Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka jeediyay shirka Midowga Baarlamaanada Carabta

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane;  Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan.

Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya,

Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dadaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta.  

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...