degmada, maamulka iyo Ciidamada.

Qodobbada ka soo baxay kulanka ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen, in aan Qori lagu dhe wadan Karin Magaalada gudaheeda, in aan xabbad lagu dhex ridi Karin iyo in aan gabbaad la siin Qof xiriir la leh Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa digniin culus u diray Debleyda dhigata Isbaarooyinka sharci darrada ah, wuxuuna sheegay in ciddii lagu arko Jidgooyo ay ula dagaallamayaan sida kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Khayre: Sida Dunidu Noola Dhaqanto Iyo qanaacada Dadka Soomaaliyeed, Waxaa lafdhabar u Ah Garsoorka Dalka

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane, Xasan Cali Khayre oo Casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa si weyn ula dar-daarmay, kuna boorriyay shaqa wanaag iyo hufnaan.

Wuxuu sheegay in hagaajinta dhaqaalaha Dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta Dowlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda Dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo caddaalad loo simanyahay oo Dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Casho Sharafta oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha Qaranka, Garsoorayaasha Gobalka Banaadir iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ayay muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta Garsoorka Dalkeenna.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa madaxda Garsoorka Dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka Gasoorka Dalka.

Himmilooyinka tubta caddaaladda iyo amniga ayaa waxaa ku jira halbeegyo muhiim u ah horumarinta caddaaladda iyo Garsoorka Dalkeenna, si loo helo caddaalad loo simanyahay.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Shalay soo xiray shir Sannadeedkii ugu horreeyay ee burbrkii Dalka kadib looga arrinsado Garsoorka Soomaaliya.

Jabuuti iyo Masar oo ka wada hadlay horumarka Soomaaliya

0

Addis ababa-(SNTV)– Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ,Sameh Shoukry  iyo dhiggiisa Dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa Shalay ka wada hadlay  ammaanka Badda Cas iyo xaaladda Waddamada Geeska Afrika.

Labadan mas’uul ayaa ku kulmay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, xilli ay isu diyaarinayeen shirka Waddamada Midowga Afrika oo dhowaan ka dhici doona halkaas, sida ay daabacday Jariiradda Anadolu.

War ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Labada Nin ay ka wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Bariga Afrika, xiriirka Jabuuti iyo Eretrea, horumarrada ka jira Soomaaliya iyo Yemen iyo arrimaha amni ee Badda Cas.

Labada wasiir ayaa sidoo kale Diiradda saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo Badda Cas, iyaga oo isla qaadaa-dhigay sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo horumarineed oo wadajir ah oo ay Soomaaliyana qeyb ka tahay.

Soomaaliya ayaa door muhiim ah kaga jirta xasilloonida iyo horumarka Waddamada geeska Afrika, waxaana haatan soconaya is-beddello lagu dar-dar gelinayo is-dhexgalka iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka oo ay Laf Dhabar u tahay Soomaaliya.

XARUNTA DEGMADA HELIWAA OO DIB UDHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY

0

Muqdisho (SNTV) Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxa ay dib udhis, Qurxin iyo Qalabeyn ku sameeyeen Xarunta iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maamulkaas, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo quruxda ay leheyd degmada Heliwaa.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Abdulhakiim Omar Abdulle oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in asiga iyo maamulkiisu ay ku howlan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda iyo amniga degmada, si shacabka ku dhaqan degmada Heliwaa ay ugu dhiiradaan horumarinta deegaankooda maadaama ay saameeyen dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

“Anaga Degmada Heliwaa uma imaan in aan ka shaqeysano ee waxaa u imaanay in aan u shaqeyno shacabka dhibaateysan ee ku dhaqan gudaha degmada Heliwaa. Insha allah waxaa qorsheyneynaa in sanadka soo socdo aan ka shaqeyno arimo badan oo ay ka mid yihiin dib udhiska wadooyinka baaba’san iyo furista Xafiisyo ay ku shaqeeyaan Maamulka Waaxyaha Degmada Heliwaa, si loo daadajiyo nidaamka dowlad wanaaga” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle.

Sidoo kale Gudoomiye Abdihakiin ayaa sheegay in isla sanadkaan ay degmada Heliwaa ka hirgalin doonaan qaar ka mid ah xafiisyada Adeegyada Dowlada Hoose ee ay ka mid yihii xafiiska fasaxyada dhismaha, Xafiiska Dhalashada iyo Sugnaan, Xafiiska Shatiyada Ganacsiha iyo Xafiiska Duplicateka si bulshada ku dhaqan degmada Heliwaa ay u helaan adeeg dowladeed oo dhameystiran.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle ayaa shacabka degan degmada Heliwaa waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga iyo horumarka degmadooda si loo suuliyo fikirka qaldan ee laga qabo degmada Heliwaa oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn Gobolka Banaadir.

War-murtiyeed: Kulan Hawleedka Saddex-Geesoodka ah ee Hay’adaha Dastuurka oo soo xirmay

Muqdisho (SNTV)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir wadajir ah oo afar maalin ay lahaayeen seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka.

Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre oo shirka soo xiray ayaa boGgaadiyay waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen seddexda hay’ad, waxa uuna sheegay in xukuumadda ay ku garab taagantahay hay’adaha sidii loo dhameSAytiri lahaa Dastuurka.

Sidoo kale waxaa dhankooda xiritaanka shirka ka hadlay Wasiir Cabdi Xoosh, Gudoomiye Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Maxamed Daahir Afrax iyagoo si wadajir ah u ballanqaaday in hay’adaha ay si labalaabi doonaan howlahooda korna u sii qaadi doonaan wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka ka soo baxay shirka oo u qornaa sida tan:-

WAR-MURTIYEED:-

Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-u- eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -u- Eegisda iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 4 – 7 Febraayo 2019, ayaa lagu qiimeeyay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadkii 2018 iyo sii ambaqaadka sanadka 2019.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’adaha dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo ay goob joog ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ee UNSOM, UNDP iyo Max Planck.

Saddexda hay’adood ee Dastuurka markii ay si qoto-dheer dib–u –eegis ugu sameeyeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka isla markaana qodob-qodob loo dul istaagay qorshahaas, waxaa la isla qiray in horumar weyn laga gaaray fulinta tubta geedi socodka dastuurka; waxaase soo baxay caqabado dhowr ah oo isugu jira kuwo la xiriirra qaab-dhismeedka, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Caqabadaha saameeyay habsami usocodka dib-u-eegista dastuurka 2018 waxaa ka mid ahaa:

Khilaafaadka siyaasaadeed ee u dhexeeyey Dowladda Federalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, walaac laga muujiyay hay’ado aan dastuuri ahayn oo faraha kula jiray dib-ueegista Dastuurka, ergadii mataleysay Dawlad Goboleedyada kuna biiri lahaa Guddiga Madaxabannaan oo aan wali la dhamaystirin, isbarbar yaac ka jiray arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka, iska warqab la’aan ka jirtay hay’adaha taagera geedisocodka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyaddii loo qoondeeyey dib-u-eegista dastuurka ee 2018 oo aan sidii loo qorsheeyey loo helin iyo qoondadii 2019 ee hay’adaha dastuurku ay gudbiyeen oo aan la tixgalinin.

Hadaba, hay’aduhu waxay soo jeedinayaan in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xalliyo caqabadahaas:

1- In laga fogaado khilaafka siyaasadeed ee dhaawici kara geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka lana dadajiyo Arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sida qodobada 54aad iyo 122aad, wada hadalka Soomaaliland IWM ah.

2- Geeddi-socodka Dib-u-eegista dastuurka waa inay hogaamiyaan seddexda hay’adood ee heer Federaal ee loo igmaday.

3-In Wasaaradda Arrimaha Dastuurku ay ku soo dhameystirto sida ugu dhakhsaha badan ergadii ku matali lahayd Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

4-Waxaa lagu heshiiyey in arrimaha wacyigelinta si wadajir ah looga hawl galo ayadoo la raacayo Qorshe-Hawleedka Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

6-Wasaaradda Arrimaha Dastuurku waa in ay u hawl gashaa sidii la isugu keeni lahaa dhammaan hay’adaha caalamiga ee taageera dib-u-eegista dastuurka si loo looga yeesho aragti midaysan taageerada hawlaha geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

7-In Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ay bixiso miisaaniyaddii loo qoondeeyey Dib-uEegista Dastuurka 2019, islamarkaana dib-u-eegista miisaaniyada xiliga dhexe ee 2019 qoondo ku filan loogu daro hay’adaha loo igmaday dib-u-eegista dastuurka.

8-Waxaa la go’aamiyay in la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay laga bilaabo bisha Maarso 2019.

9-Waxaa la isla gartay in ladadajiyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

10-Waxaa lagu boorinayaa dhamaan hay’adaha qaran ee ay quseeyso shuruucda iyo hay’adaha hortabinta u leh dib-u-eegista dastuurka inay soo dhamaystiraan shuruucda iyo dhismaha hay’adaha looga baahanyahay.1

1-Waxaa lagu balamay in kulanka xiga ee qiimaynta dib-u-eegista dastuurka ee hay’adaha dastuurka inuu qabsoomo 1da Juun 2019.

Gabagabadii, hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan ummadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka laga gaaray horumar wayn lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan. Kulanka waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Ballan Qaaday Dhamaystirka Dastuurka

Muqdisho (SNTV) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, ayaa sheegay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaae Khayre soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka, isaga oo ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo halbeegyada la doonayo in sannadkaan lagu dhaqan geliyo ayaa waxaa qayb ka ah dhameystirka hannaanka dib-u-eegista iyo qabya tirka dastuurka.

Danjiraheenna Suudaan oo la kulmay dhiggiisa Dalka Tuniisiya ee fadhigiisu yahay Khartoum

0

Khartuum-(SNTV)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudaan,Mudane Cabdrisaaq Axmed Shoole, ayaa Xarunta Safaaradda ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Tuniisiya ee Khartoum Mudane Al-Haashimii Cujeylii.

Labda Danjire ayaa iska xog wareystay xaaladaha Gobolka iyo sidii loo kobcin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dal.

Danjire, Shoole ,ayaa uga warbixiyey dhiggisa Tunisia hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Soomaaliya iyo horumarka ka socda, isagoona dul istaagay dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu shacabka Soomaaliyeed ee ay ka go’an tahay in ay dalkooda dib u dhistaan.

Danjiraha, Dalka Tunisia ee Khartoum ayaa bogaadiyey dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo xasilinta dalka, waxa uuna xusay in argagixisadu ay caqabad ku yihiin dhammaan caalamka, loona baahan yahay in la iska kaashado ciribtirkooda.

Labada Danjire ayaa wada jir ugu tacsiyeeyay qooysaskii iyo qaraabadii ay ka shahiidiin muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxii argagixisanimo ee maalinnimadii Isniinta ka dhacay Caasimadda Muqdisho, iyagoona Alle uga baryey naxariis, dadka dhaawaca ahna caafimad deg deg ah.

Danjire, Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa wada dadaal ku aaddan sidii loo xoojin lahaa kaalinta diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay dalkan, maadaama Jamhuuriyadda Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dhaq-dhaqaaqyada diblumaasiyadeed ee Afrika iyo dalalka Carabtaba.

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas.

“Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.” Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta.

Madaxweynuhu waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay hore ugu soo shaqeeyeen.

“Marka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.”

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah.