Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar

Date:

Qaahira (SNTV):-Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Abuubakar Isloow ayaa la kulmay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa bogaadiyay kaalinta hoggaamineed ee  Masar ay ku leedahay Qaaradda Afrika.

Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso  in ay ka faa’iideysto khibradda Masar ee ku aaddan dhanka ciidamada booliska.

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay laba-laabaan dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo xasiloonida.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan tababaridda Booliska, waxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay wada shaqeynta iyo inay laamaha amniga wadaagaan warbixinnada, si loo yareeyo dambiyada iyo falalka argagixisada.

Labada wasiir ayaa kala saxiixday is-fahan la xiriira iskaashiga arrimaha amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha, iyadoo ay goob joog ka haayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga oo gaaray Sh/Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin,...

Muwaaddin Soomaaliyeed oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Bariga Afrika

-G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku...

Shir looga hadlayo horumarinta Miisaaniyada dalka oo Mogadishu ka furmay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar...